Home Blog Page 206

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha “Dadkeennu waxa ay u baahan yihiin doorasho qof iyo cod ah

0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saadaad Maxamed Nuur oo ka qeybgalay kulanka toddobaadka Warbaahinta Qaranka,ayaa sheegay in dadkeennu ay xilligaan u baahan yihiin doorasho qof iyo cod ah oo looga dareero gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha ayaa xusay in laga gudbay doorashooyin dadban,sidaa daraadeedna loo baahan yahay qabashada doorasho ay awodda leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Adduunka waqtigaan casriga nagama aqbalaayo in aan iska dhexdooranno qof,balse waxaa ay daneynayaan in loo darreero doorasho qof iyo cod ah oo ay ku soo baxaan madax ay rabbaan shacabka Soomaaliyeed “ayuu yiri wasiirku.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimah Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saadaad Maxamed Nuur waxa uu ku taliyay in la joojiyo cabsida siyaasiyiintu ay ka qabaan foorashada qof iyo codka ah,isla markaana ay dalkooda u horseedaan nabad iyo horumar.

Wasiirka Deegaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay madasha UNCC ee COP29

0

Waxaan khudbad ka jeediyay madasha UNCC ee #COP29, anigoo iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta nidaamyada digniinta deg degga ah si Soomaaliya ay uga sii gaashaamato saameynta isbedelka cimilada. Waxaan til-maamnay dadaalka dowladda ee dhismaha nidaam isku dhafan kaas oo bulshada siiya macluumaad sax ah oo waqtigeeda ku habboon, si loo yareeyo saamaynta fatahaadaha iyo abaaraha soo noqnoqda ee dalka ka jira.

Waxaan sidoo kale xusnay in adeegsiga saadaasha cimilada heer qaran uu kaalin muhiim ah ka qaadanayo ilaalinta bulshada iyo wax ka qabashada caqabadaha cimilada. Nidaamkan digniinta deg degga ah ayaa ah mid isku xira xogta deegaanka iyo aqoonta bulshada, taas oo suuragelinaysa in digniinaha lagu gaarsiiyo dadweynaha meel kasta oo ay joogaan, iyadoo la adeegsanayo aalado sahlan sida moobilka iyo raadiyaha.

Gebagebadii, waxaan ku baaqay in beesha caalamka ay taageeraan dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta nidaamyada digniinta deg-degga ah, iyada oo ku adkeysatay in maalgashiga nidaamyadan uu horseedi doono bulshada Soomaaliyeed oo leh adkeysi iyo badbaado sare.

Kulan la tashi ah oo ku saabsan hindisaha xeerarka ururada iyo xisbiyadda oo lagu qabtay Muqdisho 

0

Qaar kamid ah ururrada bulshada rayidka ah, siyaasiyiinta xisbiyada iyo khuburo cilmi baarayaal ah, ayaa ka qeybgalay kulan ku saabsanaa nidaamka xisbiyada iyo sida dalka ay uga suurtagali karto doorasho qof iyo cod ah.

Kulankaan oo ahaa mid latashi ah waxaa xubnihii ka qeybgalay ay si saraaxad leh uga doodeen ahmiyadda doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka iyo sida looheli karo tirakoob sax ah,amni iyo dastuur madaxbannaan.

Guddoomiyaha guddigga kmg ah ee labada aqal u xilsaaran diyaarinta xerarka doorashiiyinka, kan ururada siyaasadda iyo dhismaha guddigga doorashooyinka Xildhibaan Mahad Naxaned Guuleed oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in doodaha wax ku oolka ah ee ay soo jeediyeen ka qeybgalayaasha ay muujinayaan baahida loo qabo dooraho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka.

Wasiirka Degaanka XFS oo khudbad ka jeesiday madasha IOM ee Shirweynaha COP29

0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi, ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay madasha IOM ee Shirweynaha COP29, iyadoo iftiimisay saameynta isbeddelka cimilada iyo waxyeelada ay ku leedahay dhallinyarada iyo bulshada u nugul ee caalamka.

Wasiirka, ayaa carabka ku adkeysay in isbeddelka cimiladu yahay dhibaato halis ku ah jiritaanka nolosha Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, maadaama ay sabab u tahay barakaca, kororka magaalooyinka, yaraanta biyaha, amni xumo dhinaca cuntada, iyo qalalaase aan la xakamayn karin.

Wasiir Khadija ayaa tilmaantay in ay muhiim tahay in si wadajir ah oo degdeg ah loo wajaho dhibaatooyinkaasi. Waxa kale oo ay xustay in saameynta ugu daran ee cimilada ay ku dhacdo dhalinyarada, dhanka waxbarashadooda, adeegyada aasaasiga ah, fursadaha shaqo, iyo guud ahaan yoolalka horumarineed ee caalamka (SDGs).

Wasiirka ayaa ugu baaqday hogaamiyeyaasha, siyaasiyiinta, iyo hay’adaha inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa awoodda dhalinyarada si ay uga qayb qaataan xallinta caqabadaha cimilada. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya waxay ka go’an inay ka dhigto codka dhalinyarada qayb muhiim ah oo ka mid ah dadaalladeeda isbeddelka cimilada iyo horumarka waara, iyadoo dhalinyarada loo aqoonsanayo inay yihiin awood wax ka tari karta mustaqbalka dalka iyo caalamka.

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeygalay shir-weynaha Caalamiga ah ee COP29

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qaybgalaya shir-weynaha caalamiga ah ee COP29 ee ka socda magaalada Baku, Azerbaijan, ayaa ka mid noqday madaxdii ka hadashay kulan muhiim ah oo looga doodayay saameynta La Niña ee la filayo in ay ku yeelato gobolka Bariga Afrika iyo abaarta ka dhalan karta.

Guddoomiyuhu, oo hadal muhiim ah ka jeediyay shirka, ayaa ku adkeeyay in hadda ay tahay waqtigii saxda ahaa ee la qaadi lahaa tallaabooyin lagaga hortagayo abaarta la saadaalinayo, iyadoo la xoojinayo nidaamka digniinaha degdegga ah iyo hubinta in fariimaha digniinta ay gaaraan dhammaan shacabka ay abaartu saameyn karto.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeybgalay madaxa urur-goboleedka IGAD iyo wasiirro ka socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ingiriiska

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee wadanka Ingiriiska Lindsay Hoyle.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhigiisa Ingiriiska ayaa kulankooda diiradda ku saaray iskaashiga xoojinta xiriirka Baarlamaanadda labada wadan,khibrad isweydaarsiga Xildhibaanadda labada Baarlamaan iyo sidoo kale sidii Baarlamaanka wadanka Ingiriiska uu gacan uga geysan labaa kor u qaadista aqoonta howlwadeenadda Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa booqday xarunta Baarlamaanka ee wadanka Ingiriiska,wuxuuna warbixin ku saabsan habka  uu u shaqeeyo baarlamaanka wadankaasi ka dhageystay dhigiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalkaasi.

Ku-Simaha Duqa Muqdisho oo tababar u faray Howlwadeenada Waaxda Canshuuraha

0

Ku-Simaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa daah-furay Tababar loo qabanaayo Howlwadeenada Waaxda Canshuuraha Dowladda Hoose ee Xamar, kaasi oo lagu baranaayo Xirfadaha wadashaqeyn kooxeedka iyo xiriirka.

Guddoomiye Ciise ayaa sheegay in ay muhiim tahay wanaajinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya howlwadeenada waaxda canshuuraha Dowladda Hoose ee Xamar si loo helo adeegayaal si hufnaan oo xirfadeysan ugu shaqeeya bulshada qeybahooda kala gedisan, asigoona u rajeeyay howlwadeenada in ay ka faa’ideystaan cashirada ay bixinayaan aqoonyahanada.

Munaasabaddan lagu daah furaayay Tababarka Howlwadeenada Waaxda Canshuuraha waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Dowladda Hoose ee Xamar Sowdo Hussein Sudi, Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha D/hoose ee Xamar Md. Xuseen, Aqoonyahano iyo xirfadleyaal kala gedisan.

Saraakiil ka tirsan CXD oo ay tababar u soo gabagabeeysay Safaaradda Mareykanka 

0

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa Muqdisho loogu soo gabagabeeyay tababar aqoon-kororsi oo ku saabsan hufnaanta hawlgalada, tayeynta saadka, maareynta iyo hagaajinta xiriirka ciidamada iyo rayidka, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Tababarkan oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska iskaashiga amniga ee Safaaradda Mareykanka, ayna fulinayeen khuburo ka tirsan Machadka Maamulka Amniga (ISG) oo kaashanaya Kulliyadda Dagaalka ee Ciidanka Mareykanka, ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa hufnaanta hawlgalada iyo maareynta tayeynta ciidamada difaaca Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirta horumarinta iyo tayeynta ciidamada difaaca oo waafaqsan heerarka caalamiga ah, si dalku u noqdo goob ammaan iyo xasilloon, ayaa uga mahad-celisay dowladda Mareykanka taageerada muhiimka ah ee ay ku bixiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo gacan-siinta arrimaha bini’aadantinimada.

 

Wasiirka Deegaanka oo Saxiixday Heshiis Iskaashi oo lagu taageerayo bulshooyinka u nugul deegaanka

0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Amb Khadija Al-Makhzoumi, ayaa heshiis la saxiixatay hay’adda Global Center for Climate Mobility.

Heshiiskan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumar waara oo adkaysi leh oo Soomaaliya ku habboon.

Iskaashigan cusub wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa awood siinta bulshooyinka u nugul deegaanka, iyadoo la hubinayo badbaadada iyo wax ku oolnimada istaraatiijiyadda la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalka.

Ujeedada heshiiska, ayaa ah in la maalgelin doono mashaariic gaar ah oo ka turjumaya baahiyaha dadka, isla markaana lagu xoojinayo maamulka maxalliga ah si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi bulsho oo xooggan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad oo kormeeray Bandhigga hordhaca ah ee Qorshaha Qaranka

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay, ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025 ilaa 2029.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ayaa dhageystay warbixinnada laga soo saaray Sheybaarada kala duwan ee xarunta diyaarinta Qorshaha Qaranka, isagoo sheegay in tani ay tahay rajada ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ay qabaan isla markaana xukuumaddu ay xoogga saari doonto fulinta Qorshaha halkaan ka soo baxa.

Waxyaabaha maanta lasoo bandhigay waxaa kamid ah dib u eegidda iyo falanqeynta lagu sameeyey Caqabadaha ragaadiyey Qarankeenna, fursadaha jira ee u baahan in si maangal ah loo wajaho ka faa’iideysigooda iyo sida qorshaha Isbeddelka Qaranku u wajahayo qaabeynta mustaqbalka dalka.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ah Hindise ay hoggaaminayaan madaxda Qaranka, ayaa ujeedkiisu yahay uruurinta iyo meel isugu geynta muruqa iyo maskaxda Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed taas oo horseedeysa in si wadajir ah dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo qarankeenna, lana helo macluumaadka asaasiga ah ee dhinacyada wax soosaarka, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo xoojinta dowladnimo loo dhan yahay.