Home Blog Page 206

Madaxweynaha JFS oo booqday Askar ku soo dhaawacantay hawlgalka ka dhanka ah Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku dhaawacmay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, kuwaas oo muddo dheer dhibaataynayay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Allaah uga baryey geesiyaasha dhaawacmay caafimaad buuxa, isagoo ku amaanay geesinimadooda iyo dadaalkooda joogtada ah ee ay ku difaacayaan diinta, dadka iyo dalka. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli wadda dagaallo cirka iyo dhulka ah oo lagu xoreynayo gobollada dalka, si loo ciribtiro Khawaarijta iyo kooxaha amni-darrida abuuraya.

Dagaalkan ayaa ah mid sii xoogeysanaya, iyadoo geesiyaashu si qalbi furan u difaacayaan nabadda iyo xasiloonida dalka.

Dowladda Soomaaliya oo xirtay 12 Website oo ay Khawaarijta isticmaalayeen 

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha oo ay Khawaarijta lahaayeen, iyadoo horay ay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg ama website oo Khawaarijta ku lahaayeen barta Internet-ka.

Sidoo kale dowladda ayaa gacanta ku dhigtay xogta iyo raadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahaan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay intaba, iyadoo xogtaasi ay sahli doonto in talaabo laga qaado dembiilayaasha Khawaarijta ugu adeegayay hawlahan.

Inta uu socdo hawlgalka baabi’inta nooc kasta oo Khawaarijtu u isticmaalaan warbaahin ahaan ayaa waxaa lagu burburiyay kumanaan kun oo barood oo ay ka samaysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo.

Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha Internetka ah ee Khawaarijta ayaa sidoo kale mar dhow rajaynaya inay gacanta u soo galaan Website-yada kale ee Khawaarijt ku gudbiyaan falal dembiyeedka iyo marin habaabinta.

Linkiyada website-yada lala wareegay:

dhaxalgal.ne

warkiislamka.com

dhaxalgal.com

somalimemo24.com

somalimemo24.net

radioalfurqaan.co

dhaxalgalka.info

faafreeb.com

faafreeb.net

faafreeb24.com

faafreeb24.net

amirnur.com

Dowladda ayaa sidoo kale sii wadeysa dadaallada lagu baabi’inayo baraha internet-ka ee Khawaarijta.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo cambaareeyay qaraxii ay khawaarijta ka fuliyeen Baladweyne

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa cambaareeyay weerarka fuleynimada ahaa ay geeysteen Khawaarij ku dhiiran weysay furimaha dagaalka inay yimaadaan taa beddelkeedana doortay inay xasuuqaan shacab sooman.

Howgalka dabar-goynta Khawaarijta oo ay iska kaashanayaan Daraawiishta Hirshabeelle, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-dirirka deegaanka ayaa guud ahaan ka socdo Hirshabeelle waxana uu si weyn u naafeeyay damaca argagaxisada ee ahaa inay gumaadaan dadka shacabka ah.

“Allaha u naxariisto Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle, Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax, Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo shacabkii ku shahiiday weerarkii bahalnimo ee argagixisada, Allaha bogsiiyo intii ku dhaawacantay. Aan u midoowno dhammeystirka Khawaarijta arxanka daran.”

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada amniga Dowladda Hirshabeelle sida ay u toogteen maleeshiyaadka khawaarijta ee gudaha u galay Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.

Wasiir Biixi oo la kulmay agaasimaha hay’adda horumarinta caalamiga ah ee UK

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Faysal Maxamed Xaashi ayaa kulan muhiim ah maanta la qaatay Agaasimaha Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee UK Dr. Christopher Pycrof.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda oo ay ugu horreeyaan ilaha dakhli soosaarka oo muhiimad gaar ah ay siinayso Wasaaradda Maaliyadda iyo barnaamijka Qorshaha Isbadalka Qaran (NTP) oo isna dhawaan ay meel-mariyeen Golaha Xukumadda JFS.

Guddiga madax bannaan ee doorashooyinka oo shahaado guddoonsiiyay ururka midowga Soomaaliya

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa.

Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, Gudoomiye ku-xigeenka, Mudane 𝐒𝐚𝐚𝐝𝐢𝐪 𝐀𝐛𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐆𝐚𝐫𝐚𝐚𝐝 iyo qaar ka mid ah Xubnaha GMDQS.

Diiwaanhayaha Guddiga Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 Xaydara oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sharaxaad ka bixiyey Ururka Cusub ee 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 iyo hab-raacyadii uu soo maray.

Dhanka kale Guddoomiyaha Ururka Midowga Soomaaliya Dr. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐞𝐞𝐪 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 oo gudoomay shahaadada ayaa Guddiga ku amaanay shaqada wanagsan ee uu u haayo umadda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo shahaadada Gudoonsiyey ururka ayaa sheegay in Ururka midowga Soomaaliya maanta la gudoonsiiyey shahaadada Rasmiga ah ee Ururnimo, Ururro kalena ay soo dhameystiri doonaan shuruudaha looga baahanyahay oo ay wadada ku soo jiraan. Gudoomiye Cabdikariim ayaa sheegay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod ah si xor iyo Xalaal ahna loogu tartami doona.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Imaaraadka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan.

Kulankooda oo ka dhacay Qasr Al Bateen ee magaalada Abu Dhabi ayaa labada mas’uul waxay isku dhaafsadeen xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, waxaana lagu lafa guray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dedaallada dhinacyada horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Imaaraadka Carabta ay ka geystaan ​​horumarinta Soomaaliya, isagoo muujiyay doorka ay ku leeyihiin caawinta shacabka Soomaaliyeed si loo gaaro horumar baaxad leh.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo afur wadareed la qaatay bulshada degmada Deyniile

0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiin kale ayaa bulshada Degmada Dayniile kala qayb-galay afur wadareed ay sooo diyaariyeen Maamulka Degmada Deyniile ee Gobalka Banaadir.

Ujeedka afur wadareedka ayaa ahaa mid lagu dhiirrigalinayo ciidamada geesiyaasha ah ee ku howlan sugidda amniga caasimadda bisha Barakaysan ee Ramadaan, si loo xoojiyo hawlgalka lagu xaqiijinayo amniga Gobolka Benaadir iyo Degmooyinka ku xeeran.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa bogaadiyay horumarka iyo xasilloonida caasimadda ee ay horseedeen ciidamada kala duwan ee nabadsugidda iyo Boliiska, wuxuunna ku adkeeyay inay sii labo jibbaarraan feejignaanta maadama kooxaha khawaarijta jab xooggan kasoo gaaray furimaha dagaalka.

Ra’iisal wasaare Xamse oo daah-furay tartan Qur’aanka Kariimka ah

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daah-furay tartanka Qur’aan Akhriska sanadlaha ah ee heer Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay soo saaraan dhallinyaro xambaarsan kitaabka oo xufaad ah, dadkana bara diinteenna nasteexada ah iyo sunnaha, si aan ummadda uga dhex-saarno kuwa leexiyey hadalka Eebbe, isla markaana banneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Tartanka Qur’aanku wuxuu bulshadeenna ku jihaynayaa in ay isku xirmaan, taas oo kor u qaadeysa midnimada iyo wadajirka bulshooyinka muslimiinta ah, waxa aanna ku xasuusanaynaa muhiimadda weyn ee uu nolosha u leeyahay ku dhaqanka kitaabka iyo sunnaha, kuwaas oo ina faraya in aynu ilaallino islaamnimada iyo wuxuu Alle innagu amray”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Mudane Xamsa, ayaa culimada Soomaaliyeed ku booriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka Khawaarijta dalka looga xoreynayo iyo suulinta fikradaha khaldan ee looga been sheegayo diinteena suubban.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, Laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda faderalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud ,ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed,isagoona sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay Garsoorka dalka.

Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhanka kale dhaariyay Xildhibaan Maxamed Cabdi Cali oo ka mid noqonaya xubnaha cusub ee Golaha Shacabka kadib markii labo maalin ka hor lagu soo doortay magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha JFS oo la guddoonsiiyay Cilmi-baaris ku aadan horumarinta caasimadda

0

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo dhaqanka Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) ayaa guddoonsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud seddex cilmi-baaris oo ka mid ah wax soo saarka aqooneed ee hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo Dhaqanka gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah buugaagta ayaa si wanaagsan u faah faahinaya dhibka maandooriyuhu uu ku haayo amniga iyo xasilloonida Muqdisho, halka buugga Cilmi-baarista labaad lagu soo bandhigay nadaafadda Muqdisho iyo habka ugu wanaagsan ee bilicdeedii beri samaadka ku soo ceshan karto.

Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) buugga seddexaad ee ku guddoonsiiyay Madaxweynaha JFS ayaa isna diiradda lagu saaray Muqdisho iyo soo kabashadeeda amni iyo dhaqan dhaqaale ee xiligan.

Cilmi-baarista seddaxda buug ee lagu wareejiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muhiim u ah dhinaca horumarinta Caasimadda dalka, si ay ula jaanqaado dhiggeeda dunida loona helo caasimad ka horumarsan dhan kasta.