Home Blog Page 207

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, Laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda faderalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud ,ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed,isagoona sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay Garsoorka dalka.

Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhanka kale dhaariyay Xildhibaan Maxamed Cabdi Cali oo ka mid noqonaya xubnaha cusub ee Golaha Shacabka kadib markii labo maalin ka hor lagu soo doortay magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha JFS oo la guddoonsiiyay Cilmi-baaris ku aadan horumarinta caasimadda

0

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo dhaqanka Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) ayaa guddoonsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud seddex cilmi-baaris oo ka mid ah wax soo saarka aqooneed ee hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo Dhaqanka gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah buugaagta ayaa si wanaagsan u faah faahinaya dhibka maandooriyuhu uu ku haayo amniga iyo xasilloonida Muqdisho, halka buugga Cilmi-baarista labaad lagu soo bandhigay nadaafadda Muqdisho iyo habka ugu wanaagsan ee bilicdeedii beri samaadka ku soo ceshan karto.

Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) buugga seddexaad ee ku guddoonsiiyay Madaxweynaha JFS ayaa isna diiradda lagu saaray Muqdisho iyo soo kabashadeeda amni iyo dhaqan dhaqaale ee xiligan.

Cilmi-baarista seddaxda buug ee lagu wareejiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muhiim u ah dhinaca horumarinta Caasimadda dalka, si ay ula jaanqaado dhiggeeda dunida loona helo caasimad ka horumarsan dhan kasta.

Wasiirka Qorsheynta oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

0

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG) ee Soomaaliya, Mudane George Conway

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029), kaasoo dhawaan la filayo in la daahfuro.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii barnaamijyada iyo mashaariicda hoos yimaada Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya si buuxda loo waafajin lahaa mudnaanta dowladda ee ku cad QIQ. Kulanka ayaa sidoo kale looga dooday sidii looga shaqeyn lahaa kulanka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaasoo dib loogu milicsan doono waxqabadyadii Qaramada Midoobay ee 2024 iyo qorshe-hawleedka sanadka 2025.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay halka uu marayo barnaamijka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaasoo badali doona kii hore. Sidoo kale, hoos u dhaca ku yimid Gargaarka Horumarinta Rasmiga ah (ODA) ayaa lagu soo qaaday, gaar ahaan dhimista taageerada ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, sida USAID.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in hoos u dhaca ODA uu saameyn ku yeelan karo barnaamijyada horumarinta ee Soomaaliya, isagoo muujiyay in loo baahan yahay in la helo habab kale oo maalgelin ah si loo ilaaliyo barnaamijyada muhiimka ah ee dalka.

 

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda “Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waa mid wanaagsan”

0

Wasiiro dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Balcad oo u waramayay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Mudane Cali Balcad ayaa tilmaamay in xiriirka hadda ee labada dal uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana labada dowladood uu ka dhaxeeya iskaashi dhan kasta ah oo ay ugu horeeyaan dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda.

“Dhanka siyaasadda ee Soomaaliya iyo Imaaraadka isna waa mid meel wanaagsan marayo, waxa ayna naga taageeraan arrimaha aminga iyo dhaqaalaha” ayuu yiri Mudane Cali Balcad.

Wasiir dowlaha wasaaradda Arrimaha dibadda Mudane Cali Balcad ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadku uu maraya meel wanaagsan, Soomaaliyana ay ka tageeraan arrimo ay kamid yihiin Amniga iyo dhaqaalaha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo bogaadiyay kaalinta howlwadeenada haweenka ee Hay’adda

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan afurin, hambalyo iyo bogaadin isugu jira xarunta dhexe ee Hay’adda ugu sameeyay madaxda iyo howl-wadeennada haweenka ah ee ka howl-gala Hay’adda SoDMA.

Mudane Maxamuud Macallin ayaa haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan howl-wadeennada haweenka ah ee SoDMA ka shaqeeya ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee haweenka, isagoo si weyn ugu ammaanay kuna boorriyay kaalintooda u adeegidda dadka nugul iyo gudashada guud ahaan waajibaadka qaranka.

DF iyo Hay’adda UNOPS oo heshiis muhiim ah kala saxiixday

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta DFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Madaxa Hay’adda UNOPS ee Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan daraasadda iyo naqshaqeynta kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb oo qeyb ka ah Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda.

Haayadda UNOPS ayaa howshaan kusoo dhammeystiri doonto muddo 10 bilood ah oo ka kooban daraasadda iyo naqshadeynta laba buundo oo cusub oo ay yeelaneyso magaalada Beledweyne iyo 10 km oo ah waddo isku cirrus’s magaalada iyo buundooyinka cusub.

Heshiiskii 1aad ee hawshan ayaa lagu dhameystiray Daraasadda iyo Naqshadeynta 23 km oo Waddooyinka Magaalada Beledweyne ah, 24 km oo wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb ah, Qiimeeynta Buundooyinka hada la isticmaalo ee Beledweyne iyo Naqshadda Barxadda Nasashada ee Dhuusamareeb.

Munaasabaddan kooban oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud ayaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud Nuur waxaa uu bogaadiyey qorshayaasha naqshadeynta iyo dhisamaha kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka Dalka iyo Iskaashiga kala dhaxeeya haayadda UNOPS.

Dhanka kale Hey’adda UNOPS ayaa ballan qaaday in ay u fulinayaan hawlaha loo igmaday sidii lagu heshiiyay.

Wasiir Roobow”Kabul iyo Dimishiq midna noqon meyso Muqdisho Khawaarijtuna kama awood badna sidii hore”

0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muqtaar Roobow oo ay wehliyaan qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay muqdisho ayaa ka hadlay howlgallada dalka looga ciribtirayo khawaarijta.

Wasiirka Awqaafta arrimaha Islaamka Muqtaar Robow ayaa sheegay in wasaaradda iyo culimada oo isku duuban ay garab taaganyihiin geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanka,waxa uu carabka ku adkeeyay in diiniyan ay qalad tahay in laga been abuuro dagaalka xaqa ah ee lagu difaacayo Diinta iyo sharafka ummadda soomaaliyeed.

Mudane Mukhtaar Roobow ayaa khawaarijta u sheegay in Kabul iyo Dimishiq aheyn Soomaaliya, isagoo tilmaamay in khawaarijta tabar beeleen laheyn awood ay ugu bac-bacdhigaan ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka taas badalkeeda fariimo been ah isticmaalayaan taasoo iyana ugu dambeyn u socon waysay.

“Kaabuul iyo Dimishiq midna noqon meyso Muqdisho Khawaarijtuna kama awood badna sidii hore.” Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow.

Sheekh Cali wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed oo meesha ka hadlay ayaa tilmaamay mooqifka culimada ee dagaalka khawaarijta, isagoo sheegay in dowlad iyo shacaba loo istaago sidii dalka looga xoreeyn lahaa khawaarijta oo ka been sheegay diinteensuuban ee Islaamka ah.

Culimada kale ee shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dhankooda sidoo kale adkeey muhiimadda ay leedahay garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee khawaarijta kula dagaalamaya furimaha hore ee dagaalka, iyagoo mar kale carabka ku adkeeyey dilka khawaarijta in Alle loogu dhawaanaya waajibna tahay dilkooda maadaama fasahaad ka wadaan dalka.

Khawaarijta ayaa maleeshiyaad iyo horjoogayaal looga dilay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo dhawaan waayay horjoogayaal muhiim u ahaa kuwaas oo dhib badan ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaari doona caqabadaha ka taagan safarada xildhibanadda

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaari doona caqabadaha ka taagan safarada iyo ku xad gudubka xildhibaanadda, taasoo ka dhalatay doodii arintaas la xiriirtay oo ay mudanayaasha Golaha Shacabka yeesheen kulamadii 2-aad iyo sedaxaad ee kalfadhigan lixaad.

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOGAADIYAY DOORKA HAWEENKA EE XOREYNTA DALKA IYO DOORASHADA TOOSKA

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur ah ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharaxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab, kaas oo haweenku ay yihiin udub-dhexaadka bulshada, islamarkaana ay si toos ah uga qeyb qaataan dadaallada lagu xoreynayo dalka, iyagoo ka shaqeynaya wacyigelinta, taageerada ciidamada iyo dhisidda bulshada deegannada laga xoreeyey argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xoreynta dalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qeyb qaataan hanaanka doorashooyinka tooska ah oo fursad u siinaya in ay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo guddoomiyey shir looga hadlayay amniga caasimadda.

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shir-guddoomiyey kulan ku saabsan amniga caasimadda oo ka dhacay xarunta Gobolka Benaadir.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray qorshaha horumarinta amniga caasimadda iyo degmooyinka ku xeeran, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka shacabka ku nool Gobolka, loona adkayn lahaa iskaashiga hey’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha amniga.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran, ay muhiimad weyn siinayso la shaqaynta hey’adaha amniga, dhiirrigalinta ciidamada qalabka sida, is-dhexgalka laamaha dowlada iyo shacabka, wuxuunna faray golaha wasiirrada in bisha barakaysan ee Ramadaan ay kula soo afuraan shacabka iyo Saraakiisha amniga degmooyinka caasimadda.

Mudane Saalax, ayaa kula dardaarmay Saraakiisha kala duwan ee masuulka ka ah amniga caasimadda in ay isku xirnaadaan, ayna dhexgallaan shacabka ku nool Gobolka Benaadir, si bulshada looga soo dhex-saaro kuwa halista ku ah amniga, ee ku dhex gabbanaya shacabka caasimadda.