Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika 

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa la wareegay hoggaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika kadib qabsoomidda shirka 24-aad ee madashan oo ay ku midaysan yihiin Wasiirada Maaliyadda dalalka kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Sudan iyo South Sudan.

Madashan oo inta badan diiradda lagu saaro wadaaga mashaariicda horumarineed ayaa ah madal loogu talagalay in ay isku xirto dalalka dhaca geeska qaaradda Afrika, iyadoo ilaa iyo hada wax yaabaya la hirgalinayo ay ugu muhiimsan yihiin waddooyinka isku xiraya dalalka geeska si ganacsiga iyo dhaqaalaha uu u noqdo mid sahal meel walba ku gaaro.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Md. Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray kadib la wareegidda guddoonkq madasha ayaa yiri, “Sharaf ayey inoo tahay in aan xilka guddoomiyaha Iskaashiga Dalal Geeska Afrika kala wareego wasiir Axmed Shide. Soomaaliya waxa ay xubin muhiim ah ka aheyd aas-aaskii madashan, hadana waxa ay sidoo kale hoggaamin doontaa 2-da sano ee soo socota,Is dhexgalka gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa ah mudnaan muhim u ah himiladeena. Inta lagu guda jiro 2 sano ee soo socota, waxa aan ku dadaali doonaa si kor loogu qaado ganacsiga, maalgalinta kaabayaasha guud ahaan Geeska Afrika” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Hindisaha Iskaashiga Geeska Afrika waa barnaamij goboleed lagu horumarinayo isdhexgalka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo maalgelinta kaabayaasha dhaqalaaha. Soomaaliya oo kamid ah aasaasayaasha ururkani waxa ay xubin muuqdo ka tahay madashani lagu maalgalinayo dalalka geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...