Wasiir Al-Cadaala: “Meydadka Khawaarijta ayaa daadsan Deegaanka Wargaadhi”

Date:

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa si adag uga hadlay guulaha ay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, gaar ahaan howlgalka ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in saakay Khawaarijta lagu jabiyay deegaanka Wargaadhi, isagoo tilmaamay in meydadkooda ay daadsan yihiin goobtaasi. Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxdaasi aysan mustaqbal ku lahayn Soomaaliya, isla markaana ay yihiin naf la caarin aan u turayn dadka iyo dalka.

Wasiirku wuxuu xusay in howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada ay fuliyeen ay ahaayeen kuwa lagu burburinayay saanadooda iyo hubkooda, sidoo kalena lagu joojiyay isku socodkodkoida. Wuxuu sidoo kale sheegay in la burburiyay isbaarooyin ay Khawaarijtu lacago baad ah uga qaadi jireen shacabka, gaar ahaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo.

Wasiir Al-Cadaala ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay guul weyn ka gaartay howlgalka wajiga koowaad, islamarkaana todobaadyada soo socda ay dhici doonaan howlgallo xooggan oo ka dhan ah Khawaarijta.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Email: Loyalyare12@gmail.com

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...