Home Blog Page 202

Danjire Ilyaas Cali Xasan oo waraaqihii aqoonsiga ku wareejiyay madaxda Tansania

0

Safiirka cusub ee Soomaaliya Ilyaas Cali Xasan ayaa nuqul kamid ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ku wareejiyey Agaasimaha Hab-maamuuska Qaran ee Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Tanzania Amb. Yusuph Mndolwa.

Kulankii soo dhoweynta kadib dhinacyadaasi waxa ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah e labada dal iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Tansania.

Safiirka cusub ee Soomaaliya, ayaa Agaasimaha uga mahadnaqey soo dhoweyntii diiraneyd ee loo sameeyey, isagoo lawadaagay in uu xoogga saari doono adkeynta xiriirka wanaagsan ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo la shaqeynta jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Tansania

Guddiga Adeegga Bulshada Ee BJFS oo qabtay kulan la xiriiray arrimaha gargaarka ah

0

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka, ayaa Muqdisho ku qabtay kulan aqoon isweydaarsi ah oo ku saabsanaa ka warqabka iyo habsami u socodka arrimaha ku aadan gargaarka Soomaaliya.

Kulakaan oo ay Iska kaashadeen golaha shacabka iyo hey’adda UNICEF,waxaa ka qeybgalay Howlwadeenno ka socday golaha shacabka

Kulankaan waxaa mudadii uu socday la istusaaleeyay sidii loo heli lahaa  ballanqaad ku aadan habsasmi u fulinta howlaha gargaarka ee ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo sidii looga miro dhallin lahaa hadafka dowladda ee ku saabsan wax u qabashada umadda.

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka BFS Nadra Saalax Cabdi oo kulankaasi ka hadashay ayaa madaxda Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ku ammaantay dadaalka ay ugu jiraan gaarsiinta shacabka ee arrimaha gargaarka bini’aadanimo.

Hay’adda SoDMA iyo Culumada Soomaaliyeed oo kulan wadatashi ah ku yeeshay Muqdisho 

0

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Culimada Soomaaliyeeed, ayaa isugu yimid shir wada-tashi ah oo diiradda lagu saaray, kor-u-qaadista xiriika wada-shaqeyn ee ka dhaxeeya SoDMA iyo Culimada, ka jawaabista deg-degga ah, dhisidda bulsho adkeysi u leh aafooyinka iyo sida ay Culimada Soomaaliyeed uga qayb-qaadan karaan dadaallada istiraatiijiga ah ee hay’addu kula tacaalayso ka hortagga khataraha musiibooyinka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo shirka daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu shirkaan u leeyahay bulshada, gaar ahaan dadka nugul ee u baahan garab istaagga, isagoo xusay in talada iyo aragtida culimada ay mar kasta lagama maarmaan u tahay hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, halka uu si weyn u boorriyay xoojinta dadaallada wacyi-galinta iyo in dadka si wax-ku-ool ah loo fahansiiyo sida ay muhiim u tahay wax-la-bixdda iyo is-caawinta.

Hoggaanka Culimada Soomaaliyeed goobta ka hadlay ayaa dhankooda soo jeediyay doodo iyo khudbado la xariira sida ugu habboon ee shacabka tabaaleysan si waxtar leh loogu gaarsiin karo gargaarka iyo waddooyinka looga gudbi karo ku tiirsanaanta gargaarka iyo deeqaha dibadda, halka ay ballan-qaadeen in ay xoojin doonaan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan maaraynta musiibooyinka iyadoo xoogga la saarayo ka faa’iidaysiga aqoonta iyo kheyraadka gudaha.

Intii shirku socday waxaa la soo bandhigay muuqaal koobaya waxqabdka Hay’adda muddada labada sanno ah ee ay jirtay, sidoo kale, waxaa la soo jeediyay warbixin kooban oo taabanaysa howlaha guud ee hay’adda hortabinta u leh, waxqabadka Xarunta Qaran ee Ka-digista Halis-wadareedka iyo Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg-degga ah ee ku aaddan u diyaargarawga, ka jawaasista xalaadaha bani’aadannimo iyo hirgalinta mashaaricda dhisaya adkeysiga bulshada.

Xildhibaanno ka tirsan Guddiga Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhankooda qeyb ka ahaa shirka ayaa si weyn u bogaadiyay doodda iyo muwduuca shirka, iyaga oo xusay in xalka in badan oo muskiladaha ka mid ah u ku jiro wacyi-galinta iyo farriimaha cumilada ee ku wajahan bulshada Soomaaliyeed, loona baahan is-kaashi marka la joogo fulinta howlaha bani’aadannimo ee Hay’adda SoDMA masuulka ka tahay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ” Macalinku waa halgamaaga naftiisa iyo Ubadka Soomaaliyeed”.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in macallinka Soomaaliyeed looga fadhiyo in uu soo saaro arday leh waddaniyad, kana hufan musuq, eex iyo qabyaalad, kuwaas oo kamid ah dhibaatooyinka saameynta taban ku yeeshay dadkeenna.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo sanad walba la maamuuso 21-ka Nofeembar, ayaa xusay muddadii labada sano ahayd ee ay shaqeynaysay Xukuumadda DanQaran in la shaqaaleysiiyey 6,000 oo macallin, lana gaarsiin doono ilaa 10, 000 mustaqbalka dhow.

Mudane Xamsa, ayaa bogaadiyey doorka macallimiinta iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed iyo saameynta wanaagsan ee ay ku leeyihiin mustaqbalka dalka, isaga oo ku boorriyey bulshada in ay taageeraan waxbarashada, si loo helo jiil aqoon leh oo ka guul gaara horumarinta dalka.

“Macallinku waa halgamaa naftiisa iyo maskaxdiisa u huraya barbaabarin ubadka Soomaaliyeed, waxa ay saldhig u yihiin mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed, waxaana bogaadinayaa doorka aad ka qaadataan horumarka Qaranka, waxaana naga go’an in aan garab istaagno macallinka Soomaaliyeed oo ku shaqeeya duruufo adag, heeganna ugu jira badbaadada ubadka Soomaaliyeed”.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ballan qaaday in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu taageerayo waxbarashada iyo horumarinta tayada macalimiinta, taas oo tiir-dhexaad u ah horumarka bulshada iyo ciribtirka jahliga.

Wasiirka Arrimaha Bulshada XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Dalka Turkiga

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta oo khamiis ah ku qaabilay xafiiskiisa, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee aynu walaalaha nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Kulankaan, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyey sidii loo abuuri lahaa barnaamijyo shaqo abuur ah, kuwaasi oo ay ka faa’iideysan karaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo arrimo la xiriira tababaro lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dawladda.

kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda, Mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim, agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane, Yuusuf Wadani iyo qaar ka mid ah la-taliyaasha Wasaaradda.

Duqa Muqdisho oo soo xiray madasha Doonista Maqaamka Matalaada Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa soo xiray Madasha Wadahadalka Siyaasadda ee Doonista Maqaamka Caasimadda iyo Matalaada Gobolka Banaadir iyo Doorka Muwaadinka ee Doorasho toos ah oo muddo labo maalmood ka socday Magaalada Muqdisho.

Madashaan oo ay kasoo qeybgaleen Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada, Xisbiyadda, iyo Sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha dalka oo uu hogaaminaayay Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa ay dhageysteen talooyinka iyo fikradaha qeybaha kala gedisan ee Bulshada Gobolka Banaadir.

Xildhibaanada, Odayaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka, Culumada, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhalinyarada iyo Dadka baahiyaha gaarka qaba ee ka hadlay madasha ayaa taageeray hanaanka uu dalka ujiheystay ee doorasho qof iyo cod ah, iyagoona dhinaca kale hoosta ka xariiqay in la xaqiijiyo Maqaamka Caasimadda iyo Matalaada Gobolka Banaadir.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka oo ka qeybgashay shir caalami oo ka dhacay magaalada Jeddah

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryam Mohamed Hussein, ayaa ka qeybgashay Shirweynaha Afaraad ee Caalamiga ah ee Iska Caabinta Dawooyinka Jeermis Dilaha ah (Antimicrobial Resistance – AMR), kaas oo lagu qabtay magaalada Jeddah, Boqortooyada Sacuudiga.

Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray sidii caalamka uu si wadajir ah uga hortagi lahaa khatarta sii kordheysa ee iska caabbinta dawooyinka gaar ahaan kuwa loo adeegsado daweynta cudurrada faafa ee halista ah.

Intii uu socday shirka ayay sidoo kale Wasiiru dowlaha kulamo doceedyo la qaadatay wasiirada kala duwan ee ka socday dalalka ka qeyb galayay iyo masuuliyiin sare oo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee caafimaadka Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan dagaalka lagula jiro iska caabbinta dawooyinka.

Dr. Maryam Mohamed Hussein ayaa shirkan ka jeedisay khudbad ay kaga warbixisay dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan yareynta iska caabbinta dawooyinka sida Horumarinta iyo hirgelinta siyaasado caafimaad oo casri ah Tababarka iyo tayeynta shaqaalaha caafimaadka ee dalka iyo Wacyigelinta bulshada si loo yareeyo adeegsiga qaldan ee dawooyinka jeermis dilaha ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii soo dhaweysay “Baaqa Jeddah” (Jeddah Commitment), oo ah ballanqaad caalami ah oo ku saabsan la dagaallanka khatarta iska caabbinta dawooyinka jeermis dilaha ah.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed 

0

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa hambalyo u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed munaasabadda 21-ka Novembar awgeed oo ah maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ku asteenysan maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel walba oo ay Soomaali joogta laga xuso.

Sanadkii 1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka, waxaana Shacabka iyo Dowladda ay si wadajir ah u muujiyaan muhiimadda maalintaan. Waa maalin ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasaxaa dugsiyada iyo dhammaan goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka.

Guddoomiye Xasan Abshirow ayaa sheegay in macallinka uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay,isla markaana yahay baraha iyo hagaha ummadeed ee ka saara jahliga iyo si xun u fikirka, maantana ay tahay maalin weyn oo loo baahan yahay in si weyn loogu dabaal dago si macallimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan kobcinta waxbarashada Dalka.

“Macalimiinta Soomaaliyeed ayaa muujiyay dhabar- adeyg iyo dulqaat muddadii dhowr iyo labaatanka sano ahaa ee uu dalka burbursanaa, iyagoona kusoo shaqeeyay waqtiyo adag, hadii dalka intii burburka uu ku jiray macallimiinta Soomaaliyeed aysan ku dhiirin laheyn inay ardayda Soomaaliyeed wax baraan, waxaa qatar gali lahaa mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeeed, hormarka maanta dalka ka jirana lama gaari laheyn” Ayuu yiri Guddoomiye Xasan Abshirow.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliya aay xoogga saareysa shaqa-gelinta macallimiinta iyo sare u qaadida arrimaha waxbarashada dalka, ayadoo laba sano gudahood Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliaya diiwaangeliyeen lix kun (6,000) oo macallin, kuwaa oo hada ka howlgala dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed 

0

Wax baridda ubadka Soomaaliyeed oo kula nool dunida dafaheeda kala duwan waxaa mas’uuliyad weyn iska saray Macallinka Soomaaliyeed sidaa darteed hambalyo barayaasha Soomaaliyeed.

Addunyada horumar kasto oo lagaaro waxaa sababa dad,Dadkaasne waxaa wax soo baray oo gaarsiiyay heerarkaas kala duwan waa macallin. Dadka sida loo diyaariyo ayay u noqdaan bulasho wax tar leh,Macallinku waa barbaariyaha iyo haggaha bulashada kortay iyo mida soo koraysaba.Macallinku qiimo aad aad u weyn ayow ugu fadhiyaa dalkaan iyo dadka Soomaaliyeedba.

Macnaha waxa sameeyo maahan xirfada iyo waxa aad taqaan uun ee waa Barbaarinta lasoo barbaariyo, Cunuga yarkaa inta uu ku jiro aas aaska Waxbarashada,akhlaaqda wanaagsan wax lasiisto malahan.Qofka inow maskax ahaan u diyaarsan yahay ayaa muhiim ah oo hab-fikirkiisa qabaysan yahay.Qofka marka uu diyaaraan yahay waa qof anfacaayo bulashada iyo naftiisa taas ayaana muhiim ah.Masuuliyadda weyn waxa ay saaran tahay waa Macallinka Soomaaliyeed Waxaana leenahay HAMBALYO.

Abaal ayay u galleen Macallimiinta Soomaaliyeed dalkaan iyo dadka Soomaaliyeedba waxaan leenahay,Abaalkiina allaha idiin guddo ileyn anaga maba guddi karnee,Dadaalkiina halkaas kasii wada.

Golaha Wasiirradda oo ansixiyay magacaabista Agaasimaha guud ee hay’adda Istaatistikada

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Dr.Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, keydinta Bacrimiyayaasha Beeraha iyo horumarinta deegyada caafimaadka dalka.