Magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda ayaa lagu qabtay kal-fadhigii 15aad ee shir-weynaha sanadlaha ah ee hayโadda African Risk Capacity (ARC), taasoo u qaabilsan qaaradda Afrika arrimaha maareynta khataraha musiibooyinka. Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah (27โ28 Abriil 2025),ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah hayโadda ARC, waxaana Soomaaliya uga qeybgalay Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.
Intii uu socday kal-fadhiga, waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin:
1. Doorashada guddoonka kal-fadhiga 15aad ee sanadkan 2025.
2. Doorashada madaxtinnimada Hayโadda ARC ee afarta sano ee soo socota.
3. Falanqaynta iyo ansixinta goโaammo farsamo oo la hordhigay madaxda hayโadaha wadamada xubnaha ka ah.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sidoo kale ka qeybgalay shir-madaxeedka lagu ayidayay ajandayaasha iyo warbixinnada muhiimka ah ee ka soo baxay shirarkii heer farsamo. Doodahaasi waxay si gaar ah u taabanayeen muhiimadda iskaashiga dalalka Afrika ee la tacaalidda abaaraha soo noqnoqda ee qaaradda ku habsada.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka, isagoo xusay sida ay Soomaaliya uga goโan tahay horumarinta iskaashiga la dagaallanka musiibooyinka dabiiciga ah, gaar ahaan abaaraha, iyo sidii loo heli lahaa taageero caalami ah oo wax ku ool ah.
Shirkan ayaa muhiimad weyn u leh xoojinta iskaashiga dalalka Afrika ee ka hortagga iyo maareynta khataraha musiibooyinka, iyadoo la adeegsanayo habab casri ah iyo iskaashi caalami ah.








