Dowladda Soomaaliya oo ka digtay faafinta been abuurka iyo dacaayadaha khawaarijta

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka warhaysaa baraha bulshada iyo shaqsiyaad ku howlan faafinta warar been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo amniga dalka. Dhacdadii ugu dambeysay ee been abuurka ahayd waxay la xiriirtay weerar hoobiyayaal ah oo Khawaarijtu ku beegsadeen qaybo ka mid ah Muqdisho.

Warbaahinta taageerta Khawaarijta iyo shaqsiyaad baraha bulshada isticmaala oo aan hubin xaqiiqda ayaa si aan sugneyn u faafiyay warar sheegaya in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Xerada Xalane iyo qeybo ka mid ah Garoonka Muqdisho, ayna ku dhinteen dhowr qof oo ajanabi ah, war gabi ahaanba ahaa been abuur iyo buunbuunin laga badbadiyay.

Khawaarijta Al-Shabaab ayaa sameeyay weerarro aan lahayn bartilmaameed cad oo lagu dhibaateeyay shacabka Muqdisho, iyaga oo adeegsanaya hoobiyayaal si dhuumaalaysi ah loo soo tuuray, kuwaas oo marar badan geystay khasaaro rayid ah, oo ay ku jireen carruur u socotay dugsi Qur’aan oo toddobaadyo ka hor dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa shaqsiyaadka ku hawlan baahinta wararka been abuurka ah iyo dacaayadaha Khawaarijta, kuwaas oo si toos ah ama dadban uga qayb qaadanaya qalqal gelinta amniga shacabka, gudaha iyo dibaddaba. Dowladda waxay uga digaysaa falalkan khatarta ku ah amniga bulshada, waxayna ka qaadi doontaa tallaabooyin sharciga waafaqsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...