Hayโadda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Hayโadda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa soo qabanqaabisay aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo ku saabsan siyaasadda iyo qaab-dhismeedka nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah iyo nidaamyada digniinta hore ee taleefannada gacanta (CB-EWS), oo qeyb ka ah Tiirka 3aad ee hindisaha โDigniinta Hore ee Loo Dhan Yahayโ (EW4All).
Aqoon-is-weydaarsiga, oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, ayaa isu keenay daneeyayaal muhiim ah, oo ay ka mid yihiin shirkadaha isgaarsiinta iyo shirkadaha bixiya adeegyada internetka iyk qaar kamid ah Hayโadaha dowladda.
Dr. Mustafa Almahdi, Wakiilka ITU, oo hadal ka jeediyay furitaanka aqoon-is-weydaarsiga, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee isgaarsiintu ku leedahay badbaadinta nolosha, isagoo adkeeyay sida ITU uga goโan tahay taageeridda dadaallada Soomaaliya ee hoos yimaada hindisaha Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay (EW4All).
Guddoomiye Ku-xigeenka Hayโadda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa iftiimiyay baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo diyaar-garowga qaran iyadoo la adeegsanayo teknoolajiyada casriga ah ee digniinta.
Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hayโadda Isgaarsiinta Qaranka, oo si rasmi ah u furay aqoon-is-weydaarsiga, ayaa xaqiijiyay sida ay Hayโaddu uga goโan tahay dhisidda hannaan isgaarsiineed oo degdeg ah oo la isku hallayn karo, oo daboolaya baahiyaha dalkeenna.
Inta lagu guda jiro labada maalmood ee aqoon-is-weydaarsiga, ka-qaybgalayaashu waxay falanqeyn doonaan xeer nidaamiyayaasha iyo shuruucda heer farsamo ee lagu hawlgelinayo Nidaamka Digniinta Hore ee Taleefannada Gacanta (CB-EWS) ee dalkeenna, dib-u-eegista habraacyada wadashaqaynta hayโadaha ee lagu maareeyo dirista digniinaha degdegga ah, aqoonsiga arrimaha farsamo iyo sharciyeed ee fududeynaya gudbinta farriimaha iyada oo loo marayo shabakadaha mobilada, iyo ku heshiinta qorshaha hirgelinta CB-EWS oo la waafajinayo tiirarka kale ee hindisaha Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay (EW4All).
Aqoon-is-weydaarsigan waxa uu qayb ka yahay dadaallada socda ee hindisaha EW4All si loo xaqiijiyo in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay helaan digniin hore oo degdeg ah oo wax ku ool ah.