Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca

Date:

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo booqasho ku jooga magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ayaa kulan la qaatay Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiiru dowlaha arrimaha difaaca ee dalka Qatar Mudane Sucuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan aala tani.

Labada masuul ayaa kawada hadlay arrimo badan oo la xiriira adkeynta iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dal.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo labada dal ka socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...