Home Blog Page 176

Heshiiskii xabbad-joojinta Israel iyo Hamas oo dhaqangalay

0

Heshiis xabbad-joojin ah oo ay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas ayaa dhaqan galay kaddib markii uu kuy yimid dib u dhac ​​saddex saacadood ah oo ay sababeen waxa lagu sheegay arrimo farsamo.

Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay heshay magacyada saddexda maxbuus ee la sii dayn doono maalinta ugu horreysa ee dhaqangelinta heshiiska.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in dagaalka la joojiyo iyo in la sii daayo saddex maxaabiis oo Israel ah iyo illaa 95 maxaabiis falastiiniyiin ah maalinta ugu horreysay heshiiska.

Dhaqangalka heshiiska ayaa yimid xilli Xamas ay fuliyeen dalab ka yinid Natanyahu oo la xiriiray in la soo bandhigo liiska magacyada ee maxaabiista la sii deynayo.

Inkasta oo uu dhaqangalay heshiiska xabbad-joojinta haddana saacadihii hore ee maanta ciidamada Israel ayaa weeraray Gaza,iyagoo halkaasi ku dilay 19 Falastiiniyiin ah.

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO TABABAR U SOO XIRAY DUFCADII 2-AAD EE DARAAWIISHTA MAAMULKAAS.

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta u soo xiray tababar muddo dheer u socday dufcadii 2-aad ee Daraawiishta Hirshabeelle kuwaas oo qeyb ka noqonaya Booliiska Hirshabeelle.

Munaasabadda tababarka lagusoo gabogabeynayey waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kula dardaarmay ku dhawaad 300 oo askari ee maanta tababarka loosoo afmeeray in ay dhowraan sharafka iyo karaamada shacabka Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo kulan la qaadatay ururrada Bulshada Rayidka

0

-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan wadatashi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya.

Kulankan oo isugu jiray isbarasho iyo Wadatashi waxaa Wasiirka ku wehliyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Mudane Maxamed Cismaan Naastaro iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Maxamed Bashiir Cumar iyo xubno kale oo Wasaaradda ka tirsan.

Xubnaha u hadlay ururrada Bulshada Rayidka ah ee kulanka ka hadlay ayaa ugu horeyn ka mahad celiyey marti qaadka loo fidiyey iyo in lala tashanayo waxaana ay soo dhaweeyeen magacaabista Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaga oo ballan qaaday iney Wasaaradda si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka khudbad ka jeedisay ayaa xubnaha ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah uga mahad celisay soo dhaweyntooda iyo tallooyinkooda waxaana ay warbixin ka siisay howlaha horyaala Wasaaradda oo ay ugu horeeyaan xoojinta dhowrista Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo in Haweenka lagu dhiiri geliyo islamarkaana lagu gacan siiyo shaqooyinka muhiimka ah ee Dalka oo ay ugu horeeyaan xilalka iyo doorashooyinka qof iyo cod ee la filayo iney dalka ka dhacaan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulammo wadatashi ah oo Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi la yeelaneyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo kulankii kan ka horeeyey la qaadatay Haweenka Soomaaliyeed.

Munaasabad lagu taagerayo doorashooyin qof iyo ah oo muqdisho lagu qabtay

0

Munaasabad lagu taagerayo doorashooyin qof iyo cod ah oo uu soo qaban qaabiyay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga XFS mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa lagu qabtay magaalada Muqdhigo.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka mid ah labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir , ururrada bulshada iyo boqolaal shacab ah oo taageersan in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay dadka Soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay codkooda ku doortaan cidda hoggaamin doonto mustaqbalka dhaw.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS , mudan Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh (Al-caddaala) ayaa sheegay muhiimadda ay dalka u leedahay dhallinyarada Soomaaliyeed codkooda in ay ku ciil baxaan.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗴𝗮𝘅-𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗴𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garsoorka dalka oo loo dhisayo qaab casri ah, kaas oo la jaan-qaadaya hannaanka lagu casriyeynayo garsoorka dalka.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan hey’addaha garsoorka dalka, taas oo ah tallaabo weyn oo loo qaadday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan hey’addaha caddaaladda dalka.

“Hirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaadday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis la’aan, tan oo ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka, iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Munaasabadda dhax-dhigga dhismaha garsoorka dalka, waxaa goobjoog ka ahaa, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hey’addaha caddaaladda dalka.

SoDMA iyo WFP oo kawada hadlay arrimaha gar-gaarka dalka

0

-Guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku soo dhaweeyay madaxa hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee Bariga Afrika mudane, Laurent Bukera.

Kulanka labada masuul ayaa si dhaw loogu falanqeeyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, sidii ay wada-shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo abuuridda jawi u fududeenaya bahwadaagta howlaha gargaarka in ay waajibaadkooda si fudud u gutaan.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa ka codsaday Laurent Bukera oo booqashadiisu ku soo aaday xilli laga cabsi qabo natiijo taban oo ka dhalata abaarta in hay’adda WFP si dhaw ula shaqayso SoDMA iyo wasaaradaha Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee dowlad gobolleedyada.

Guddoomiyaha oo bogaadiyay xariirka shaqo ee ka dhaxeeya SoDMA iyo WFP, ayaa guud ahaan hay’adaha gargaarka iyo deeq-bixiyayaasha ugu baaqay in indhaha lagu hayo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka hadlay Barnaamijyada Maalgashiga ee Soomaaliya

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cismaan Daallo, ayaa ka qeybgalay Barnaamijka Todobaadka Warbaahinta Qaranka, isagoo ka hadlay qorsheyaasha iyo barnaamijyada maalgashiga ee socda. Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay si xooggan u dhiirrigelisay maalgashiga gudaha iyo dibadda, isla markaana ay u abuurtay fursado ganacsi oo muhiim ah oo ay ganacsatada Soomaaliyeed, kuwa gudaha iyo dibadda ka yimaada, ka faa’iideystaan.

Mudane Cismaan Daallo ayaa tilmaamay in ay socdaan qorshayaal maalgashi oo ballaaran oo lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka, waxaana dowladda ay ku howlan tahay inay dhisaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo warshadaha, si loo abuuro jawi wanaagsan oo lagu dhiirrigelinayo maalgashiga. Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in la siinayo fursado cusub ganacsatada si ay uga qayb qaataan horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasiir Cismaan Daallo ayaa muujiyay in maalgashiga uu kaalin muhiim ah ka qaadanayo abuurista shaqooyin cusub, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo kordhinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya la leedahay dalalka kale. Wuxuuna sidoo kale xusay in dowladda ay ku dadaalayso sidii loo xaqiijin lahaa nabadgelyo, kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerooyin loogu talagalay ganacsatada.

Wasiir Fiqi oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub ee Suudaan

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Suudaan Mudane Abdurahman Khalil Ahmed Abakr.

Kulanka dhinacyadaasi ayaa la iskula soo hadal-qaaday xoojmta xiriirka labada dal iyo sare-u-qaadidda iskaashiga lagama maarmaanka u ah labada dowladood. .

Wasirka ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go’antahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee kala dhexeeya Suudaan,isagoo boogaadiyay waxqabadka iyo guulaha ballaaran ee ay ku tallaabsadeen dowladda dalkaasi.

Wasiir Axmed Fiqi waxa uu u rajeeyay Danjire Abdurahman Abakr inuu horumar ka sameeyo howlaha kala duwan ee horyaalla,wuxuuna dhinaca kale xusayna muhiimadda ay leedahay Suudaan oo mid ah,isla markaana ku jirta nabad iyo xasilooni.

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la yeeshay Madaxa Bankiga Adduunka

0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka cimilada Soomaaliya Midane Bashiir Maxamed Jaamac iyo Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, Maalgelinta mashaariicda la xiriira horumarinta Deegaanka iyo isbadalka cimilada, la qabsiga iyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.

Shirka waxaa la isla gartay dardargelinta Barnaamiyada horumarineed ee uu Bankiga ka wado dalkeenna ee loo yaqaan CCDR iyo taageeridda Wasaaradda ee arrimaha la xiriira dhanka sameynta sharuucda, siyaasaddaha iyo tayaynta shaqaalaha Wasaaradda.

Kulanka waxaa Safiirka iyo Wasiirka ku wehlinayay qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradda Deegaanka, kaasi oo guul ku soo dhamaaday.

R/WXamse ” Xukuumadda waxa ay waddaa qorshe lagu hormarinayo Waxbarashada dalka”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo waxbarashada dalka, si ay ubadka Soomaaliyeed u helaan tacliin tayo sare leh.

Ra’iisul Wasaaraha oo caawa ka qeybgalay munaasabadda qalin jabinta arday dhameysatay barnaamijka daraasaadka sare ee Jaamacadda Muqdisho, ayaa tilmaamay in ay socdaan qorsheyaal lagu tayeynayo waxbarashada sare ee dalka iyo guud ahaan hey’addaha waxbarashada heer walba, si loo helo jiil aqoon iyo xirfad sare leh oo door muhiim ah ka qaata dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

“Xukuumaddu waxay baaris ku samaysay kadibna ay oggaatay in waxyaabaha waaweyn ee halista galiyey jiritaanka dalkeenna ay ka mid tahay argagixisada oo dhibaato ku ah amniga, nafta iyo maalka. Waxaa kale oo ka mid ah dhibaatooyinka jira aragtida gooni u goosatada, maadaama ay tahay mid gurracan oo halis galinaysa jiritaanka dalkeenna, iyo nugaylka dowladnimadda, waxaannu isla qaadanay in xalka laga raadiyo dadka wax-bartay oo aad qeyb ka tihiin”. Ayuu yiri Raiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay ardayda qalin-jabisay dadaalka ay sameeyeen iyo guusha ay gaareen maanta, wuxuunna ku dhiirrigeliyay in ay aqoontooda ugu adeeggaan dalkooda, kuna dadaallaan hal-abuur cusub, isaga oo ku boorriyay in ay noqdaan kuwo kaalin mug leh ka geysta horumarka dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.