Madaxweyne Xasan Sheekh โ€œAlbaabka wadatashigu waa furanyahayโ€

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan; adkaynta midnimada Qaranka, dhamaystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa madasha ka jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay dadaalka joogtada ah ee dowladda ay ku bixisay hirgelinta nidaam doorasho oo toos ah, kaas oo shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda ugu dooranayaan hoggaankooda, waxa uuna xusay in dhinacyada siyaasadeed, mucaarad iyo muxaafidba, ay ku mideysan yihiin in aan dib loogu noqon hannaankii doorashada dadban ee dhaawacay hufnaanta iyo dimuqraadiyadda doorashada.

โ€œGogoshan waxay muujinaysaa sida aan mudnaanta u siinayno dhagaysiga aragtiyaha kala duwan ee la xiriira dowladnimada. Annagoo dowladdii ah ayaa raadinayna wadahadal iyo wadatashi, taas oo waagii hore laga laโ€™aa hoggaanka dalka iyo dowladda. Albaabka wadatashiga iyo wadahadalku wuu furan yahay, cid walbana waa lagu casumay inay ka qeybgasho dhismaha geeddi-socodka dowladnimo ee aynu hiigsaneyno.โ€

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in saaxiibbada caalamiga ah ay Soomaaliya ka taageereen wixii karaankooda ah, hase yeeshee masโ€™uuliyadda dhammaystirka dowladnimada ay si gaar ah u saaran tahay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

โ€œCaalamka wuu naga taageeray wixii aan u baahnayn, balse waxaa harsan shaqo inaga inoo taalla โ€“ waana in aynu Soomaali ahaan si dhab ah isula meel dhigno aayaha dalkeenna,โ€

Dhankaooda, Madaxdii Hore ee Qaranka, masuuliyiin heer Federaal iyo Dowlad-goboleed, haldoorka Soomaaliyeed ee ka qeybgalay madasha iyo culimada ayaa ka hadlay doorka ay ku leeyihiin hirgelinta aragti mideysan oo ku saleysan wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyagoo muujiyey sida ay uga goโ€™an tahay in ay taageeraan dadaallada Dowladda ee ku aaddan dhismaha dowladnimo loo dhan yahay, taas oo saldhig u noqota nabad, cadaalad iyo horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...