Madaxweynaha Cusub ee Galmudug oo loo Dhaariyay Mas’uuliyadda Cusub ee loo Dhiibay

Date:

Doorashadii maanta ka socotay Magaalada Cadaado ee lagu dooranayay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug yeelan doonto ayaa la soo gaba gabeeyay iyadoo Xubnaha baarlamaanka  Galmudug ay madaxweyne u Doorteen Axmed Ducaale Geelle Xaaf  oo isla Goobtii lagu doortay lagu dhaariyay.

Musharrixii la tartamayay Axmed Ducaale Geelle Xaaf  ee Axmed Shariif Cali Hilowle  ayaa Hambalyo u diray  Madaxweynaha Cusub ee Galmudug.

“Doorashadii maanta Dhacday  waxa ay ahayd mid xor ah oo xalaal ah waa layga guuleystay idinkoo madaxweyne u doorateen  Axmed Ducaale waan la shaqayn doonaa Intii dooratayna waxaan ka dalbanayaa in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub”  Ayuu yiri  Axmed Shariif Cali Hilowle oo ahaa Musharrixii la tartamayay. Madaxweynaha la doortay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay  intii dooratay iyo intii la tartantay oo uu ka guuleystay, isagoo ballan qaaday in uu  ka shaqayn doono  Howsha adag ee loo doortay, dowladda Dhexe ee  Federaalka Soomaliya  ayuu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan Arrimaha Galmudug.

Wasiir Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdi  Faarax Juxaa ayaa  u mahad celiyay Guddigii Doorashada Madaxweynaha galmudug Howshii ay Soo qabteen, isagoo sheegay in ugu dambayn Galmudug ay yeelatay Madaxweyne .

Wasiir Juxaa ayaa kula dardaarmay Madaxweynaha Cusub  sii amba qaadista Howsha adag ee hortaalla  oo ay ka mid tahay  wada hadalladii dhawaanahaan u socday galmudug iyo Ahlusunna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...