Madaxweynaha oo soo gaabiyay safarkii Ethiopia, kuna soo wajahan Muqdisho

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo gaabiyay safarkiisa uu ku joogo dalka Ethiopia si uu uga qayb galo aas Qaran oo loo sameynayo Wasiirkii howlaha guud ee xalay lagu dilay Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horeyn waxaa shacabka iyo ehelada marxuumka looga tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Marxuum Cabaas Siraaji oo xalay lagu dilay Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdiga la socda ee ku sugan magaalada Adis Ababa ayaa soo gaabiyey booqashadii ay ku joogeen dalka Ethiopia, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay wafdiga Madaxweynaha soo gaaraan magaalada Muqdisho oo loogu sameynayo Aas Qaran.

Dowladda Soomaaliya waxay u xaqiijineysaa qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabkaba in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono falkan. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa la marsiin doonaa sharciga.

Marxuumka waxaa lagu yaqaanay waddaniyad, karti iyo hufnaan, waxa uuna naftiisa iyo waqtigiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Waxa uu ahaa shakhsi muhiim ah oo ka baxay qaranka Soomaaliyeed oo idil. Geeridiisa aad bey noo wada taabatay.

Waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka iyo qoyska uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...