Home Blog Page 1700

Wasiirka amniga oo saldhigo Boliisku leeyihiin komeerray

0

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo muddooyinkan kormeerayey howlaha Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan xilliyada habeenkii ayaa xalay wuxuu kormeer ku tegay dhowr Saldhig halkaasoo uu ku soo arkay Ciidan iyo Sarakiil heegan u ah gudashada Waajibkooda Qaran iyo qaar yar oo dayacaad howl gudasho la’aan ah ay ka muuqatay.

Taliyaha Saldhigga degmada C/casiis Dhamme Axmed Cabdullaahi Baashane  ayaa si weyn loogu ammaanay howshiisa kaasoo uu Wasiirku sheegay inuu si fiican uga soo dhalaalay, halka Taliyaha Saldhigga Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire oo lagu helay howl-gudasho la’aan uu Wasiirka shaqada ka fadhiisayay waxaana si ku meel gaar ah loogu dhiibay G/le Siidow Macallin Isaaq.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo kormeeray xero ay ku jiraan ciidanka XDS ee ku sugan Beledweyne

0

Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen  Guudlaawe Madaxweyne ku-xigenka Maamulka HirShabeele  oo ku sugan magalada Beledweyne ayaa maanta booqday taliska guutada 10aad  ee Lamagalaay.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle oo ay wehliyaan  xubno ka mid ah golaha Wasiirada maamulka HirShabeele ayaa waxa ay kormeereen qeybaha ay ka koobantahay xerada ciidanka, waxaana uu ku warejiyay Labo neef oo geel ah.

Taliyaha guutada 10 aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal  Tawane Axmed Gurey ayaa uga mahad celiyay booqashada Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle uu ku tegay xerada Lamagalaay ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan  ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay ku shaqeyaan  marxalad adag, loona baahanyahay  in lagarab istaago .

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboledka HirShabeele Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen  Guudlaawe ayaa shegay in ay ka warqabaan marxaladaha ay ciidanka ku shaqeeyaan, waxaana uu balan qaaday in ciidanka  si dhow looga warqabi doono.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeele  ayaa kulamo  la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada,  waxaana  kulamadan looga hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka iyo amniga deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Degmada Beledweyn Maxamed Axmed Food Cade ayaa  Madaxweyne ku-xigenka HirShabeelle uga warbixiyay xaaladda amni iyo tan bulsho ee ka jirta degmada.

Madaxweyne kuxigeenka hirshabeele  cali cabdulahi xuseen  ayaa sheegay in mas’uuliyinta maamulka ay diyaar u yihiin in ay xaliyaan wax kasto oo caqabad ku noqon kara habsaami u socodka howlaah maamulka HirShabeele

Cabdishakuur Cismaan Cali.

Maamulka Degmada Hiliwaa oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas ku nool Ceel-Carfiid

0

Maamulka Degmada Hiliwaa oo kaa shanaya Guddiga Abaaraha Gobolka Banaadir ayaa waxa ay deeq raashin ah u qeybiyeen Qoysas barakacayaal ah oo ku sugan Waaxda Ceel Carfiid ee degmada Hiliwaa, kuwaasi oo ay saameysay abaarta ka jirta dalka.

Qoysaska maanta raashiinka loo qeybiyay ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa ku dhawaad 200 (Labo boqol) oo qoys, waxaana loo qeybiyay deeq isugu jirta bariis, saliid, timir iyo raashin bisil.

Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle oo goobta raashinka lagu qeybinayay ka hadlay ayaa waxa uu Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyay jawaabta deg dega ah ee ay ka bixiyeen xaalada nololeed ee heysato dadka barakacayaasha ee ku sugan degmada Hiliwaa, waxa uuna ugu baaqay in ay laba laabaan dadaallada ay ku samata bixinayaan dadka tabaaleysan ee ku sugan degmada, si loola tacaalo xaaladooda nololeed.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu xoogga saari doono ka warqabka dadka tabaaleysan ee gudaha degmada ku nool.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa tilmaamay in kaalmadan ay joogteyn doonaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo gaaray Cadaado

0

Cadaado-(SONNA)-Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado.

Mudane Juxa oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka, ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda maamulka Galmudug iyo tan Degmada Cadaado.

Ujeeddada Safarka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo arrimo la xiriiro doorashooyinka madaxtinimo ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo dhawaan la filayo iney halkaasi ka dhacdo.

QM oo sheegtay inay Soomaaliya kusoo celisay Qaxootigii ugu badnaa

0

Nairobi-(SONNA)-War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska hay’adda xaqootiga adduunka ee UNHCR ay ku leedahay Magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay inay Dalka Soomaaliya dib ugu celisay Dad ku dhow Lix Kun oo Qof oo ka tirsanaa Qaxootiga Dhadhaab.

Dadkan ay hay’addu sheegtay iney kusoo celisay Soomaaliya ayaa u badan Carruur, Haween iyo Waayeel, waxanay intaa ku dartay UNHCR iney weli socdaan howlaha daad gureynta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kenya.

UNHCR ayaa intaa ku dartay inay tan iyo Bishii December 2014-kii Soomaaliya dib ugu soo celisay 59,829 oo Qaxooti ah, kuwaasoo iyaga go’aansaday iney si madax bannaan ugu laabtaan Dalkooda Hooyo.

25-kii March ee Sanadkan ayay ahayd markii ay madaxda IGAD isugu yimmaaddeen Magaalada Nairobi shir looga hadlayay xaaladda Gobolka iyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kenya.

Tallaabadan ay QM laanteeda Qaxootiga qaadday ayaa waxay qayb ka tahay heshiis Saddex geesood ahaa oo ay horay u wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR.

Isha/ Today

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo gaaray Cadaado

0

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado.

Mudane Juxa oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka, ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda maamulka Galmudug iyo tan Degmada Cadaado.

Ujeeddada Safarka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo arrimo la xiriiro doorashooyinka madaxtinimo ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo dhawaan la filayo iney halkaasi ka dhacdo.

Al-Shabaab oo sii daayay qaar ka mid ah Dhaqaatiir ay Afduub u haysteen

0

Baladweyne-(SONNA)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya iney xorriyaddoodii dib u heleen qaar ka mid ah Dhaqaatiir ay Shalay Afduubteen Al-Shabaab.

Afar ka mid ah Dadkii la qafaashay ayaa Xalay lasoo sii daayay, iyadoo uu weli Gacanta ugu jiro Al-Shabaab Dr: Xasan Madoobe oo hoggaaminayay Dhaqaatiirtii la Afduubtay.

Howlwadeennadan xagga Caafimaadka ah oo ka koobnaa Afar xubnood iyo Darawal u waday Gaariga ayaa laga Afduubtay Tuulada Caloola-Cad oo  ku dhow Baladweyne.

Dhaqaatiirtan ayaa indhowaalaba howlo tallaalka Xoolaha ah ka waday degaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan,waxaana haatan socda dedaallo lagu soo badbaadinayo Dr; Xasan Madoobe.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka oo qaabilay kuxigeenka Madaxa USAID

0

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan la qaatay kuxigeenka madaxa USAID Mr. Gregory Gottlieb kaasoo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo.

Kulanka Ra’iisal Wasaar kuxigeenka iyo kuxigeenka madaxa USAID ayaa looga hadlay arrimo khuseeya Abaaraha iyo mashaariicda horumarineed ee ay bixiso hay’addaasi.

“Booqashadaadu waa mid ka tarjumeysa sida USAID ay uga go’antahay inay joogteyso taageerada ay u hayaan Dowlada Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, weliba imaatinkaaga waqtigan xasaasiga ah ee Abaaraha ba’an ee heysta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri kuxigeenka Ra’iisal Wasaaraha.

“Xukuumadayadu waxey siisay ahmiyad gaar ah siisay in shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo gar-gaar dhan walba ah si dalka looga illaaliyo inay macluul ka dilaacdo. waxaana sameysnay Wasaarada Gar-gaarka & Maareynta Masiibooyinka si ay kaalin hormuud uga qaadato isku-duwida iyo la shaqeynta dhammaan hay’adaha kala duwan ee dalka ka teegeera arrimaha gar-gaarka” ayuu mar kale yiri R.wasaare kuxigeenka.

Ku-xigeenka madaxa USAID Mr. Gregory Gottlieb oo goobta ka hadlay ayaa ku ammaanay sida dowladda federaalka ay uga go’antahay taageerada shacabkooda, ayna wasaarad gaar ah ugu sameeyeen gargaarka iyo musiibooyinka.

“USAID waa saaxiibka ugu dhow ee dowladda iyo shacabka, waxaana ballan qaadayaa inaan mar kasta la garab istaagno taakuladeena” ayuu yiri Mr. Gottlieb oo hoosta ka xariiqay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay inay kordhiso mashaariicda horumarineed ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaana kuwa gargaarka, dhismaha hay’addaha nabadgalyada, iyo mashaariicda kale ee dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Maraykanka oo mar kale muwaaddiniintiisa uga digay Dalka Kenya

0

USA-(SONNA) Dowladda Maraykanka ayaa muwaaddiniinteeda ku sugan Dalka Kenya iyo kuwa u safrayaba uga digtay rabshado laga yaabo iney halkaasi ka dhacaan Bisha Augost oo ah xilliga loo madlan yahayay doorashooyinka Dalkaasi.

Hadalkan oo ka soo baxay Xafiiska arrimaha dibedda Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay dhici karaan dibed baxyo nabadeed iyo mudaharaadyo,kuwaasoo isu beddeli kara rabshado ay wax kasoo gaaraan Dad u dhashay Maraykanka.

Waxaa sidoo kale digniintan lagu sheegay in sida aalaaba dhacda ay fursad u noqon karto canaasiirta dambiilayaasha ah ama argagixisada,kuwaasoo laga yaabo iney beegsadaan ka qaybgalayaasha iyo martida kale ee doorashooyinka.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowr goor oo hore soo saartay digniino caynkan oo kale ah, iyadoo muwaadiniinteeda jooga Kenya ku war gelineysa inay ka feejignaadaan degaannada ay rabshadaha ka dhacaan.

Daily Nation

Dowladda Maraykanka oo mar kale muwaaddiniintiisa uga digay Dalka Kenya

0

Dowladda Maraykanka ayaa muwaaddiniinteeda ku sugan Dalka Kenya iyo kuwa u safrayaba uga digtay rabshado laga yaabo iney halkaasi ka dhacaan Bisha Augost oo ah xilliga loo madlan yahayay doorashooyinka Dalkaasi.

Hadalkan oo ka soo baxay Xafiiska arrimaha dibedda Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay dhici karaan dibed baxyo nabadeed iyo mudaharaadyo,kuwaasoo isu beddeli kara rabshado ay wax kasoo gaaraan Dad u dhashay Maraykanka.

Waxaa sidoo kale digniintan lagu sheegay in sida aalaaba dhacda ay fursad u noqon karto canaasiirta dambiilayaasha ah ama argagixisada,kuwaasoo laga yaabo iney beegsadaan ka qaybgalayaasha iyo martida kale ee doorashooyinka.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowr goor oo hore soo saartay digniino caynkan oo kale ah, iyadoo muwaadiniinteeda jooga Kenya ku war gelineysa inay ka feejignaadaan degaannada ay rabshadaha ka dhacaan.

Daily Nation