Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xabsiga dhigtay Askari ka tirsan ilaalada Madaxtooyada

Date:

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay sarkaal lagu magacaabo Cabdishakuur Mursal Maxamad oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo loo haysto in Taariikhdu markay ahayd 24/04/2017  uu gaari nooca ciidamadu leeyihiin oo uu darawal ka ahaa ku jiiray Al-baabka hore ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya marxuum Tahliil Jimcaale Hubane.

dhacadadaas oo sidoo kale sababtay dhaawaca qof kale oo dumar ah taas oo hadda daryeelkeeda ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

Gudoonka  Maxkamadda Ciidanka Gaashanle Sare Xasan Cali Shuute ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in ay soo gaartay  garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida cabashada ehelada marxuum Tahliil Jimcaale Hubane, sidaasna baaris lagu bilaabay ugu dambayna loo xiray dhacdadaas Sarkaalka lagu soo eedeeyay oo ahaa Darawalka Gaariga dhibka gaystay.

Madaxtooyada Soomaaliya oo hore uga hadashay dhacdadaasi ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay baarisna lagu sameynayo sida shilkaasi ku dhacay.

Xigasho SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...