Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xabsiga dhigtay Askari ka tirsan ilaalada Madaxtooyada

Date:

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay sarkaal lagu magacaabo Cabdishakuur Mursal Maxamad oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo loo haysto in Taariikhdu markay ahayd 24/04/2017  uu gaari nooca ciidamadu leeyihiin oo uu darawal ka ahaa ku jiiray Al-baabka hore ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya marxuum Tahliil Jimcaale Hubane.

dhacadadaas oo sidoo kale sababtay dhaawaca qof kale oo dumar ah taas oo hadda daryeelkeeda ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

Gudoonka  Maxkamadda Ciidanka Gaashanle Sare Xasan Cali Shuute ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in ay soo gaartay  garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida cabashada ehelada marxuum Tahliil Jimcaale Hubane, sidaasna baaris lagu bilaabay ugu dambayna loo xiray dhacdadaas Sarkaalka lagu soo eedeeyay oo ahaa Darawalka Gaariga dhibka gaystay.

Madaxtooyada Soomaaliya oo hore uga hadashay dhacdadaasi ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay baarisna lagu sameynayo sida shilkaasi ku dhacay.

Xigasho SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....