Home Blog Page 1694

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo kormeeray Qeybaha Xabsiga Dhexe uu ka kooban yahay

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa maanta kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar iyo Warshadda Farsamada Maxaabiista ee Xabsiga.

Taliyaha oo ay wehliyeen Taliye ku xiggeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cilmi Waasuge Colow iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta ayaa soo indha-indheeyey sida Warshadda Farsamada Tababarka Maxaabiista ee Xabsiga dhexe ee Xamar ay u shaqeyso, isagoo Taliyaha boggaadiyey Maxaabiista Warshadaasi ka shaqeysa, kulana dardaarmay in ay ka faa’iideystaan Fursadda qaaliga ah ee ay heystaan, sidoo kalana Gen Xuseen ayaa tagay Warshada Bulukeetiga soo saarta  ee Xabsiga dhexe ee Xamar, xilligaasi oo Warshadda Shaqaalaheeda oo Maxaabiis ah ay ku hoolanaayeen soo saarka Bulukeeti Taliska laga soo dalbaday.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan, ayaa sidoo kale qeybaha Xabsiga dhexe uu ka kooban yahay soo maray, waxaana uu u sheegay Taliska Xabsiga dhexe in la dar dar galiyo Shaqada socota,oo halkii ay mareysay laga jaan qaado  islamarkaana uu yimid isla xisaabtan dhab ah, dib u dhac yarna aan la oggolaan doonin.

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta ee

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Email:- Asluubta.media@gmail.com

Muqdisho-Soomaaliya

Xaflad lagu taageerayey Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo Koofur Afrika lagu qabtay.

0

Munaasabadaan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ay isugu jirtay duco iyo taageero loo muujinayay Wasiirka wasaarada maaliyada  Cabdiraxmaan Bayle Ducaale iyo waliba  wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Prof C/laahi Sheikh Cali(Qaloocow) ayaa waxaa lagu qabtay xaafada Soomaalida dagan tahay ee Mayfair Magaalada Johannesburg.

Waxgarad, aqoon yahano, odoyaasha dhaqanka,haween, dhalinyaro madax ka socotay xisbiga haaya talada dalka Koofur Afrika Ee ANC ayaa kasoo qeybgalay munaasabadaan lagu taageerayay Wasiirka wasaarada maaliyada  Cabdiraxmaan Bayle Ducaale iyo wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Prof Cabullaahi sheikh Cali (Qaloocoow)

Masuuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay goobta Xaflada ka dhaceysay kuwaa oo taageero u muujiyay wasiirada Cusub gaar ahaan wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada ayaga oo ugu duceeyay in xilka adag ee loo igmaday uu Alle u fududeeyo.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Prof C/laahi Sheekh Cali (Qaloocoow) oo qadka telfoonka uga qeybgalay xafladaan ayaa sheegay in dalka hada diyaar u yahay in qurba joogtiisa ay dib ugu soo laabtaan isla markaana ay maal gashi ku sameeystaan si looga baxo kaalmo shisheeye lagana wada shaqeeyo nabada iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Ciidanka Xoogga ugu Hanbalyeeyey Munaasibadda 12 –ka April

0

Muqdisho, April 12, 2017—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ugu hanbalyeeyey munaasibadda sanadguurada 57aad ee maalintii la asaasay Ciidanka Xoogga ee 12-kii April, sannadkii 1960-kii. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay yihiin dhidibada uu ku taagan yahay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay taariikh weyn ku leeyihiin dalkeenna.

Mudane Xasan Cali Khayrre ayaa ku amaanay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya dadaalka naf-hurnimada ah ee ay u samaynayaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka hooyo, isla markaana loo cirib-tiri lahaa kooxaha sharka iyo argagaxisada ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya. Waxana uu balanqaaday in Xukuumaddiisu ay xil weyn iska saari doonto daryeelka iyo xuquuqda ciidamada si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

“Waxaan halkaan hanbalyo ballaaran uga dirayaa saraakiisha, saraakiil-xigeenka, dableyda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga, waxaan ugu hanbalyeynayaa munaasibada 12-ka April. Waxaan ciidankeenna geesiyaasha ah u rajaynayaa horumar iyo inay ku guuleystaan hawlaha iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu

“Ciidanku Xooggu waa astaan qaran iyo tiirarka adag ee uu ku taagan yahay dalkeennu. Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxay leedahay muhiimad gaar ah, runtii, dal aan Ciidan xooggan lahayn ma dhismi karo, mana horumari karo. Xukuumadaydu wax dadaal ah lama hari doonto si loo helo daryeel iyo xuquuq joogto ah oo ay yeeshaan ciidankeennu”. Ayuu raaciyey

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali KHayre ayaa ugu baaqay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya inay laba jibaaraan dadaalada lagu xaqiijinayo ammaanka dalka, isla markaana meesha looga saarayo kooxaha nabadda diidan.

—-DHAMMAAD—-

Khubaddii madaxweyne Farmaajo ee xuska ciidanka Xoogga

0

Qeybta khudbadaha  munaasaadda xuska sannadguurada 57-aad ee aaska aaska ciidammada xoogga dalka  Soomaaliyeed ee ay ka qeyb-galeen madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, ayaa sheegtay in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay cagta sareen wadadii isku filnaanshaha, iyadoo si gaar a ugu hambalyeysay gabdhaha ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed.

S/Gaas Axmed Jimcaale Geeddi taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa khuddabaddiisa ugu hambalyeeyey guud ahaan qeybaha ciidanka Xoogga dalka sannad-guurada 57aad ee aas-aaskooda 12-ka Abriil 1960kii.

“Ciidanka waxaa lagu aas-aaskay saraakiil laga soo wareejiyey ciidanka Booliska Soomaaaliyeed, waa taariikh muhiim ah, u jeedada abuurista Xoogga dalka waxa ay aheyd in uu difaaco qarannimada ummadda Soomaaliyeed, kaalinta ciidankaanna cidi kama qarsana, waxa uu ka qeyb-qaatay ciidanka dib u dhiska dalka tababarrada bulshada si ay u helaan Xirfado ay ku shaqeystaan, waxaan maanta ku jirnaa dib u dhiskii ciidanka, waxaan u mahadcelinayaa dowlaha saaxiibada ah, taariikhdeenna waxaa ka mid ah inaan tababarnay dowlado xorriyaddooda u dagaallamayey, waxaan rajeynayaa inaan si deg deg ah ugu laabanno wadadaasi INSHA ALLAH, ayuu yiri taliyaha Xoogga dalka Soomaaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaaliya, ayaa u hambalyeeyey ciidanka Qalabka sida oo dhan ee dagaalka kula jira cadowga ummadda Soomaaliyeed sannadguurada 1-ka April, waxa uu intaa raaciyey in dhammaan ciidanka ay kaalin weyn ka geystaan gurmadka abaaraha iyo dagaallanka kooxha nabadda-diiddan, waxa uu rajeeyey in dhowaan la qaadi doono tallaabooyin adag oo ka dhan ah cadowga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa khubaddiisa ku bilaabay salaan guud oo uu u diray ciidammada Qalabka sida uguna hambalyeeyey sannad-guurada 57-aad ee aas-aaskooda.

“ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugeysaa inaan soo celino nabaddii iyo degnaashihii dalka oo dhan, ciimmada Xoogga marxalado ay ka mid ahaayeen in   loo diro dalal aan saaxiibo nahay si aan u caawinno, maanta annaga ayaa ciidan saaxiibo ah na garab taagan yihiin, waxaan halkaan ka jeedinayaa laba arrin oo muhiim ah, dowladdaan sida loo doortay waxaa ALLE nagu guuleeyey in  ay si rasmi ah u biloowdey shaqadeedii in isbadelna  lagu seemeeyey hoggaannada talisyada ciidammada Qalabka Sida, waana inaan keennaa in dalka nabadgalyo laga dhigo, waxaan aaminsanahay inaan gaari karno yoolkaas, khibrad dheer ayaan u leenahay, qorshihii Al-Shabaab looga saaray xiligii KMG-ka ahaa Muqdisho ayaan adeegsan doonnaa,  ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiim ay tahay taageerada shacabka si ay u guuleystaan ciidammada Qaranka, aniga iyo guud ahaan  hey’adaha dowladdana inaan si dhammeystiran u dhisno ciidammada Qalabka sida, ayaa naga go’an ayuu ku daray

 

Madaxweynaha ayaa u yeeray saraakiishii hoggaamineysay dagaalkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho intii ay socotay munaasabadda xuska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, raggaas waxa uu sheegay in ay yihiin saraakiishii ugu hoggaanka fiicneyd, sidaas darteed mar kale ayeey sameyn doonaan qorshe adag oo ka dhan ah Al-Shabaab, si dalka looga saaro.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in dhismaha ciidanku ay sal u tahay hoggaan wanaagsan, waxan ku dedaaleynaa inaan si joogto ah u bixinno mushaaraadkooda, daryeelkooda iyo akhbaakhdooduna waan hagaajin doonnaa ayuu raaciyey madaxweynaha.

Shacabka ayuu madaxweynaha ugu baaqay in ay dib u billaabaan abaabulkii ay ku taageerayeen ciidammada Qalabka Sida, waxa uu sheegay in muddo laba sanno ah dalka oo dhan laga saari doono Al-Shabaab, dowladduna aysan marnaba dib uga soo laaban doonin gooobaha ay gacanta ku dhigaan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mar kale ayuu ugu baaqay madaxweynaha dhallinyarada Al-Shabaab ay marin habaabiyeen in ay ka soo laabtaan kooxdaasi, waxa uu ballan-qaadey madaxweynaha in ay heli doonaan daryeel iyo mustaqbal wanaagsan, horjoogeyaasha Al-Shabaab  ayuu ugu yeeray in ay fursadda dowladda ay siisay ay ka faa’ideystaan inta anaan goobaha ay joogaan loogu tegin.

“aniga ma iclaaminin dagaal ee waxaan sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, waana inaa  u diyar garownaa sidii aan dalkeenna uga qabsan  lahayn Al-Shabaab, dowladda waxaa ka go’an iyadoo dagaal ku jirtain ay dhaqaalaha kobcineyso, shaqo abuur sameyso,  dowladda iyo shacabka haddii ay meel ka soo wada jeestaan waan ku guuleysan karnaa hiigsigisaasi” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Musuq-maasuqa waxa uu sheegay in si joogta ah loola dagaamayo, dowladda Soomaliya kama shaqeyn doono qof tuug ah ayuu yiri madaxweynaha.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa u yeeray Gabar ka tirsan Xoogga  dalka oo ku dhaawacmatay dagaal, waxa uu sheegay in dowladda ay caafimaadkeeda dammaanad qaadeyso Gabadhaasi

 

Munaasabadda sannad-guurada Xoogga dalka oo toos uga socota Wasaaradda Gaashaandhigga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Difaaca, wasiiru dowlaha, wasiir ku xigeenka, taliyaha ciidanka Xoogga dalka, taliyeyaasha ciidanka kale ee  Qalabka sida, wasiirro, xildhibaanno, diblomaasiyiin kala duwan iyo ciidammada Xoogga dalka qeybahooda dhan, ayaa u dabaal-deggaya sanad-guurada 57-aad ee 12-ka April, iyadoo munaasabaddu ay ka socoto wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Ciidammada Xoogga qeybbahood oo soo bandhigay Fantasyo qurux badan, iyaddo kaddib la guda galay, munaasaddii weyneyd iyadoo fannaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka Xooggu ay soo bandhigayaan heeso iyo Riwaayada lagu weyneynayo sannad-guurada 57-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Goor dhow, waxaa la geli doona khudbadaha masuuliyiinta, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqdey in uu jira diyaar-garow dagaal ka dhan kooxda Al-Sbabaab iyo nabad-diidka oo dhan.

 

 

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo dareeska ciidanka sita ayaa jooga xuska maalinta Xoogga dalka

0

Munaasad loogu dabaal-daggayo sannad-guurada 57aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa ka socota xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb-galaan madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo  madax kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna taliyaha guud ee ciidammada Qalabka sida, oo  ay wehliyaan Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhigg iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga oo dhammantood ku labisank Tuutaha Xoogga daka, ayaa ka qeyb-galaya munaaasadda 1-ka April ee aas-aaska ciidanka Xoogga ee 57-aad, qeybaha Xoogga dalka aaa soo bandhigay Gaaddo kacayaar aad u quruxsan oo ay xusk uga qeyb-galaan.

Sidoo kale munaasbadda waxaa jooga taliyeyaasha kale ee ciidammada Qalabka sida, diblomaasiyiin, wasiirro, xildhibaaanno ka tirsan labada aqal ee Barlamaaka Soomaaliya.

 

 

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble Ayaa u Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Halkan hoose ka akhriso Wareegtada uu madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ku magacaabay wasiirudowlaha cusub

Wareegto Madaxweyne Ujeedo:-Magcaabis Wasiiru Dowle

Kaddib Markuu arkay qodobka 51-aad farqadda 5-aad ee Dastuurka KMG ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Kaddib Markaan arkay baahida loo qabo in lagu kordhiyo Wasiiru Dowle Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Waxaan u magacaabay Maanta oo ay taariikhdu tahay 11.April 2017, Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Ee Dowladda Hirshabeelle.

Wasiiru Dowlaha waxa uu u xilsaaranyahay Waajibaadka ku cad Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Sharcigani Wuxuu dhaqan galayaa Marka uu saxiixo Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo wadahadal la yeeshay Sheekh Maxamed Bin Zayed

0

Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga, socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha JamhUuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta soo geba-gebeeyay booqasho laba maalmood ah oo uu ku joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa intii uu joogay Abu Dhabi wuxuu wadahadallo la yeeshay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Shiikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Shiikh Maxamed bin Zayed, wuxuu Madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashada uu dhowaan ku guuleystay iyo taageerada ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in uu laba laabi doono taageerada ay dowladda Isu-Tagga Imaaraadka Carabtu siiso Dowladda Soomaaliyeed si ay uga guuleysato kooxaha nabad-diidka ah oo uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay afduubaan diinta Islaamka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Isu-tagga Imaaradka Carabtu la garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Isu tagga Imaaraadka Carabtu waxay isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya tahay muqaddas oo muhiim u ah amniga iyo iskaashiga labada dhinac.

Wafdiga uu Madaxweynuhu hoggaaminayay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Yusuf-Garaad Cumar, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macallin Nuur iyo mas’uuliyiin kale.

R/wasaaraha oo maanta booqday qaar ka mid ah Xarumaha Wasaaradaha

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo sidoo kale ay daggan yihiin Wasaaradaha Caafimaadka iyo Qorshaynta. Wuxuna u kuur galayay qaab howlleedka shaqo ee Wasaaradahaasi ka socda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyrre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradaha oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kaddib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha wasaradaha inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Ugu danbayn, Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa guud ahaan shaqaalaha u sheegay inay markasta xasuusnaadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda iyo shacab keeda, isla mar ahaantana ay iska saaraan mas’uuliyad gaara.

 

Agaasimaha cusub ee Radio Muqdisho oo xilka la wareegay

0

Agaasimaha cusub ee Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay, iyadoo munaasabadii uu xilka kula wareegayay ay goob ka ahaayeen Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Maamulka, Agaasimihii hore ee Idaacadda iyo qaar ka mid ah Madax qeybeedyada Radio Muqdisho.

Agaasimihii hore ee Idaacadda Mudane Axmed Faarax Gaatamow ayaa Agaasimaha cusub u sharxay howlaha idaacadda, waxaana uu ku wareejiyay dukuminiyo ka turjumaya dhamaan aqabyadii Idaacada.

Agaasimaha cusub ee Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay, waxaana uu intaa ku daray in uu dar dargelin doono waajibaadka loo idmaday.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-cadaalla ayaa kula dar daarmay Agaasimaha Radio Muqdisho in uu ka soo dhalaallo howlaha loo wakiishay.