Ra’iisul wasaare Kheyre oo furay imtixaannaadka Dugsiyada sare ee dalka (Sawirro)

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa furay Imtixaannaadka dugsiyada sare oo la mideeyey, waxaana wehliyey wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ka socotay hey’adaha waxbarasho ee dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya oo dugsiga 15 May ee degmada Warta nabadda oo kamid ah meelaha imtixaanka lagu qaadayo booqdey ayaa dhammaan mid mid u salaamay ardayda ka qayb galaysa imtixaanka, isagoo ku dhiri galinayey in ay  ka dhabeyaan hadafka ah in ay ku guuleystaan imtixaanka iyo guud ahaan waxbarashada.

Wasiirka  waxbarashadda ee xukumadda Soomaaliya  Dr. Cabdiraxmaan Daahir  Cismaan, ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadda ay sharaf weyn u tahay qaadista imtixaankaan mideysan, isla markaana ay rajeyneyso in ay ku dhammaadaan si hufan oo nabad ah.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, oo la hadlay  ardayga galisa imxitaanka  ayaa  xusay in ay ardaydani ay  tusaale  u yihiin in dalkeenu uu leeyahay mustaqbal wanaagsan wax barashadduna ya horseed  u tahay  horumarka dalka.

“maanta waa maalin ahmiyad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, maadaama 27, kun oo ardey Soomaaliyeed ay u fariisanayaan imtixaannaadka dugsiyada sare oo ay wasaaradda waxbashada Xumuumadda mideysay, taas waa guul weyn, wax badanna ka tari doonta tayada waxbarashad dalka, annaga Xukuumad ahaan waxaa naga go’an sidii aan ugu dedaali lahayn kordhinta iyo tayeentada waxbarashada heerarkeeda kala duwan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka.

Sidoo kale, imtixaanka dugsiga sare ayaa maanta ka bilowday magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Beledweyne, Cadaado, Gaalkacyo iyo kuwo kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...