Home Blog Page 1693

Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo la kulmay Danjiraha Britain ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Mudane Axmed Maxamed islaam oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowlada ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Divid Concar.

Kulankan oo ahaa kii u horreeyay oo ay yeeshan Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo Danjiraha Cusub ee UK ayaa looga hadlay Xaaladda abaaraha ee Soomaaliya gaar ahaana Jubbaland iyo sidii Dowladda Ingiriisku ay gacan uga gaysan lahayd gurmadyada socda, sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray Arrimaha ammaanka,  iyadoo Danjirahu Madaxweynaha Jubbaland uu ku ammaanay sida ay uga go’antahay in la burburiyo kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada Soomaaliya.

Dhinaca Siyaasadda ayay sidoo kale Mas’uuliyiintu ka wada hadleen sidii loo tageeri lahaa Dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi “Farmaajo” waxaana uu Safiirku mar kale Jubbaland usoo gudbiyay codsiga dowladda Ingiriiska ee ah in ay ka soo qayb gasho Shirka Dhaqaalaha loogu yaboohayo Soomaaliya ee bilawga bisha soo socota ka furmaya Magaalada London.

Muftiga Masar oo ka hadlay qaabka looga hortagi karo Fikradda Xaqjirnimada.

0

Muftifa dalka Masar Dr. Showqi Calam, ayaa Carabka ku adkeeyay in mabaadi’da horumarka,degenaasha iyo wada noolaashaha uu yahay qiyamka  ay diinteyna Islamka ku baaqday,iyadoo uu sheegay  in fikradda  xagjirnimada looga hortagi karo Saddex shay oo kala ah in si sax ah Diinta wacyiga dhabta ah looga fasiro quluubta dadka,mbaadi’da horumarka  iyo nabad ku wada noolaashaha iyo saameynta Taariikhda Islamka ay ku leedahay xiliyada iyo waqtiyada la soo maray.

Muftiga ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Gobolada ay muslimiinta ku badan yihiin  ee konfurta dalka Thailand kula yeeshay siyaasiyiin iyo dad kaloo magac leh oo muslimiin ah,wuxuuna ugu baaqay  in si qalbi furan la iska kaashado sidii quluubta muslimiinta loogu abuuri lahaa  xaqiiqda dhabta ah iyo waxa ay na farayso Diinta Islaamka ee muqadaska ah.

Muftiga dalka Masar Dr. Showqi Calam, ayaa intii uu joogay dalka Thailand uu booqday goobo Taariikhi ee dadka Muslimiinta ay leeyihiin, wuxuu amaanay doorka Muslimiinta dalkaasi ee ku nool Gobolada koonfureed iyo in ay iskashanayaan horumarinta Diinta Islaamka iyo  iyo ka hortaga fikradaha qaldan ee xaqjirka ah.

WD/Mukhtaar

Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka oo la doortay

0

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa doortay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogta ah ee golaha Shacabka.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigenka labaad ee golaha Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa lagu doortay ilaa iyo saddex guddi iyo ku-xigeenadooda.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka dabiiciga, Xildhibaan Sagal Isxaaq Biixi waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka halka Xildhibaan Malaaq Dhaayow loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, iyadoo sidoo kale la doortay saddex guddoomiye ku-xigeen oo hoostagaya Guddoomiyeyaasha la doortay.

Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in kulankii maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa lagu doortay Saddex Guddi, iyadoo doorashada ay ku tartamayeen Xildhibaanno dhowr ah, waxaana ay intaa ku dartay in mudanaayasha la doortay ay yihiin kuwa aqoon u leh Guddiyada ay Madaxda ka yihiin.

Doorashada maanta ayaa bilow u ah dhismaha Guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ee baarlamaanka, si ay ula shaqeeyaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee ay shaqo wadaagi yihiin, taasi oo ka dhalan karta isla xisaabtan dhab ah.

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha iyo dardargelinta howlaha dowladda

0

Muqdisho, 13 Abriil 2017—-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha iyo dar-dargelinta howlaha dowladda.

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golaha looga fadhiyo dardargelinta Amniga, Nabadeynta iyo Xasilinta dalka si muwaadin walba uu ugu noolaado si nabad ah si uu uga qeybqaato dardargelinta horumarka dalka.

Wasiirada amniga ayaa warbixinno laga dhageystay ka dibna ay soo bandhigeen Qorshaha Amniga Qaranka oo dhowaan ka bilaaban doona Muqdisho, iyadoo lala kaashanayo Gobolka Banaadir iyo maamulada degmooyinka caasimada iyadoo laga qeybgalinayo shacabka, lana dhaqangelinayo barnaamijka deriseynta.

Wasiirka Garsoorka ayaa ka warbixiyey qorshahiisa ku aadan dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka, golahuna isla gartay in sharciga dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka la dhaqangeliyo isla markaasna ay wasaaradu sida ugu dhaqsiyaha badan horkeento golaha nidaamka guddigan. Sidoo kale waxaa diirada la saaray sida loogu baahanyahay in Guddiga Musuqmaasuqa loo dhiso oo la isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo lana dedejiyo dhameystirka qorshahan.

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay horumarka laga sameeyey isku-dubaridka iyo xiriirinta howlah gurmadka abaaraha isla markaana sheegtay in 6 milyan oo Soomaali ah ay u baahanyihiin gargaar deg-deg ah Wasaaradana diyaarisey nidaamkii lagu hagaajinayey xiriirka iyo isu-duwida hay’adaha gargaarka iyo dowladda.

Wasiirka Dekedaha oo warbixin ka dhiibtey xaaladda Dekeda Muqdisho ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay wado qorshe lagu casriyeynayo dekedda isla markaasna lagu daryeelayo xoogsatada iyo xamaaliga si ay u helaan xuquuqdooda aasaasiga ah.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa isagana ka warbixiyey xaalada .SO sheegeyna inuu heshiis la galay shirkadihii maamulayey server-ka oo lagu heshiiyey in loo soo rari doono Muqdisho oo dowladdu ay toos u maamuli doonto marka la soo dhameystiro hirgelinta qorshaha lagu heshiiyey.

Ugu danbeyntii Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada ayaa sheegay inay wadaan qorshe xal loogu helayo arrimaha gaadiidleyda iyo sidii dadka danta yar ay u heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu qorshe lagu casriyeynayo howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo Duulista hawada, dhowaana golaha hor-keeni doono qorshe dhameystiran oo la xiriira arrimahan.

 

Shaqaale Hindi ah iyo doontii ay la socdeen oo maanta ka Shiraacatay xeebta Degmada Hobyo

0

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay sagootiyeen 10 Badmaax oo u dhalatay Wadanka Hindiya kadib kolkii Ciidamada Galmudug ay ka soo furteen kooxo hhubeysan oo heystay muddo ka badan toban cish ah.

Shaqaalahaasi ajnabiga ah ayaa maanta dib u bilaanay safar dhinaca badda ah, iyagoo doon ganacsi oo ay horay u badbaadiyeen ciidamada Glmudug ka watay xeebta Hobyo, waxaana doonta iyo shaqaalaha oo badqaba ay u shareecdeen dhanka magaalada Kismaayo oo kolkii hore ay u rarneyd doonta ganacsi.

Guddoomiyaha Degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug C/llaahi Faat ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin in deegaanadooda ay ka dhacaan falal burcadbadeednimo ah, wuxuuna u mahadceliyay ciidamadii gacanta ka geystay sii deynta shaqaalahaasi Ajanabiga ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqaalaha ay gaarayaan toban, kuwaasi oo labo ka mid ay kolhore soo badbaadiyeen halka sideedda kale ay dhawaan ka soo badbaadiyeen burcaddii heystay.

Maamulka Degmada Heliwaa oo markale Olole Nadaafadeed ka bilaabay mid ka mid ah waaxyaha degmada

0

Maamulka Degmada Heliwaa oo uu horkacaayo Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta waxa ay markale olole Nadaafadeed ka bilaabeen Waaxda Bandar-wanaag ee Degmada Heliwaa, si dib loogu soo celiyo bilicda Degmada islamarkaana looga hortago qatarta caafimaad iyo mida amni ee ka dhalankarta qashinka buuxdhaafiyay xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Waaxda Bandarwanaag.

guddoomiyaha ayaa kormeeray sida ay u socoto howlaha Nadaafadda, waxaana uu howlwadeenada degmada u qaabilsan dhanka Nadaafadda ku dhiiri gelinayay inay si hufan u gutaan howlaha loo idmaday, waxaana uu intaa ku daray inay joogteyn doono howlaha kormeerka iyo ka warqabdka shaqaalaha Nadaafadda ee degmada.

“Waxaan idinku imid inaan idinka warqabo howsha Nadaafadeed ee aad Waaxdan ka wadaan, runtii waxaa naga go’an in aan dib u soo celino bilicdii ay lahayd Degmada Heliwaa, Nadaafaddu waa Imaanka barkiis, qofkasta waxaa mas’uuliyad ka saaran in uu ka shaqeeyo dhanka Nadaafadda” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin oo hadalkiisa ku daray “Waaxdii ku guuleysata dhanka nadaafadda, waxa ay heli doonaan abaal marin gaar ah”.

Mudane Cabdixakiin Cumar ayaa dhankiisa waxa uu ka qeyb qaatay ololaha nadaafadda, taasi oo uu ku sheegay inay tahay mid uu ku dhiiri gelinayo bulshada isla markaana looga hortagayo qatarta kooxaha nabad diidka ee ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

Guddoomiye Cabdixakiin Cumar Cabdulle  ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay horaanta sanadkaan 2017, waxa uu bilaabay olole xoogan oo dib loogu soo celinayo bilicda Degmada, si degmada ay ugu soo laabato bilicda iyo quruxdii ay laheyd barisamaadkii hore.

Soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo ka socota Garoonka Aadan Cadde

0

Qabanqaabada xaflado loogu diyaargaroobayo soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa ka socota Garoonka Diyaaradaha  Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Xildhibaano ka tirsan labada Gole Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasoo diyaar u ah inay soo dhoweeyaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Taabid Cabdi Macalin.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Macalin ayaa waqti dhow  ku soo fool leh Muqdisho,isagoo ka soo ambabaxaya magaalada Nairobi oo uu gaaray laba cisho kahor.

Guddoomiyaha cusub ayaa lagu wadaa in todobaadka  soo socoda uu xilka kala wareego Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, kaasoo xilka laga qaaday.

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabkasida ayaa xukun ku riday labo eedeysane

0

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabkasida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in raga la xukamay ay ka mid ahaayeen maleeshiyada Al-shabaab isla markaana ciidamada amniga ay ka soo qabteen deegaanka Gudinlabe iyagoo wata gaari hoomey ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabkasida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka labada eedaysane ee kala ah Maxamed Cali Kadiye iyo Xuseen Xaashi C/laahi  wuxuuna sheegay in lagu xukumay min 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamada Ciidamada Qalabsida ayaa mudooyinkan waxa ay xukuno kala duwan ku fulinaysay qaar ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo dacwooyin kala duwan lagu soo eedeeyay.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan oo kaalmo dhaqaale u soo diray Guddiga Qaran ee abaaraha

0

Munaasabadan oo lagu gudbinayay lacagu ay aruuriyeen Guddiga Abaaraha ee Sudaan isla markaana loo gudbinayay Guddiga Heerka Qaranka ee abaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ka soo Qaybgalay Jaaliyadda, Ganacsato, Aqoonyahanno, Salaadiin, iyo Madax ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudaan.

Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ee Sudaan Dr Cabdi Fataax Maxamed Barqadle oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay inay soo aruuriyeen lacag gaareysa $ 20,700 isla markaane ay u direen guddiga heerka Qaran ee abaraha Soomaaliya gaar ahaan Sheekh Nuur Baaruud “Gurxan”

Dhanka kale Waxaa Munaasabadda hadlay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudaan Cabdi Wali Xasan Xuseen iyo Suldaan Kamaal oo Ka mid ah Guddiga Abaaraha ee Sudaan waxeyn dhamaantood u mahad celiyeen Guddigii isku xilsaaray inay soo Aruuriyaan Lacagahaasi.

Sido kale waxaa munaasabada ka hadlay danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed Cabdullaahi Ogaas oo mahadcelin balaaran u jeediyay cid walba oo ka qayb gaadatay samata bixinta Walaalahood.

Gabagabadii munaasabadda waxaa shahaado Sharaf la guddoonsiyay Guddigii ka koobnaa 15 xubnood ee habeen iyo maalin u tagnaa inay soo aruuriyaan lacagahaasi si loo badbaadiyo dadka abaartu saameysay.

 

 

Guddoomiyaha Gobolka SH/Hoose oo wacad ku maray in aan loo dulqaadan doonin jidgooyo

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax iyo Taliyaha guutada Lixaad ee ciidanka Xoogga dalka Korneyl Cali Calasow ayaa howlgal lagu baadi goobayo kooxo qowleysato oo gaadiidka jidka u gala ka sameeyay inta u dhexeyso Wanla weyn,  Yaaq Biriweyne iyo deegaanka Leego ee gobolka.

Ciidmada ayaa ku guuleystay inay sii daayaan ilaa iyo 40 gaadiidka xamuulka qaada ah oo ku sii jeeday gobollada Baay, Bakoo iyo Gedo, kuwaasi oo ay jidka ku heysteen kooxo burcad ah oo doonayay inay lacago baad ah ka qaataan.

Taliyaha guutada Lixaad ee ciidanka Xoogga dalka Korneyl Cali Calasow ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid maalmahan socday, isla markaana ay ku baacsaneyeen kooxaha jidka u gala gaadiidka, isagoo intaa ku daray in ciidamada guutada lixaad ay yihin kuwa u taagan inay shacabka ka difaacaan cidkasta oo dhibaateyneysa.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay inaysan u dulqaadan donin in shacabka lagu dhibaateeyo waddooyinka dhex mara gobolka, waxaana uu wacad ku maray in tallaabo laga qaadi doono ciddi lagu hela falalka dhaca gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala deegaannada Gobolka.

Guddoomiyaha gobolka ayaa howlo shaqo u jooga degmada Wanla weyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana uu waday dadaallo ku aadan sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan gaadiidleyda iyo dadka halkaasi ku safra.