Home Blog Page 1695

Xildhibaanada Aqalka sare oo meel mariyay xeer hoosaadka ay ku shaqeyn lahaayeen

0

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa shirkooda maanta waxaa soo xaadiray 35 mudane,  ajanduhu wuxuu ahaa akhrinta, ka doodista iyo ansixinta xeer hoosaadka Aqalka Sare, iyadoo kulanka uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi,

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa u mahadceliyay guddiga soo diyaariyay xeer hoosaadka, waxa uu sheegay in howl wanaagsan ay soo qabteen xiligii ay gacanta ku hayeen xeer hoosaadka.

“Anigoo ku hadlaya afka  guddoonka iyo codka mudanayaasha Aqalka Sare waxaan u mahadcelinayaa  guddigii soo diyaariyay xeer hoosaadka Aqalka Sare, wax wanaagsan ayay soo qabteen guddiga waqti badan ayay galiyeen ka shaqaynta xeer hoosaadka aan ku shaqaynayno” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Cabdi risaaq Cismaan Jurile oo ka tirsan guddiga soo diyaariyay xeer hoosaadka Aqalka Sare ayaa ka mahadceliyay sida loo meel mariyay xeer hoosaadka aqalka sare.

“Xubno ka mid ah Aqalka Sare ayaa gacan naga siiyay sida howsha naloo xil saaray aan u gudan lahayn, waa Alle mahaddii mar hadduu Alle noo dhameeyay xeerkii aan ku shaqayn lahayn” ayuu yiri Cabdirisaaq Jurile.

Xeer Hoosaadka ayaa akhrintiisa iyo doodiisa waxa ay soo bilaabatay 25-kii Feberaayo, waxa uuna ka kooban yahay 10 cutub iyo 98 qodob.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo la kumay Dhaxalsugaha Abu-Dhabi

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kula kulmay magaalada Abu Dhabi Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Midoobay, Dhaxalsugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Kulanka oo ka dhacay qasriga badda, ayaa looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal , qaabkii lagu xoojin lahaa, loona horumarin lahaa danaha labada dal.

Intii kulanka uu socday ayaa lagu soo bandhigay iskaashiga  labada dal ee dhinacyada kala duwan sida mashaariic horumarineed oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay fulineyso oo u dan ah shacabka Soomaaliyeed, si dib loogu dhiso hey’adaha qaran ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay dadaalka dowladdiisa ay ugu jirto la dagaallanka argagaxisada iyo si loo sugo amniga iyo deganaanshaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay in Soomaalida ay uga mahadcelinayaan Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta taageeradeeda joogtada waxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay mudnaan iyo tixgelin siinayaan aragtida wanaagsan ee Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta.

Madaxwayne Farmaajo wuxuu carabka ku adkeeyay  tixgelinta uu u hayo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo hoggaankeeda taageerada xiriirka ah ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa , isaga qiray kaalinta wax ku oolka ah iyo midda sokeeyenimo ee Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu u haayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ay sii wadi doonto taageeridda walaalaha Soomaaliya, ayna ka caawin doonto dib u dhiska hey’adaha qaran si loo taageero amniga , deganaanshaha iyo horumarka, isaga oo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed barwaaqo, horumar iyo inuu ku guulaysto hiigsiga iyo yididiilada ay doonayaan inay gaaraan

Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu tilmaamay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ballan-qaadeyso sii socoshada xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya shacabka Soomaaliyeed, waxa kale oo yiri “Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waxa ay is garabtaagi doontaa, taageeri doontaa dadaalka Madaxweyne Farmaajo ee hiigsanaya amniga, deganaanshaha iyo horumarka

Waxaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeybgalay kulankaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda Amb. Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Macallin Nuur, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Cali Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha iyo tiro kale oo mas’uuliyiin ah.

Dhanka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waxaa ka qayb galay Dr. Anwar bin Mohammed Gargash Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Ali bin Hammad Al Shamsi kuxigeenka Xoghayaha guud ee Golaha sare ee amniga qaranka iyo Mohammed Mubarak  Al Mazrouei Agaasimaha diiwaanka Dhaxalsugaha Abu Dhabi.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo Wanla weyn kula kulmay odoyaal iyo saraakiil ciidan

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Wanla weyn ee gobolka, halkaasi oo uu kulamo kula qaatay odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada kale ee halkaasi ku nool.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigenka Gobolka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee gobolka kan maamulka degmada iyo qaar ka mid ah saraakiisha amniga, waxaana kulanka looga hadlay sidii bulshada degmada ay uga qeyb qaadan lahaayeen xoojinta amniga iyo xalinta iska hor imaad dhexmaray ciidanka dowladda ee ku sugan Degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen xalinta ciidamadii dhawaan iska hor imaadka ku dhexmaray degmada, waxaana uu intaa ku daray in qeybihii kulanka ka qeyb galay ay isku afgarteen in markale aysan soo laaban falalka nuucaani oo kale ah.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa xusay in sidoo kale ay xaliyeen cabashooyin ay qabeen qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada oo uu sheegay in xilliyada Roobka ay la kulmaan caqabado badan.

Maxamed Cali Cumar Jubba

Maamulka Hobyo oo soo furtay doon afduub loo heystay

0

Guddoomiyaha degmada Hobyo, Cabdullaah Axmed Cali, oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya guurtida deegaanka ay soo furteen doon ganacsi oo ay xeebaha Galmudug ku heysteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Guddoomiyaha ayaa SONNA u sheegay in iyadoo la adeegsanayo awood ciidan la soo badbaadiyay labo kamid ah shaqaalaha doonta Al Kowsar oo dhalashadoodu tahay Indian iyo doontii afuubka loo heystay.

“Ciidamo si gaar ah u tababaran oo kaashanay odayaasha deegaanka ayaa soo furtay doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed iyo laba kamid ah shaqaalihii la socday doontaasi oo dhawaan laga soo afduubtay xeebaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yeman, hadda shaqaalahaasi wey caafimaad qabaan doontiina gacanteena ayay ku jirtaa” ayuu yiri Mudane Cabdullaahi Axmed Cali.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay hadda hu howlan yihiin sidii u soo badbaadin lahaayeen sideed kamid ah shaqaalihii la socday doonta, kuwaas oo burcadbadeeddu hore uga dajiyeen doonta isla markaana lagu hayo dhulka xeebta ah deegaanada Galmudug.

Ugu dambeyntii maamulka degmada Hobyo waxa ay sheegeen in aan la aqbali karin in falal burcad badeednimo la xiriira laga abaabulo deegaankooda, isagoo ugu baaqay burcadbadeedda in ay xorriyaddooda u soo celiyaan muwaadiniinta Hindida ah ee ay afduubka ku heystaan.

Taliyaha cusub ee booliiska oo xilka la wareegay

0

Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed Janaraal C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa maanta xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidamada booliska Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska.

Taliyihii hore Janaraal, Xaamud ayaa ka warbixiyay waxyaabihii uu soo qabsoomay, waxaana uu mahad celiyay Ciidamada Booliska iyo Saraakiisha sida wanaagsan ee ay ula soo shaqeeyeen.

Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Janaraal C/xakiin Saacid oo horay xilkan u soo qabtay ayaa balan qaaday in halkeeda ka sii wado doono horumarinta ciidamada booliska iyo sidii amniga loo sugi lahaa.

Ugu dambeyn wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa ayaa ku booriyay taliyaha cusub in uu la yimaado wax qabad dhab ah isla markaana uu ka soo dhalaalo howsha culus ee laga sugayo oo ah sugidda amniga dalka.

Eng. Yarisow “Turkiga waa wallaal si kal iyo laab ah u taageera Soomaaliya”

0

Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow)  Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya H.E. Olgan Baker oo ay ka wada hadleen horumarinta warbaahinta dalka iyo sidii Wasaarada looga saacidi lahaa fulinta qorshaheeda sida hirgelinta Wacyigelinta bulshada.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa marka hore uga mahadceliyey Safiirka doorka ay Turkiga ka cayaarto Soomaaliya oo uu sheegay in wadamada kale looga baahanyahay inay ku daydaan oo ay si toos ah Dowladda Federaalka iyo shacabka ay u soo gaarsiiyaan taageeradooda, Eng. Yarisow ayaa yiri “Turkiga waa wallaal si kal iyo laab ah u taageera Soomaaliya.”

Kulanka maanta uu Wasiirka Warfaafinta la qaatay Safiirka Turkiga ayaa ah dadaalo uu beryahan waday Wasiirka oo uu ku xoojinayo xiriirka dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya si taageero loogu helo qorsheyaasha wasaarada warfaafinta oo uu Wasiirku damacsanyahay inuu dib u habeyn weyn ku sameeyo Wasaarada iyo howlaheeda si loo hirgeliyo maamul wanaag kalsooni gelin kara shacabka Soomaaliyeed.

Askar kamid noqoneysa Kumaandooska dalka oo tababar loo soo xirey

0

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya mudane Cabdi Rashid C/laahi Maxamed ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Kumaandoos ciidanka xooga dalka oo lagu tababarey xero ciidan oo ay maamulaan dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku taala magaalada Muqdisho.

Munaasabada tababarka loogu soo xireyay ayaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay waxaa kamid ahaa wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta daweynaha ee xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) iyo mas’uuliyiin kale.
Ciidamada Kumaandooska ee tababarka loo soo xirayay ayaa munaasbada kusoo bandhigay dhoolo tusyo cajiib ah ay la dhaceen mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugneed, waxayna ciidamada muujiyeen awooda ay leeyihiin.

Qaar kamid ah ciidamadii tababarka loo soo xiray oo kaalmaha hore ka galay tababarka ayaa la guddoonsiiyay abaal marino, waxaana ciidankan ay ahaayeen kuwa u badan dhalinyaro aan qaarkood laheyn wax balwad ah muuqaal ahaana jirkoodu uu dhisnaa.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdi rashid C/laahi Maxamed oo munaasabada ka hadlkay ayaa uga mahad celiyay dowlada Imaaraatka Carabta tababarka ay siiyeen ciidankan katirsan Kumanadooska Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Wasiirku in ay ciidankan yihiin kuwa u diyaarsan in dalka ka xoreeyaan cadowga , waxa uuna ku booriyay ciidankan cusub in ay noqdaan wadaniyiin u istaaga difaaca dalkooda ,diintooda iyo dadkooda.

Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay dowladda Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u dhiska ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, ayagoo sidoo kale dalka ka fuliya mashaariic horumarineed.

Wadada Hormarto Wasaaradda Amniga oo maanta Dib loo Furay

0

Amar ka Soo Baxay  Wasiirka  Amniga   Gudaha   Maxamad Abuukar Isloow Ducaale  ayaa  Lagu  Shaaciyay  in Maanta  Waxii Ka Bilawda  ay Furantahay   Wadada Hormarta   Wasaaradda  Amniga  Gudaha  Ee  Aada  isgooyska  Jubba   Taasi oo In Mudda Ah  Aysan Isticmaalin  Gaadiidka   islamarkaana  Dadweeynaha  Ay Baahi Weey Uqabeen  inay Isticmaalaan  

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in     Talaabadii   ugu  Horeeysay ee  ay Samayay   Wasaaradda Amniga in dib loogu furay wadada Hormarto Wasaaradda Amniga oo xirneyd Mudo aad u dheer.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Amar ku bixiyey in dib loo furo dhamaan wadooyinka Xiran ee ku yaal Gudaha Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeer ku tagey Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho, April 10, 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, si uu ugu guur galo hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu, isla markaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda, maadaama ay dekaddu yeelatay maamul cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka Dekadda, waxa uuna ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.

Mudane Kheyre ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala Dekadda in ay ilaaliyaan Masuuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu wado qorshe lagu wada xisaabtamayo, isagoo carabka ku adkeeyay R/wasaaruhu inaan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha Dowladda.Wuxuna kula dar-daarmay maamulka Cusub in ay derder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u hayso Dekaddu.

—-DHAMMAAD—

Xafladan lagu soo dhaweynayay gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho

0

Xafladan lagu soo dhaweynayay gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa soo qaban qabaabiyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho.

Dhalinyarda kulanka ka hadashay ayaa u bogaadiyay Magacaabista Gudoomiye Taabid Cabdi waxaana ay ugu baaqeeyn inuu la yimaado waxqabad iyaga oo u mahadceliyey Gudoomiyihii hore iyo duqii Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Cumar C/salaam Maxamed  Gudoomiyaha Daladda Dhalinyarada Gobolka Banadir oo ahaa madaxa  qaban qaabiyayaasha kulanka ayaa sheegay inay dhalinyarada ay garab taagan yihiin Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho si uu guto howlaha horyaala.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego maalmaha soo aadan waxaana uu sheegay inuu ka shaqeyn doono hormarka Gobolka Banaadir.