23 kun oo arday oo maanta u fadhiisatay imtixaanka dusgiga sare

Date:

Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 23-kun oo Arday ay maanta u fariisanayaan Imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ee ku yaala koofurta iyo bartamaha dalka.

Imtixaanka dugsiga Sare ayaa ka bilaanaya deegaanada maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Benaadi.

Illaa 77 goobood ayaa lagu qaadayaa Imtixaanka dugsiga sare ee shahaadiga, sida gobolka Banaadir iyo xarumaha maamul goboleedyada.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo maamulada kale ee dalka ayaa lagu wadaa inay booqdaan goobaha lagu qaadayo Imtixaanka.

Ammaanka goobaha lagu qaadayo imtixaanka mideysan ee shahaadiga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamka booliiska Soomaaliya.

Sanadkii 3 aad ee dowladda Soomaaliya ay qaadeyso Imtixaanka mideysan ee dugsiga sare, sanadkii 2015 ayay aheyd markii u horeysay ee dowladda qaado Imtixaan mideysan muddo 25-sanno kaddib.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...