Home Blog Page 1685

Gaari Qarax siday oo lagu Qabtay Magaalada Boosaaso

0

Ciidammada Ammaanka ayaa kontoroolka laga galo Magaalada Boosaaso ku qabtay Gaari UD ah oo siday Qaraxyo, Isgaarsiin casri ah, Qalab kale oo ay ka midyihiin Taargooyinka Gawaarida iyo labo Nin oo waday Gaariga.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu waday qudaar farabadan balse waxaa lagu soo dhaxqariyay Qaraxyo fara badan iyo Agab isgaarsiin oo loo ismaalo walxaha qarxa.

Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in haatan ay wadaan Baaritaano ku aadan Gaarigaan halka uu ka yimid iyo meesha loo waday Qaraxyadaan.

Gaalkacyo oo u gudbtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

0

 

Habeenkii afaraad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinka ee ay degmooyinka gobollada dalka ku baratamayaan, waxaa ku hardamay degmooyinka Gaalkacyo oo Mudug ka tirsan iyo Boondheere oo ka tirsan Benaadir ka tirsan.

Tartanka  xiiso gaar ah ayuu lahaa, waxaa sida caadiga aheyn degma kasta la weydiiyey Toddobo su’aallood oo isugu jira Diini, Seynis, Xistaab, aqoon guud iyo taariikhda dalka, qeybtii koobaad ayaa  lagu hakiyey kaddib markii labada degmo la weydiiyey min afar su’aal.

Ka hor qeybta labaad ee tartanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinnadii ka hadlayey Taariikhda Gaalkacyo iyo Boondheere, taas oo wax badan u tarta isdhexgalka tartamayaasha degmooyinka gobollada dalka.

Natiijada degmada Boodheere

Tartamayaasha degmada Boondheere oo la weydiiyey toddobo su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen laba su’aal, wax  ka faa’ideysi ah ma aysan helin waxa ay uruursadeen afar dhibcoon

Natiijada degmada Gaalkacyo

Sidoo kale tartamayaasha degmada Gaalkacyo, waxaa la weydiiyey toddobadii su’aal ee tartanka, waxa ay ka jawaabeen laba su’aal, wax ka faa’ideysi ah ma helin, waxa ayna iska qaldeen shan su’aal, si la mid ah waxa ay heleen afar dhibcoon.

Guddiga tartanka , ayaa u mahadceliyey labada degmo sida habsamida leh ee ay tartanka uga qeyb-qaateen, balse labada degmo oo la weydiiyey dhammaan su’aalihii tartanka, ayaa is mari waayey, waxaana lagu daray su’aallo dheeri ah, sida sharuucda tartanka ka mid ah.

Labada degmo waxaa dib loo weydiiyey  min hal su’aal oo dheeri ah, Boondheere oo ugu horreyn la weydiiyey kama aysan jawaabin su’aasheedii, Gaalkacyo oo si ka faa’ideysi ah loogu gudbiyey ayaa ka faa’ideysatay, sidoo kale Gaalkacyo su’aasheydiina si sax ah ayeey uga jawaabtay, waxa ayna uruursadeen siddeed dhibcood.

Guddiga ayaa shaaciyey in degmada Gaalkacyo ay u gudbtay wareegga Labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka gobollada dalka.

Habeen Dambe waxaa tartami doona Dhahar oo ka tirsan gobolka Sagaal  iyo Dhuusamareeb oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

 

 

 

 

 

 

Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle oo habeen shaqeynaya

0

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle waxaa loogu magac daray Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya kadib markii la qaatay xoriyadda 1960 kii, waa garoon caalami ah waxa uuna ku yaalaa Magaalada Muqdisho koofurteeda waxaana astaan u ah(IATA, MGQ,ICAO,HCMM), waxaana ka soo degi jiray Shariikado Diyaaradeed oo heer Caalami ah, oo ay ka mid ahaayeen Luftansa oo Jarmal ah,Airflot oo Ruushka ah,Alla Italia, Kenya Airways,Al-Yemda oo Yeman ah, Egyptian Airlines oo Masar ah, Saudi Air oo ah iyo Somaali Airlines oo ay laheyd Soomaalida iyo kuwa kale.

Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa dadaal u galay sidii uu garonku u noqon lahaa mid la mid ah Garomada caalamka, gaar ahaan kuwa geeska Afrika, waxaana mas’uuliyadda garoonka lagu wareejiyay Shriicado gaar ah, waxaana ugu dambeeyay oo hadda heysa Shariikad laga leeyahay dalka Turkiga, halka markii hore ay maamuleysay Shariikad Konfur Afrikaan ah.

Muddo 20 sano kadib duulimaadyo caalami ah oo ay sameeyaan diyaarado laga leeyahay dal ka mid ah dalalka reer Yurub ayaa waxaa ay si rasmi ah uga bilaabmeen Magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabad Xarigga looga jarayey duulimaadyada Turkish Airways ayna ka qeybgaleen Madaxweynahii hore ee Dowladdii ku meel gaarka aheyd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Turkiga, taasoo lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaa kaloo jirta Dulimaadyo ay sameyso Shariikadda Diyaaradaha ee Jabuuti Airline.

Haddaba si looga dhigo Garoonka mid heer caalami ah waa in loo yeelaa dhammaan waxyaabaha looga baahan yahay, waxaase hore u jirtay in Diyaaraduhu ay soo degi jireen maalntii oo kaliya, waxaase dadaal dheer kadib lagu guuleystay in duulimaadku uu ahaado maalin iyo habeen intaba, kadib markii lagu xiray Garoonka Leyrarka ifiya dhabbaha ay ku cararaan diyaaradaha, waxaana ka qeybgalay xafladaasi lagu bilaabayay galinta Leyrarka Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxa uuna daaray laanbadii ugu horreysay ee la dhigo Garoonkaasi, waxaana xusid mudan in hore gudaha Garoonka looga hirgaliyay meel Rakaabku ku nastaan oo laga wada heli karo waxyaabaha ay Dadku uga baahan yihiin.

Wasiirka Gaadiidka Duulista iyo Hawada ee xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegey in qalabkan dowlada Soomaaliya ay soo gadatey ugana tala gashey in goroonka Aadan Cade Airport lagu xiro si ay diyaaradahu habeen iyo maalinba u soo degaan una duulaan sidoo kalena ay qeyb ka noqoto soo celinta bilicda garoonka iyo Caasumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo kooxdii kala shaqeysay howsahaasi ay qabteen, wuxuuna caddeeyay inaysan cidna taageero ka helin taasina ay tahey guul ay gaartay dowlada Soomaaliya.
“Waxaa loo qabay baahi weyn in la helo leerarka ifttimaya waddada ay diyaaraduhu ku ordaan, aad baan ugu faraxsanahey inaan dhagax dhigo. Tanina waxey bilow u tahey horumarinta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwa Gobolada dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ka shaqeeya inay ilaaliyaan qalabkaasi maadaam uu yahey hanti Qaran, sidoo kalena waxa uu u soo jeediyay Madaxda garoonka inay dowlada u soo sheegaan waxyaabah ka dhiman garoonka.

Haddaba waa guul u soo hoyatay Ummdda Soomaaliyeed, bacdamaa ay howsha Garoonka ay noqoneyso 24 saacadood ama Habeen iyo Maalin, halka markii markii hore ay Duulimaadyadu jireen Maalintii oo kaliya, waxaase kaloo loo baahan yahay in la sii horumariyo, si aan u gaarno Asaageyn oo aan ka harsaneyn muddo 21 sano ah.

Qallinka: C/laahi Ruush

tartameyaasha Shangaani oo wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Ramadaanka u gudbtay

0

Tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee degmooyinka gobollada dalka oo uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, isla markaana dhexmaray degmooyinka Shangaani iyo Waabari, ayaa soo gabogaboobey.

Labada degmo waxa ay ka wada tirsan yihiin gobolka Benaadir.

Labada degmo markii la weydiiyey min afar su’aan ayaa la galay qadar nasasho ah, waxaana looga faa’ideystay daqiiqadahaas in lagu soo bandhigo warbixinno ka hadlaya Taariikhda labada degmo ay ku caan baxayn, iyadoo wariyeyaasha SNTV & RM ay soo gudiyeen muuqaallo iyo warbixanno aad u xiiso badnaa, si ay u xoogeysato isbarashada iyo isdhexgalka degmooyinka Waabari iyo Shangaani.

Sidoo  kale majaajiliisteyaasha C/qaadir Abahaa iyo Jaajuumoow, ayaa u ruwaayadeynayey daawadeyaasha iyo dhageysteyaasha Radio Muqdisho inta tartanka uu socdey, gabogabada tartanka guddiga ayaa soo gudbiyey sida uu ku dhammaadey tartanka.

Natiijada degmada Shangaani

Axmed Cali Kaahiye oo guddiga tartanka ka tirsan ayaa sidaan u shaaciyey  natiijada Shangaani, “Tartankii caawa oo aad u xiisa badnaa,  degmada Shangaani waxaa la weydiiyey Toddobo su’aal oo  toos ah, waxa ay ka jawaabeen hal Su’aal, laba ka mid ah su’aallaha si ka faa’ideysi ah ayeey u heleen, lix su’aalna ma aysan haleenin, sidaas darteed afar dhibcood ayeey uruursadeen.

Natiijada degmada Waabari

Sidoo kale degmada Waabari waxaa la weydiiyey Toddobo su’aal oo iyana toos ahaa, hal su’aal ayeey ka jawaabbeen Lix ka mid ah waa ay hareer mareyn, wax ka faa’ideysi ahna ma aysan helin degmada Waabari, laba dhibcood ayeey sidaa ku heleen, wareegga labaad nasiib umma yeelan.

Guddiga ayaa sheegay in degmada Shangaani ay u gudubtay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee bisha Ramadaan, habeen dambe waxaa tartami doona degmooyinka Boondheere oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Gaalkacyo oo ka tirsan gobolka Mudug.

Habeen dambe Boondheere Vs Gaalkacyo

 

 

 

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Ummadda uga tacsiyadeeyay geerida Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka

0

INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta tacsi u diray shacabka oo ku wajahan geeri ku timid Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Marxuum Axmed Abroone Amiin. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Ugu horreyn waxaan shacabka soomaaliyeed iyo gaar ah qoyskii iyo eheladii uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid Marxuum Axmed Abroone Amiin oo horey u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.”

“Geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhammaaday, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.” Ayuu sii raaciyey Ra’iisul Wasaarahu.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Marxuum Axmed Abroone Amiin uu ahaa shaqsi wadani ah, daacad ah oo danta guud marwalba ka horumarin jiray danihiisa gaarka ah.

Wasiirka Batroolka ee Soomaaliya oo magaalada London kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK

0

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa magaalada London ee xarunta Dalka UK kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii qurba joogta Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta dalkooda Hooyo, iyagoo Wasiirka ka dhageystay warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda Batroolka.

Wasiirka Batroolka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa uga waramay Jaaliyadda Soomaaliyeed sida ay muhiimka ugu tahay dowladda inay shacabkeeda uga warbixiso xaalad walba ee uu dalku marayo.

Waxaa uu sidoo kale Wasiirka ka warbixiyay kheyraadka dalka ku jira ee ay Wasaaradda Batroolka hadda gacanta kula jirto sidii looga faa’iideysan lahaa, isagoo ugu dambeyntii xusay Wasiirku in Wasaaradda ay diyaarisay sharciyadii loo mari lahaa hanaanka looga faa’iideysan karo kheyraadka dalka.

Madaxwayne Farmaajo oo la dardaarmay Mas’uliyiinta Galmudug

0

Xafladda Caleema saarka Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)  oo halkaasi ka hadlay ayaa yiri “Markii aan rabnay inaan heshiisiino Galmudug iyo Ahlusuna, intii aanan bilaabin labada dhinac inaan heshiisiino ayaa Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku xigeenkii Baarlamanka Galmudug dhaheen intaan labada dhinac la heshisiin marka hore anaga hanala heshiiisiiyo, markaan heshiisiiinay ayaa wakhtiga nagu yaraaday, in aan u gudubno hadana dib u heshiisiinta Ahlu suna iyo Galmudug, marka Madaxda halkan fadhida ha iska ilaaliyaan khilaafka dhexdooda ah, ayuu yiri madaxwayne Farmaajo

“Khilaafka waxaa keena waa dan shakhsiyadeed, waxaan rajeynaya inaan khilaaf ka dhicin Xaaf iyo Baarlamankiisa kadibna aanu keeno Ahlusunna”. ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Madaxwaynayaasha K/Galbeed shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubba-land Axmed Maxamed Islaam, Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwayne ku xigeenka Hishabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlawe) waxayna halkaasi ka jeediyeen hadallo isugu jira soo dhaweyn iyo dhiirri gelin ay u jeedinayeen Madaxwaynaha Galmudug ee maanta la Caleema saaray iyo dhammaan Maamulkaasi.

Akhriso: Hindise sharciyeedyada looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada

0

Xubnaha golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo biirey shirka intuu socday oo uu dardaaran u jeediyey Wasiirada. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.

 Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada dardargelinta shuruucda dalka bacdamaa ay Dawladan tahay tii Sharciga iyo Shacabka, shacabkana ay naga sugayaan waxqabad dhan walba ah.

Xubnaha golaha ayaa dhageystay warbixino ku aadan shuruucda ay gacanta ku hayaan wasaaradaha qaar si loogu sii diyaar garoobo oo Golaha Wasiirada ay u ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka. Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin, Hindise Sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;

1. Isgaarsiinta
2. La Dagaalanka Musuqmaasuqa
3. La-Dagaalanka Argagaxisada
4. Runta & Dib u Heshiisiinta
5. Dawladaha Hoose
6. Dambiyada Kufsiga
7. Muwaadinimada
8. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba
9. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada
10. Badda
11. Kheyraadka Biyaha
12. Tamarta
13. Maareynta Maaliyada
14. Istaatiistikada
15. Xeerka Saxaafada
16. Waxbarashada
17. Nidaamka Hay’adaha Samafalka
18. Sharciga Beeraha
19. Gudiga Muftida Culumada

 

Kuuriyada Waqooyi oo Maanta tijaabisay Gantaal kale

0

Kuuriyada waqooyi ayaa isniintan maanta ah tijaabisay gantaal aan la aqoon ridadiisa iyo inta kiiloomitir ee uu socon karo,sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee kuuriyada koonfureed ee YONHUB. waxaanu warku intaas ku sii daray in madaxwaynaha cusub ee K/koonfureed Mr. mun je uu amar ku bixiyey in ciidamadiisa iyo golihiisa wasiiraduba isugu yimaadaan kulan deg-deg ah oo laga hadlaayo gantaalkan ay riday K/waqooyi.

Dhinaca kale kuuriyada waqooyi ayaa si aan gabasho lahayn u sheegatay in ay ka gantay gantaalkan magaalada xeebta ku taal dalkooda,afhayeen u hadlay k/waqooyi ayaa ku tilmaamay gantaalkan in aan ciddna loo sheegayn xawaaraha uu jarayo iyo inta uu wax ka gumaadi karo,waxaanu dhoolatuskani noqonayaa kii sadexaad ee noociisa ah la tijaabiyo isla sanadkan.

Lababadan dal ayey ka dhaxaysaa colaad wayn oo gu,yaal badan soo jirtay,iyadoo dhacdanina noqonaysa mid rajadda sii fogaysa.

Qaramadda midoobay iyo maraykanka ayaa saaray waqooyiga kuuriya cunaqabatayn dhinac kasta ah.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

0

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho xalay ku geeriyooday Guddoomiye ku xigeenkii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Axmed Abroone Amiin.

Axmed Abroone Amiin ayaa Guddoomiye ku xigeen ahaa Dowladii Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay Magaalada carte ee dalka Jabuuti.

Masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay geerida Marxuumka, waxayna sheegeen inuu ku soo booday xanuun deg deg ah uu u geeriyooday.