Home Blog Page 1686

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

0

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho xalay ku geeriyooday Guddoomiye ku xigeenkii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Axmed Abroone Amiin.

Axmed Abroone Amiin ayaa Guddoomiye ku xigeen ahaa Dowladii Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay Magaalada carte ee dalka Jabuuti.

Masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay geerida Marxuumka, waxayna sheegeen inuu ku soo booday xanuun deg deg ah uu u geeriyooday.

Mashruuc lagu afurinayo dadka danyarta ah oo laga hirgeliyay Baydhabo

0

Magaalada Baydhabo waxaa laga bilaabay afurinta dadka danta yar ee ku sugan magaalada kuwasoo kasoo barakacay qaybo ka mid ah Gobolka Bay.

Guddoomiye ku-xigeenka taakuleynta Guddi loo xilsaaray afurinta Gobolka Bay ayaa Warbaahinta u sheegay in xarunta ay ahayd mid markii hore lagu xanaaneyn jiray carruurta agoonta ah, haatanna lagu quudiyo dadka ay abaarta saameysay.

“Afur oo ka kooban bariis, timir iyo mushaari ayaan dadka siinaa, qofkiiba waxaa ku soo aadaysa saddex boqol oo garaam bariis ah oo qudaartiisa wata iyo cabitaan, waxaana tani ay ka midtahay mashruuc loogu talagalay in lagu afuriyo dadka danyarta ah”ayuu yiri mid ka mid ah guddiga howshan qaabilsan.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’iideystay afurinta ayaa ka mahadceliyay mashruucan laga hirgeliyay magaalada Baydhabo.

Ciidamada xoogga dalka oo Shabaab ka soo badbaadiyay xoolo ay dhaceen

0

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo lagu soo badbaadiyay xoolo ay dhaceen maleeshiyadka Al-shabaab ka sameeyay qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe Taliyaha Guutada 52aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka lagu soo badbaadiyay in ka badan 100 neef oo Ari ah, waxaana uu xusay in dadka deegaanka ay kolkii hore Shabaabka ka dileen labo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalka waxaan ka sameynay deegaanka Bood oo aan ka soo dhicinay xoolo ay dadka deegaanka ka dhaceen, sidoo kale ciidamada waxa ay la wareegeen deegaanka Wabxo oo ka mid ah meelaha ay Al-Shabaab dadka ku dhibaateeyaan” ayuu yiri Jeneraal Axmed.

Taliyaha Guutada 52aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay dileen hal qof oo ka mid ah dadka reer miyiga ah oo ay ka dhaceen xoolaha, waxaana uu intaa ku daray in ay la baxsadeen 100 kale oo neef oo Ari ah, kuwaasi oo iminka ku daba joogaan.

Qaban qaabada xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug oo cadaado ka socoto

0

Magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar u ah dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka socota qaban qaabada xafadda caleemo saarka Madaxweynaha maamulkaasi, iyadoo lagu wado in ay kasoo qayb galan mas’uuliyinta maamulada ka jira dalka iyo wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Galgaduud Cabdi Xasan Awoowe ayaa ku soo waramaya in la adkeeyay amniga magaalada, isla markaana ay jiraan wafuud kala duwan oo ku sii qul qulaya magaalada, si ay uga qeyb galaan xafladda lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaddib markii uu xilkaasi horey isaga casilay Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado.

Guddiga qaban qaabada xaflada ayaa sheegay in la filayo inay ka soo qeyb galaan qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Horaantii bishan ayay aheyd markii Cadaado lagu doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah Ganacsade caan ah.

Daawadeyaasha SNTV oo soo dhoweeyey barnaamijka tartan Cilmiyeedka habka loo diyaariyey

0

Daawadayaasha Telefishinka Qaranka iyo dhageysteyaasha Radio Muqdisho, ayaa si weyn u boggaadiyey oo soo dhoweeyey nidaamka loo qaabeeyey tartan cimiyeedka Warbaahinta Qaranka ay u qabeneyso degmooyinka gobollada dalka, kaas  oo uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir.

Caawa oo ay tartami lahaayeen degmooyinka Baladweyne iyo Jowhar ayeeysan noqon kaddib markii degmada Jowhar ay wakhtigii tartanka sheegtay in aysan diyaar u aheyn, guddiga ayaa kaddib shaaciyey in degmada Baladweyne ay sharuud la’aan ugu gubtay wareegga labaad ee  tartanka.

Barnaamijka, lama soo gabogabeyn ee waxaa lagu soo bandhigay sharuudaha laga doonayo degmooyinka tartamaya, sidoo kale daawadeyaasha iyo dhageysteyaasha ayaa fursad loo siiyey in aragtidooda ay dhiibtaan, Inta barnaamijka lagu guda jiray  waxaa la soo bandhigay warbixinno ka hadlaya Taariikhda labada degmo, wariyeyaasheenna jooga Baladweyne iyo Jowhar ayaa soo diyaariyey.

Dhammaan Daaweyaashii la soo xiriiray barnaamijka ayaa boggaadiyey, sida warbaahinta Qaranka u soo diyaarisay, waxa ay u mahadceliyeen howl-wadeenna, guddiga, wariyeyaasha Warbaahinta iyo masuuliyiinta wasaaradda ee shacabka Soomaaliyeed ugu talogalay in bisha Ramadaan ay u soo gudbiyaan barnaamij Cilmi ku dhisan oo faa’iido weyn u ah  Jiilka soo koraya.

Guddiga Tartanka ayaa sheegay in la tixgelin doono fikrado koobnaa oo dadka qaar ay sheegeen in lagu soo kordhiyo barnaamijka , sida in Su’aallaha ay badbnaadaan kheyraadka dalka iyo Culuumta Diiniga ah, sidoo kale waxa ay soo jeediyeen in gabdhaha Suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka laga soo qeyb-geliyo Barnaamijka

Guddiga ayaa sheegay in habeen dambe ay tartami Doonaan Haddii uu ALLE IDMO, degmooyinka Shingaani iyo Waabari oo ka wada tirsan gobolka Benaadir..

Degmada Baladweyne oo wareegga Labaad ee tartan CIlmiyeedka Warbaahinta Qaranka u gudubtay

0

Degmooyinka Jowhar oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe iyo Baladweyne oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa caawa ku tartamayay tartan Cilmiyeedka  Warbaahinta Qaranka ay qabaneyso.

Tartan Cilmiyeedkaan ayaa galay habeenkii labaad, iyadoo xalay degmooyinka Xudur iyo Warta-nabadda ay ka qeyb-galeen, isla markaana degmada Warta-nabadda ay u soo gudubtay wareegga labaad, labada degmo ee caawa tartamayey ay ka tirsan yihiin dowlad gobolleedka Hir-shabeelle

Yaxye Cali Faarax oo ka tirsan guddiga  ayaa akhriyey sharuucda lagu hagi doono dhammaan maalmaha bisha Ramadaan ee uu tartanka uu socdo, kaas oo ka kooban 20 qodob oo degmo walba laga doonayo in ay ilaaliso.

Ugu dambeyn bilowga tartanka ayaa degmada Jowhar laga waayey Qadka Teleefoonka, guddiga tartanka ayaana shaaciyey in degmada Jowhar cudur daar la’aan ay waqti badan ka maqneyd hawada kaddibna waxa ay sheegeen in aysan diyaar u aheyn tartanka caawa,  sidaa darteedna degmada Jowhar ay ka hartay guud ahaan tartan Cilmiyeedka, guddiga waxa uu sheegay in degmada Baladweyne ay u gudubtay wareegga Labaad ee Tartan Cilmiyeedka.

 

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay qaar kamid ah Safiirada Beesha Caalamka (Sawirro)

0

Muqdisho, 28 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Beesha Caalamka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana uu ka codsaday in labada dhinacba ay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah oo dhameystiran.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Safiirada Midowga Yurub, UAE, Turkey, Sweden, China, waxaana qadka shaashada ku jirey wakiilo ka socday Mareykanka iyo UK. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu horreyn warbixin ka siiyey horumarka ay dawladu ku talaabsatay mudadii ay jirtey ee dhanka Gurmadka Abaaraha, Amniga, Dhaqaalaha, La dagaalanka musuqmaasuqa iyo qorsheyaasha guud ee xukuumada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay bilowday nidaam isla xisaabtan ah oo dhan walba ah kana codsaday beesha caalamka inay iyagana la yimaadaan isla xisaabtan furfuran oo shacabka Soomaaliyeed kalsooni siin kara.

Mas’uuliyiintii beesha caalamka ayaa ugu mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha qabanqaabada kulanka iyo warbixinta saafiga ah ee uu ka siiyey xaalada dalku marayo. Waxey dhammaantood qireen in horumar baaxad leh oo waxqabad dhab ah lala yimid, iyagana ay diyaar u yihiin inay caawiyaan Dawladda Federaalka.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in Dawlada Federaalka ee cusub ay la timid dhaqan-cusub oo isla xisaabtan ah, sidaas oo kalena uu ka dalbaday beesha caalamka inay dhaqankooda bedelaan oo kaalmadooda ay ku saleeyaan baahiyaha Dawlada iyo inay mashaariic horumarineed ay dalka ka hirgeliyaan sida dhismaha wadooyinka, buundooyinka iyo mashaariicda horumarineed oo shaqo abuur u noqoneysa dhalinyarada Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dhagax dhigey Jidka Soddonka.

0

Muqdisho, May 28, 2017….Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dhagax dhigey dhismaha Jidka Soddonka oo is ku xirta dagmooyinka dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir,waxaana dhaqaalaha ku baxaya iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed.

Godoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Thabit Cabdi Maxamed oo furitaanka Wadada ka hadlay ayaa tilmaamey in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan dawladda, ayna ka qeyb qaataan horumarka ka socda caasimadda si looga gudbo dhibaatooyinkii ka jiray Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxuuna cadeeyey in Dawladda Hoose ay qeyb muhiim ah ka qaadaneyso dhismaha waddooyinka iyo sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay furitaanka dib-u-dhiska Jidka Soddonka ayaa sheegay in dhismaha wadooyinka caasimadda ay ka qayb qaadanayaan xasilinta aminiga Muqdisho, isla markaana bilow u tahey in shacabku helaan adeegyadii ay dawlada uga baahnaaayeen sida Caafiimad,Wadooyin iyo Amni.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan dib soo celinta billicda dalka iyo dib-u-dhisida caasimada, iyagoo la kaa shanaya hoggaankooda”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa bilihii lasoo dhaafey sameenayey waddooyin muhiim u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku dhex shaqeeya Caasimadda.

DHAMAAD

Abaalmarin caalami ah oo la siiyey Drs Xaawo Aadan Cabdi

0

Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo muddo dheer ka shaqyeneysay gargaarka caafimaadka goobaha barakacayaasha ee Soomaaliya ayaa Jaamacadda Harvard  ee dalka Marekanka ka heshay Jaamacado sharaf aqoonsi waxqabadkeeda.

Drs Xaawo Aadan Cabdi Dhiblaawe oo ka mid ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee gudaha dalka muddo todobannaan sanno ah ka shaqeynayey, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka liita, sida dadka barakacayaasha ah iyo meelo kale oo muhiim ah, ayaa la aqoonsadey waxqabadkeeda dhinaca caafimaadka kaddib qiimeyn ay sameysay Jaamacad ku taalla dalka Mareykanka.

Jaamacadda Harvard ee dalka Marekanka shahaadadaan waxa ay sidoo kale guddoonsiiyey sagaal qof oo kale oo ay ka mid yihiin Jiliaayaal, Dhaqaatiir iyo dad kale oo caan, sida Ninkii sameeyey Shabakadda Facebook Mark Zuckerberg.

Drs Xaawa Aadan iyo labadeeda gabdhood oo dhaqtar ah, ayaa sameeyey dedaallo miro-dhal ah oo ku aaddan u gargaaridda dadka tabaaleysan,  gaar ahaan  kuwa qaba cudurrada faafa qaba, iyadoo Isbitallada ay ka shaqeeyeen haweenku ay ka faa’ideysteen gargaarka lagu bixiyo.

Dr Xaawa ayaa soo dhoweysay Shahaado Sharafta ay ka heshay Jaamacadda Harvard ee Mareykanka, isla markaana ku tilmaamtay guul Soomaaliyeed, gaar ahaan mid ay gaareen dhaqaatiirta Soomaalida ah.

 

 

 

 

Tartamayaasha Warta-nabadda oo u gudbay wareegga labaad

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayay Telefishinka Qaranka, lagana dhageystay Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii ugu horeysay ku tartamay tartameyaasha degmooyinka Xudur VS Warta Nabadda oo ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Benaadir, ayadoo barnaamijkana ay sanadkan taabagelineyso Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Xudur VS Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay.

degmada Xudur

Tartameyaasha degmada Xudur ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal waxaana ay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal ka mid ah. lix su’aalloodna jawaabahooda ma aysan haleelin, wax ka faa’iideysi ahna ma jirin oo ay heleen tartamayaasha degmada Xudur, ayadoo wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Xudur heleen ay noqotay labo Dhibcood.

degmada Warta-nabadda

Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Warta Nabadda todobo su’aal ee la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Labo ka mid ah, afar su’aalna jawaabteeda ma aysan haleelin, si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen labo su’aal oo soo hareer martay tartameyaasha degmada Xudur, waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Warta Nabadda ay noqdeen sideed Dhibcood oo ay ku badiyeen,

Tartamayaasha degmada Warta Nabadda oo difaacaneya tartankan ayaa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe oo ah habeenka labaad ee tartan cilmiyeedka hadii uu Alle idmo barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha degmooyinka Beladweyne VS Jowhar oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.