Gaalkacyo oo u gudbtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Date:

 

Habeenkii afaraad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinka ee ay degmooyinka gobollada dalka ku baratamayaan, waxaa ku hardamay degmooyinka Gaalkacyo oo Mudug ka tirsan iyo Boondheere oo ka tirsan Benaadir ka tirsan.

Tartanka ย xiiso gaar ah ayuu lahaa, waxaa sida caadiga aheyn degma kasta la weydiiyey Toddobo suโ€™aallood oo isugu jira Diini, Seynis, Xistaab, aqoon guud iyo taariikhda dalka, qeybtii koobaad ayaa ย lagu hakiyey kaddib markii labada degmo la weydiiyey min afar suโ€™aal.

Ka hor qeybta labaad ee tartanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinnadii ka hadlayey Taariikhda Gaalkacyo iyo Boondheere, taas oo wax badan u tarta isdhexgalka tartamayaasha degmooyinka gobollada dalka.

Natiijada degmada Boodheere

Tartamayaasha degmada Boondheere oo la weydiiyey toddobo suโ€™aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen laba suโ€™aal, wax ย ka faaโ€™ideysi ah ma aysan helin waxa ay uruursadeen afar dhibcoon

Natiijada degmada Gaalkacyo

Sidoo kale tartamayaasha degmada Gaalkacyo, waxaa la weydiiyey toddobadii suโ€™aal ee tartanka, waxa ay ka jawaabeen laba suโ€™aal, wax ka faaโ€™ideysi ah ma helin, waxa ayna iska qaldeen shan suโ€™aal, si la mid ah waxa ay heleen afar dhibcoon.

Guddiga tartanka , ayaa u mahadceliyey labada degmo sida habsamida leh ee ay tartanka uga qeyb-qaateen, balse labada degmo oo la weydiiyey dhammaan suโ€™aalihii tartanka, ayaa is mari waayey, waxaana lagu daray suโ€™aallo dheeri ah, sida sharuucda tartanka ka mid ah.

Labada degmo waxaa dib loo weydiiyeyย  min hal suโ€™aal oo dheeri ah, Boondheere oo ugu horreyn la weydiiyey kama aysan jawaabin su’aasheedii, Gaalkacyo oo si ka faaโ€™ideysi ah loogu gudbiyey ayaa ka faaโ€™ideysatay, sidoo kale Gaalkacyo suโ€™aasheydiina si sax ah ayeey uga jawaabtay, waxa ayna uruursadeen siddeed dhibcood.

Guddiga ayaa shaaciyey in degmada Gaalkacyo ay u gudbtay wareegga Labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka gobollada dalka.

Habeen Dambe waxaa tartami doona Dhahar oo ka tirsan gobolka Sagaal ย iyo Dhuusamareeb oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...