Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle oo habeen shaqeynaya

Date:

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle waxaa loogu magac daray Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya kadib markii la qaatay xoriyadda 1960 kii, waa garoon caalami ah waxa uuna ku yaalaa Magaalada Muqdisho koofurteeda waxaana astaan u ah(IATA, MGQ,ICAO,HCMM), waxaana ka soo degi jiray Shariikado Diyaaradeed oo heer Caalami ah, oo ay ka mid ahaayeen Luftansa oo Jarmal ah,Airflot oo Ruushka ah,Alla Italia, Kenya Airways,Al-Yemda oo Yeman ah, Egyptian Airlines oo Masar ah, Saudi Air oo ah iyo Somaali Airlines oo ay laheyd Soomaalida iyo kuwa kale.

Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa dadaal u galay sidii uu garonku u noqon lahaa mid la mid ah Garomada caalamka, gaar ahaan kuwa geeska Afrika, waxaana mas’uuliyadda garoonka lagu wareejiyay Shriicado gaar ah, waxaana ugu dambeeyay oo hadda heysa Shariikad laga leeyahay dalka Turkiga, halka markii hore ay maamuleysay Shariikad Konfur Afrikaan ah.

Muddo 20 sano kadib duulimaadyo caalami ah oo ay sameeyaan diyaarado laga leeyahay dal ka mid ah dalalka reer Yurub ayaa waxaa ay si rasmi ah uga bilaabmeen Magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabad Xarigga looga jarayey duulimaadyada Turkish Airways ayna ka qeybgaleen Madaxweynahii hore ee Dowladdii ku meel gaarka aheyd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Turkiga, taasoo lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaa kaloo jirta Dulimaadyo ay sameyso Shariikadda Diyaaradaha ee Jabuuti Airline.

Haddaba si looga dhigo Garoonka mid heer caalami ah waa in loo yeelaa dhammaan waxyaabaha looga baahan yahay, waxaase hore u jirtay in Diyaaraduhu ay soo degi jireen maalntii oo kaliya, waxaase dadaal dheer kadib lagu guuleystay in duulimaadku uu ahaado maalin iyo habeen intaba, kadib markii lagu xiray Garoonka Leyrarka ifiya dhabbaha ay ku cararaan diyaaradaha, waxaana ka qeybgalay xafladaasi lagu bilaabayay galinta Leyrarka Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxa uuna daaray laanbadii ugu horreysay ee la dhigo Garoonkaasi, waxaana xusid mudan in hore gudaha Garoonka looga hirgaliyay meel Rakaabku ku nastaan oo laga wada heli karo waxyaabaha ay Dadku uga baahan yihiin.

Wasiirka Gaadiidka Duulista iyo Hawada ee xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegey in qalabkan dowlada Soomaaliya ay soo gadatey ugana tala gashey in goroonka Aadan Cade Airport lagu xiro si ay diyaaradahu habeen iyo maalinba u soo degaan una duulaan sidoo kalena ay qeyb ka noqoto soo celinta bilicda garoonka iyo Caasumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo kooxdii kala shaqeysay howsahaasi ay qabteen, wuxuuna caddeeyay inaysan cidna taageero ka helin taasina ay tahey guul ay gaartay dowlada Soomaaliya.
“Waxaa loo qabay baahi weyn in la helo leerarka ifttimaya waddada ay diyaaraduhu ku ordaan, aad baan ugu faraxsanahey inaan dhagax dhigo. Tanina waxey bilow u tahey horumarinta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwa Gobolada dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ka shaqeeya inay ilaaliyaan qalabkaasi maadaam uu yahey hanti Qaran, sidoo kalena waxa uu u soo jeediyay Madaxda garoonka inay dowlada u soo sheegaan waxyaabah ka dhiman garoonka.

Haddaba waa guul u soo hoyatay Ummdda Soomaaliyeed, bacdamaa ay howsha Garoonka ay noqoneyso 24 saacadood ama Habeen iyo Maalin, halka markii markii hore ay Duulimaadyadu jireen Maalintii oo kaliya, waxaase kaloo loo baahan yahay in la sii horumariyo, si aan u gaarno Asaageyn oo aan ka harsaneyn muddo 21 sano ah.

Qallinka: C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...