Home Blog Page 166

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno katirsan khawaarijta.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamadu ay heleen xog sheegaysa in khawaarijta ay dhagar u soo maleegaayaan shacabka ku nool deegaannada nabada ah ee horay looga xorreeyey, kuwaas oo isku aruursanayey Tuulo Mabaax oo Hiiraan ah iyo Tawakal oo Shabeellada dhexe ah.

Saraakiisha Nabad Sugidda ee howlgalkaan hoggaaminaysay ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey inay dileen tiro maleeshiyaad ah sidoo kalana ay burburiyeen dhowr, fariisimo oo ay ku sugnaayeen khawaarijta .

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay ayaa waxa uu kulan gaar ah kula qaatay magaalada Seville ee Dalka Spain, 𝐌𝐫. 𝐂𝐥𝐚𝐯𝐞𝐫 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐭𝐞 oo ah Xoghaya Fulinta Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray horumarada Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyada oo bulshada looga faa’iidaynayo iyo hannaanka isbaddalka qorshaha Qaranka (NTP).

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa is af garad looga gaaray xoojinta xiriirka wada-shaqeynta iyo horumarinta qorshayaasha maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya u dagsan.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo kulamada heer wasiir ee ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo in uu kulamo kala duwan la qaato masuulyiin iyo madaxda ka soo qeybgashay shirka sanadkan, kulamadaas oo dhammaantood ku qotoma horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

 

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter Army ah oo ay lahaayeen Ciidanka Midowga Afrika ay ku dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Diyaaraddan oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle ayaa sidday 8 qof, wuxuuna sheegay in ay dib ka faah-faahin doonaan wixii qasaara ah ee ka dhashay shilkaasi.

Maareeyaha oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay shilkaasi ay ku howlan yihiin kooxaha dab-demiska iyo gurmadka degdegga ah, wuxuuna intaa ku daray in ay haatan socdaan hubinta qasaaraha iyo nadiifinta garoonka lana xakameeyay xaaladda.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in duullimaadyadii caadiga ahaa ee iman jiray Garoonka Aadan Cadde iyo kuwii ka bixi jirayba ay socdaan, goobta uu shilka ka dhacayna ay u xireen howlwadeennada loo xilsaaray.

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Talaado ah kula kulmay Magaalada Dar es Salaam, dhiggiisa Tanzania, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika, Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagi xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna ballaarin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan si loo gaaro horumar labada dhinac ah, loona qoto-dheereeyo wax wadaagga.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo labada dal ah, ayaa lagu caddeeyay ka go’naanshaha labada dhinac ee kor-u-qaadidda iskaashiga labo geesoodka, iyadoo diiradda lagu saarray arrimaha dano wadaagga.

Qodobada ugu muhiimsan ee lagu fallanqeeyay fadhiga waxaa ka mid ahaa fududaynta ganacsiga, gaadiidka cirka, dal-ku-galka, iyo isdhaafsiga dhaqanka. Labada dhinacba waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay hagaajinta isku xidhka iyo fududaynta isu socodka dadka iyo badeecadaha, iyagoo ku heshiiyey in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo iskaashiga iyo is-dhexgalka gobolka.

 

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

0

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaalanka Argagixisada (IMCTC) ee xaruntiisu tahay Riyaad, Sacuudi Carabiya, ayaa maanta xarunta Isbahaysiga ku qabatay xaflad lagu xusayay 65-guurada Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya.

Xafladda waxaa ka qeyb galay ergada dalalka xubnaha ka ah Isbahaysiga, waxaana Madaxa Ergada Soomaaliya, Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, uu dhambaal hambalyo ah oo uu ka gudoomay Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga, Gen. Maxamed Saciid bin Mogeydi.

Gen. Tuuryare ayaa sidoo kale khudbad ka jeediyay oo uu kaga hadlay horumarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay maanta ka gaysan garaan xasillinta xasaradaha dunida Islaamka.

Xafladda waxaa lagu soo bandhigay filim dukumenteri ah oo soo bandhigay taariikhda, dhaqanka iyo guulaha Soomaaliya ee dowlad-dhisidda iyo la-dagaallanka argagixisada.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, midnimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taallada Daljirka Dahsoon cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka oo gaardis ku soo maray qeybi ka mid ah wadada Maka Al-Mukaramma ee magaalada Muqdisho.

Dabbaal-degga munaasabaddan waxaa ka qeyb ka ahaa diyaaradaha qumaatiga u kaco ee Ciidanka Badda iyo Cirka Soomaaliyeed, dabaabadaha iyo gaadiidka dagaalka ee ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, kuwaas oo soo bandhigay sida Ciidamada Qalabka Sida ee dalkeennu ay ugu diyaarsan yahay difaaca, ilaalinta amniga, midnimada iyo gobanimada dalkeenna.

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65- guurada xornimada iyo Midowga Labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa saaka ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ubax-dhigga ka dib waxa uu Salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida, kuwaasi oo soo bandhiggay gaadda-ka-cayaar iyo dhoollatus ay ku muujinayeen cududda iyo qalabka Ciidamada Soomaaliya.

Munaasabadda, oo ay goobjoog ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay gawaarida kala duwan ee Ciidamada, hubka culus iyo Diyaaradaha dagaalka, kuwaasi oo hawada sare kasoo daadinaayay warqado ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhigyo ka turjumaya xuska 1-da Luulyo.

8 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada hoose

0

Ciidanka gaarka ah ee kumaandooska Danab ee CXDS ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulada Yuumbis oo 7KM u jirta deegaanka Bariirre ee gobolka Shabellada hoose, waxa ay ku dileen 8- dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo qaabbilsanaa qaraxyada.

Mid kamid ah horgayaasha howlgalkaan lagu qaarajiyay ayaa lagu magacabaa Jaabbir.

Xogaha kale ee warkaan ku saabsan kala soco warbaahinta Qaranka.

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1-da Luulyo.

1-da Luulyo markii Gobolada Koonfureed ee dalkeena ay ka xorroobeen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee dalkeena ayaa laga xusay goobo badan oo dalka ka mid ah.

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

0

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u maamuusaan isla markaana ku weyn quluubtooda, kuwaasi oo ku astaysan diiwaan taariikheedka bulshada.

Maalmaha xorriyadda waxay mudnaantaan goonida ah ku heleen waa gaaritaanka guulo mudan in si joogta ah loo xasuusto ,kadib kolkii maalmahaasi loo huray naf iyo maal, gaar ahaan kuwa qiimaha badan sida maalmaha qarannimada.

Shacbiga soomaaliyeed oo ka mid ah umadaha ku sharfan magac weyna ku helay kifaaxii ay u soo galeen hanashada gobanimadooda ayaa halgankoodii gobanimodoon wuxuu la soo bilawday soo ifbaxii damcii gumaysiga ee xeebaha bariga afrika.

Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hana qaaday dhulka soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543.

Axmad Gureey waxaa u suuro gashay in uu geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay, muddo kadibna Waxaa shucladdii difaacidda sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Max’ed Cabdulle xasan oo dagaal muddo dhowr iyo labaatan sano socday la galay gumaystigii ingiriiska, wuxuuna jab taariikkaysan ku riday ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta.

Sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan Karin ciidamada sayidka, isla sanadkaas ayaa ingiriisku go’aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigyadii ciidamadii daraawiishta.

Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal badan oo naftooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan barsame, Xaaji Faarax Oomaar iyo sheikh Bashiir iyo dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii may 1943dii iyo sidoo kale kuwo kale oo ka socday xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo iyaguna ka qeybgalay kifaaxii goballada waqooyi ee dalka.

1948dii waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dal ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida, isla sanadkaad Q/M waxay go’aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah ay u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga kadibna xornimo la gaarsiiyo.

12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal waxay u saartay inay alifaan naqshadda uu yeelanayo Calanka Soomaaliya, waxaana ku guulaystay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5-ta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka.

24 tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxay ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir waxaana R/wasaare u noqday Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud waxayna gobollada koonfureed maamulaysay illaa 1960kii.

Xilligii gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxdii koonfur iyo waqooyi oo ku heshiiyay in ay midoobaan labada gobol, lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.

26 kii juun 1960kii ayaa beerta xoriyadda ee magaalada hargaysa waxaa la suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah oo laga taago ciid Soomaaliyeed, waana habeenkii uu goobtii calansarka ka mariyay Allaha u naxariistee marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde gabaygii taariikhda galay ee ahaa ( Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar).

4 maalmood kadib oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur,waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee Soomaaliya.

July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].

Gabagabadii, dadka Soomaaliyeed waxa ay maanta u dareereen xuska sanadguurada 65-aad ee ka soo waregatay dhalashadii xornimada,sidaa aawadeed, waxaa lagama maarmaan ah in dib boorka looga jafo wadaniyaddii iyo is jacaykii ay ku mataanobeen dadka soomaaliyeed,kaas oo abwaanada soomaaliyeed ay ka yiraahdeen(Dhaaxaan murugo iyo harraad mudanee, maantay curatoo mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq).