Home Blog Page 165

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatey xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Samatabixinta Qaranka si looga wadahadlo aayaha iyo masiirka siyaasadeed ee dalka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada, oo ku beegan sannad-guuradii 65-aad ee kasoo wareegtay mideynta gobollada dalka iyo aasaaska Jamhuuriyadda Soomaaliya.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay bandhigga sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, midnimada iyo dowladnimada.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65- guurada xornimada iyo midowga labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfuur ayaa ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport, oo laga hirgelinayo degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhambaal hambalyo ah u diray dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Djibouti, munaasabadda 48-guuradii ka soo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Djibouti awegeed.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee, Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo horay u soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii 2-aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali Guuleed Nuur, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom) ee magaalada Muqdisho.

10- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, iyagoo ka wadahadley adkaynta iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Joachim Waern, oo ay u dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee dalkeena.

12- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee, Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo horay u soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii 2-aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

14- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay xubnaha ka mid noqonaya Guddiga Madaxabaan ee Xuquuqda Aadanaha.

15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shirka 4aad ee Caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta oo sanadkan lagu qabtay magaalada Seville ee dalka Spain.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla Marwo Amina Mohamed, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Dar es Salaam, kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika ee Tanzania, Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo,

18- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ayaa kala saxiixday baaq ku saabsan xoojinta iskaashiga labo geesoodka ee dhinaca duulimaadka rayidka.

19- Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ka qeybgaley daahfurka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Dowladaha Hoose oo ka bilawdey magaalooyinka Baydhaba iyo Dhuusamareeb

20- Shirka Wadatashiga Wasaaraddaha Caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaana diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada iyo mashaariicda caafimaadka.

21- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada.

22- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed bin Maxamed Al-Mowallad.

23- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib u- Dhiska Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee dibadda ee Netherlands, Ms. Pascalia Grotenhuis.

24- Ciidanka ayaa hawlgal ka fuliyay degaanka Guullane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle, iyagoo halkaasi ku dilay laba horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta oo kala ahaa Cali Xabad iyo Maxamed Cadow, kuwaas oo door muuqda ku lahaa hagidda falalka argagixisanimo ee gobolka.

25- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay ayaa waxa uu kulan gaar ah magaalada Seville kula yeeshay Mr. Claver Gatet oo ah Xoghayaha Fulinta Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika.

26- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka qeyb-galay Shirweynaha Madasha Isku Xirka Caalamiga ah “Global Connectivity Forum” oo ka dhacay magaalada Istanbul, Türkiye.

27- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ugu baaqay dhinacyadii ku dagaallamay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud in ay joojiyaan dagaalka iyo daadinta dhiigga, lagulana xisaabtami doono cid walba oo horseed u ahayd colaadda uu dhiiggu ku daatay.

28- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ay wehliyaan dhiggiisa Tanzania ayaa kaga qeybgalay Xuska 65 guurada Maalinta Xornimada Soomaaliya oo lagu qabtey magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

29- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES (Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System), kaas oo hadda si buuxda uga hawlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

30- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira ku tegay furumaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabelle.

31- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax dhigay dib-u-dhiska Laamiga Zoobe ee magaalada Muqdisho.

32- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda UNOPS ee Soomaaliya.

33- Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay degaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ee Dowlad Goboleedka HirShabelle, halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno ka tirsan khawaarijta.

34- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ee hoggaanada, qeybaha iyo fadhiyada madaxa banaan oo looga hadlay xaalada guud ee amniga dalka.

35- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga tacsiyaysay Howlgalka AUSSOM iyo Ciidanka Qaranka Uganda khasaarihii ka soo gaaray diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo dhacdey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

36- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo Kooxda Ilaalinta ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ms. Kirsten Young.

37- Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ku dilay 19 Khawaarij ah degaanka Baqooqaha ee gobolka Jubadda Hoose oo qiyaastii 13km dhanka galbeed kaga beegan Buulo Xaaji.

38- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda Isaaq Maxamuud Mursal ayaa qaabilay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal.

39- Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Dhuxuloow oo qaabilay Safiirka Jarmalka ee arrimaha Soomaaliya.

40- Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa warqadaha aqoonsiga ee danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera.

41- Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaalanka Argagixisada (IMCTC) ee magaalada Riyaad, ayaa qabtay xaflad lagu xusayay 65-guurada Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya.

42- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan ayaa kulan la yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha DIbedda ee Algeria Marwo Salma Bakhta Mansuuri.

43- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya James Swan ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan 65 guuradii ka soo wareegatay maalinta xornimada u diray Soomaaliyeed.

44- Geesiyayaasha degaanka ee Daaru-Nimco ee gobolka Shabeellada Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabelle ayaa hawlgal Ay fuliyeen waxay ku dileen Xamsa Faracadde oo ka mid ahaa horjoogayaasha maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ee degaanada Hirshabelle.

45- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

46- Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qayb galay Shirweynaha 3-aad ee Anshaxa Garaadka Macmalka (Global Forum on the Ethics of AI) oo lagu qabtay Bangkok, Thailand.

47- Wasiiru Dowlaha Qorsheynta ayaa ka qeybgaley Shirka 2aad ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (API).

48- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusf Maxamed Aadan ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Caraabiya u fadhiya Soomaaliya Ahmed Muhammad Al Muwalad.

49- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa u asteysay xilliga qabashada shirweynaha dhamaystirka dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khatumo 10-ka Bisha July 2025.

50- Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dijitaalka ah oo ka dhacday magaalada Geneva ee dalka Switzerland, Madashan ayaa hordhac u ah Shirweynaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dijitaalka ah.

 

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiis is-af-garad u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha caddaaladda, iyo Siyaasadda Qaran ee Socdaalka Shaqada.

Kulanka, ayaa sidoo kale, lagu meel-mariyey heshiis is-afgarad u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Turkiga iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalalka Xeebaha leh ee Afrika, kuna saabsan Iskaashiga Xoojinta Xiriirka Gaadiidka, kaas oo ay Soomaaliya u soo saxiixday Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS.

Kulanka Golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta shirka wada-hadalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta, iyada oo Goluhu bogaadiyey shirkan iyo shirarkii ka horreeyey ee lala yeeshay siyaasiyiinta iyo ururrada diiwaan gashan, kuwaas oo looga tashanayey arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Golaha ayaa sidoo kale, warbixinno la xiriira amniga iyo munaasabadihii dabaaldegga maalmaha xorriyadda, waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga iyo Guddigii ka shaqeynayey dabaal-degga todobaadka xorriyadda, taas oo si weyn looga maamuusay dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyadda Tababbarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ay ku howlan tahay dhismaha ciidan Qaran oo loo dhamaystiray aqoon iyo hoggaamin wanaagsan, si loo xaqiijiyo himilada dowladnimada, taas oo ay saldhig u tahay dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in difaaca dalka iyo xoreyntiisa ay tahay mudnaanta kowaad ee uu leeyahay ciidanku, sidaas darteed Askariga Soomaaliyeed waxa uu leeyahay karaamo iyo mudnaan gaar ah.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay laf-dhabar u yihiin dowladnimo xooggan oo isku filan, sidaasi darteed waa in aad qaadaan masuuliyadeeda, waxa aad u diyaar-garowdaan in aad dalkeenna ka xoreysaan cadowga oo soo celisaan qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha, oo dardaaran u jeediyay ciidanka tababbarka qaatay, ayaa xusay in cutubyadani ay door weyn ka ciyaari doonaan dadaallada dowladdu ugu jirto xaqiijinta amniga dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah oo caqabad ku ah amniga iyo midnimada dalkeenna.

Raiisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, shacabkooda iyo Xukuuumaddooda, dadaalkooda iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda UNOPS ee Soomaaliya, isaga oo kala hadlay dardargelinta mashaariicda dib-u-dhiska waddooyinka caasimadda iyo hirgelinta biyo-mareenno tayo leh, si xal waara loogu helo daadadka, biyo-fadhiisiga iyo caqabadaha ka jira waddooyinka.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeybgaleen shirkadaha ka shaqeeya dhismaha kaabayaasha, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta, si loo xaqiijiyo guul ka timaadda dhismaha waddooyinka iyo biyo-mareennada, maadaama caqabadahaasi yihiin kuwa ugu weyn ee haysta bulshada caasimadda.

Madaxa UNOPS ee Soomaaliya, Mudane Ala’s Namer, ayaa tilmaamay in hawlgalkoodu uu san ku ekeyn dhismaha kaliya, balse ay xooga saarayaan gudbinta karaanka iyo aqoonta dhanka dhismaha kaabayaasha, si loo helo khubaro Soomaaliyeed oo ku filan hirgelinta iyo maaraynta kaabayaasha dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ka qeyb-galay Munaasabadda daah-furka Ololaha diiwaangelinta Codbixinta Deegaannada Koonfur Galbeed.

Munaasabadda diiwaangelinta ayaa waxaa ka qeyb-galay mudanayaal ka tirsan golayaasha Dowladda Koonfur Galbeed, xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen oo noqday Qofkii ugu horeyey ee qaata Shahaada diiwaangelinta Codbixiyaasha ayaa bulshada Koonfur Galbeed kula dardaarmay, inay isdiiwaangelinta ka qeyb qaataan Doorashooyinka Qofka iyo Codka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Joachim Waern oo ay dhammaatay muddo xileedkiisii diblumaasiyadeed ee dalkeenna.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Danjire Joachim, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, iyo arrimaha bini’ aadannimada, Caafimaadka, waxbarashada, iyo la dagaallanka saboolnimada.

Danjire Joachim Waern, oo dhankiisa mahadceliyey kulanka sagootinta ah Ra’iisul Wasaaraha uga,ayaa tilmaamay in muddadii uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen wada-shaqeyn iyo garab istaag.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dowladda Sweden, si danaha shacabka Soomaaliyeed loogu gaaro wax-wada-qabsi iyo iskaashi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u tegay xarig-jarka dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya.

Wasiirka waxaa Garoonka diyaaradaha qeybta VIP-da kusoo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Sheekh Isaaq, masuuliyiinta Safaaradda, safiirro ka tirsan Jaamacadda Carabta, iyo masuuliyiin kale.

Dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa ah mid taariikhi ah, waxaana lagu fuliyay dadaal uu hormuud u ahaa Safiir Maxamed Sheekh Isaaq, oo kaashanaya Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka. Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya yeelato dhismo rasmi ah oo safaaradeed oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa loo aqoonsaday Danjiraha Sanadka ee abaalmarinta Somali Social Media Awards.

Muddo sanad ah ayuu Danjire Awaare hoggaaminayay Safaaradda iyo Ergada Soomaaliya ee Masar, isagoo si weyn kor ugu qaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Taasi waxay keentay in la kordhiyo darajada safaaradda, lana gaarsiiyo xiriirka labada dal heer istiraatijiyadeed.

Abaalmarinta waxaa Danjiraha lagu guddoonsiiyay xaflad ay ka qeyb galeen Xubin ka socotay Madasha Abaalmarinta Somali Social Media Awards iyo Duqii hore ee Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madale).

Danjire Awaare ayaa uga mahadceliyay abaalmarinta, isagoo ballan qaaday inuu sii laba jibbaarayo dadaallada matalaadda dalka iyo kor u qaadidda sumcadda Soomaaliya caalamka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u daah-furtay nidaam cusub oo lagu sugayo amniga xuduudaha uu la wadaago dalalka dariska la ah, kaasi oo loo adeegsanayo qalab casri ah oo Mareykanku ugu deeqay Soomaaliya.

War-Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in qalabkaan casriga ah uu saraakiisha Hay’adda Socdaalka ka caawinayo inay xoojiyaan guud ahaan amniga Qaranka iyo ka hortegidda tahriibinta sharci- darada ah iyo kooxaha Argagixisada ah.

Daah-furka qalabkaan cusub oo ay ku shaqeyneyso Hay’adda Socdaalka ayaa daba socday tababar afar maalmood socday oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo qubaro Mareykanka ka socday ay ku tababarayeen saraakiisha socdaalka Soomaaliya si ay u adeegsadaan Nidaamka Isbarbardhigga iyo qiimeynta Aqoonsiga Gaarka ah (PISCES) oo ah qalab casri ah oo lagu isticmaalo goobaha muhiimka ah ee laga soo galo dalka  gaar ahaan dhanka xuduudaha si loo hubiyo dadka ka soo gudbaya xadka.

“Nidaamkani waxa uu u ogolaanayaa saraakiisha ku sugan xuduudaha in ay ogaan karaan sugnaanshiyaha saxda ah sharciyada ay wataan dadka xadka ka soo talaabaya nuuckasta oo ay yihiin, lana socdaan dhaqdhaqaaqa shakhsiga ah”. Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka socdo shirka caalamiga ah ee maalgelinta horumarinta, Marwo Amina Mohamed, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, taageerada horumarinta dhaqaalaha, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa mashaariicda muhiimka ah ee taageeraya nabadda iyo horumarka dalka.