Maareeyaha Hayโ€™adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Date:

Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter Army ah oo ay lahaayeen Ciidanka Midowga Afrika ay ku dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Diyaaraddan oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle ayaa sidday 8 qof, wuxuuna sheegay in ay dib ka faah-faahin doonaan wixii qasaara ah ee ka dhashay shilkaasi.

Maareeyaha oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay shilkaasi ay ku howlan yihiin kooxaha dab-demiska iyo gurmadka degdegga ah, wuxuuna intaa ku daray in ay haatan socdaan hubinta qasaaraha iyo nadiifinta garoonka lana xakameeyay xaaladda.

Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in duullimaadyadii caadiga ahaa ee iman jiray Garoonka Aadan Cadde iyo kuwii ka bixi jirayba ay socdaan, goobta uu shilka ka dhacayna ay u xireen howlwadeennada loo xilsaaray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...