Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay ayaa waxa uu kulan gaar ah kula qaatay magaalada Seville ee Dalka Spain, ๐Œ๐ซ. ๐‚๐ฅ๐š๐ฏ๐ž๐ซ ๐†๐š๐ญ๐ž๐ญ๐ž oo ah Xoghaya Fulinta Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray horumarada Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyada oo bulshada looga faaโ€™iidaynayo iyo hannaanka isbaddalka qorshaha Qaranka (NTP).

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa is af garad looga gaaray xoojinta xiriirka wada-shaqeynta iyo horumarinta qorshayaasha maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya u dagsan.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo kulamada heer wasiir ee ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo in uu kulamo kala duwan la qaato masuulyiin iyo madaxda ka soo qeybgashay shirka sanadkan, kulamadaas oo dhammaantood ku qotoma horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...