Home Blog Page 167

Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, xuska 65-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyadda iyo midnimada heshay awgeed.

Munaasabadda calan-saarka ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, iyadoo Madaxweynaha uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xuskan taariikhiga ah ayaa ah mid milgo iyo xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna muujinayaa halgankii geesinimada lahaa ee ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen xornimada iyo midnimada dalka.

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

0

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka Sanaag, gaar ahaan agagaarka deegaanka dhul beereedka loo yaqaan Gaacidh.

Dabkan ayaa geystay qasaare xooggan oo dhul beereed ah. Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee l Soomaliland Axmed Isdabar ayaa warbaahinta u sheegay in khasaare gaaray beero gaaraya ilaa 200 oo beerood.

Shacabka deegaanka ayaa codsanaya in gurmad lala soo gaaro maadaama uu dabka samaynayo fiditaan saayid ah, iyadoona hadda ay socdaan gurmadyo kala duwan si loo joojiyo dabkan xowliga ku socda.

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

0

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa maanta hawlgal ku dilay 19 Khawaarij deegaanka Baqooqaha ee gobolka Jubadda hoose oo qiyaastii 13km dhanka galbeed kaga beegan Buulo Xaaji.

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

0

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands, Ms. Pascalia Grotenhuis, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Netherlands.

Kulanka oo ka dhacay magaalada The Hague ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada la xiriira dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, sida:

Mashaariicda dhismaha dekedaha, Garoomada diyaaradaha, iyo wadooyinka muhiimka ah ee isku xira Soomaaliya iyo dalalka dariska ah.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay, Maamulka dhulka.

Horumarinta degmooyinka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa qorsheyaasha la xiriira dib-u-habeynta magaalooyinka.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta, iyadoo mudnaan la siinayo:

Sareynta sharciga, nabadeynta, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada geeddi-socodka doorashooyinka

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Netherlands, waxaana la qorsheynayaa in la qabto kulammo dheeraad ah, si loo mideeyo qorsheyaasha Wasaaradda hawlaha guud iyo barnaamijka horumarineed ee shanta sano ee Wasaaradda arrimaha dibadda Netherlands.

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah oo ka dhacday magaalada Geneva ee dalka Switzerland, Madashan ayaa hordhac u ah Shirweynaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dhijitaalka ah.

Hay’adda NIRA waxay madasha kaga qeybgashay soo bandhigidda guulaha ay ka gaartay hirgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya, kaas oo laf-dhabar u noqonaya adeegyada dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Shirkan waxaa martigelisay Dowladda Switzerland iyadoo lala kaashaday Bangiga Adduunka, ITU, iyo OpenWallet Forum, waxaana diiradda lagu saarayaa horumarinta teknoolojiyadda Aqoonsiga Dhijitaalka ah ee loo dhanyahay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada.

Kulanka ay soo qabanqabisay Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga Iyo Xalka Waara ayaa waxaa ka qaybagalay Agaasimaha Guud ee Xarunta Marwo Zahra Cabdi, Ku Xigeenka Agaasimaha Dr. Abdullaahi Zaahid, Hay’adaha Dowladda Iyo Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera Mashruuca.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali Guuleed Nuur, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wakaaladda Madbacadda Qaranka oo ka mid ah hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dib u hawlgelinteeda waxaa la filayaa inay kaalin mug leh ka qaadato hawlaha la xiriira daabacaadda dukumentiyada kala duwan ee dowladda iyo hawlaha kale ee muhiimka ah ee dalka looga baahan yahay.

Waxaa markii ugu horeysay ay Wakaaladda Madbacadad Qaranka hawlgashey sannadkii 1971-kii, iyadoo door weyn ka cayaartey ka haqabtirka dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee dalka ka jiray dhanka arrimaha daabacadda.

Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa saameeyay wakaaladda oo ka mid noqotey hay’adihii ku burburay colaadihii jiray.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐫𝐰𝐚𝐚𝐪𝐨 𝐚𝐡 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐤𝐮 𝐣𝐢𝐫𝐚𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 𝐚𝐡”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, ayaa sheegay in Wasaaraddan ay ka mid tahay kuwa ugu muhiimsan hiigsiga horumarinta dhaqaalaha dalkeenna, maadaama khayraad badan dalkeennu uu uga imaanayo dhanka badda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in mustaqbalka Soomaaliya horumarsan uu ka iman doono dhanka badda, isla markaana Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ay door muhiim ah ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha dalka maadaama ay hadda kadib yeellan doonto dhisme weyn oo casri ah.

“Dhaqaalaha Buluugga ah waa mid muhiim ah oo la doonayo in Soomaalidu ka faa’iideysato, waanna halka ay ka bilaabmi doonto Soomaaliya barwaaqo ah oo la soo baxda wax-soo saarka badda iyo khayraadka dihan ee dhulkeeda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, waxa uu xusay in laga doonayo dadka Soomaaliyeed in ay degaan dhulka xeebaha ah, dowladduna ay ka hirgalin doonto waddooyin waaweyn oo sahlaya isticmaalka khayraadka badda iyo ka faa’ideysiga dhaqaalaha buluugga ah ee dalkeenna.

 

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir, taasoo sii marta Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta jidadka iyo kaabayaasha suurtogaliya isku-socod hagaagsan, asigoona xusay in aan marnaba la aqbali doonin in dib loo jeexo waddooyinka la dhisaayo ee Magaalada Muqdisho, uuna Maamulka Gobolka Banaadir kasoo saari doono habraacyo ay mari doonaan shirkadaha bixiya adeegyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada caasimadda ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ilaalinta badqabka waddooyinka, bilicda iyo horumarka, si ay caasimaddu u yeelato muuqaal qurux badan oo aanan ka liidan kuwa caasimaddaha kale ee dalalka horumaray.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Ganacsato, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo gaaray dalka Tanzania

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ay wehliyaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo masuuliyiin kale ayaa gelinkii dambe ee maanta booqasho shaqo ku gaaray dalka Tanzania.

Wafdiga oo soo dhowayn diirran kala kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ilyaas Cali Xasan, ayaa qorshuhu booqashadoodu daaran yahay xarig-jarka dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Dar es Salaam oo dib-u-dhis heer sare ah, dayactir iyo qalabayn lagu sameeyay, sidoo kalena wuxuu kaqeyb gali doonaa Xuska 65 sano guurada maalinta Xurriyada Qaranka.

Wafdigani Wasiirrada ah ayaa inta ay joogaan dalkaasi, waxa ay kulamo labo geesood ah la yeelan doonaan dhiggooda, iyaga oo kala hadli doona kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka, iskaashi wadaagga iyo isku-gudubka xorta ah ee muwaadiniinta labada dal.