Home Blog Page 167

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA FALASTIIN U FADHIYA SOOMAALIYA

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda Falastiin usoo magacowday Soomaaliya Danjire Rowaid Adil Mohamed.

Kulanka oo looga hadlay xoojinta xiriirka labada wadan ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka waxa uu safiirka kusoo dhoweeyay Dalka sidoo kalena waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay diyaar u yihiin garab istaaga walaalaha Falastiin.

Taliska Booliska oo soo saaray awaamiir cusub oo lagu sugayo amniga caasimadda

0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa bulshada la wadaagay awaamiir cusub oo lagu sugayo amniga caasimadda oo Taliska Booliska Soomaaliyeed uu soo saaray.

Afhayeenka ayaa sheegay in la farayo Ganacsatada,Shirkadaha aan Dowliga ahayn, Shirkadaha iyo Shaqaalaha ajaanibt in ay qaataan Warqadda dambi la’aanta ee waaxda dambiyada u qaabilsan ee C.I.D.

Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in xogaha la helay ay muujinayaan in Argagixisada lacago ay dhexmarayaan Ganacsatada si looga hortagana loo qaaday tallaabadaan oo dhaqangali doonto

amarkaan ayuu sheegay in uu billaaban doonno 10ka Febaraayo 2025,waxa una sheegay in cidii u hoggaansami weyso awaamiirta ciidanka amniga lala xisaabtami doonno.

“Dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Ajaanibta ah waa in ay qaataan warqadda dambi la’aanta ee C.I.D. sidaas oo kale waxaa Shirkadaha &Ganacsatada la farayaa in ay qaataan warqaddaas, Warqaddaan waxa ay caddeyn u tahay in Ganacsigaas ama shirkaddaas aanay ku lug lahayn kuna jirin maalgelinta Argagixisad”ayuu yiri Afhayeenka Boliiska

Boliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale Hay’adaha caalamiga, kuwa maxaliga ah kaga digay in aysan la macaamili karin shirkad aan wadanin warqada dambi la’aanta.

Gaashaanle Cabdifitax ayaa sheegay in diiwaangelintaan laga doonayo Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ururrada aan faa’iido doonka ahayn, Shirkadaha Isgaarsiinta, kuwa dhismaha, Hoteellada, Duullimaadka, Caafimaadka, guryaha kireeya & kuwo kale.

 

 

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo Muqdisho ka daah furay shir looga hadlayo Barakacayaasha

0

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka mudane Axmed Xuseen Cilmi oo uu wehliyo Wakiila Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa manta Muqdisho ka daah-furay Shirweyne looga hadlayo sidii loo garab istaagi lahaa Qaxootiga, Barakacayaasha, soo laabtayaasha iyo bulshada martida loo yahay.

Sidoo kole Madasha waxaa goobjoog ka ahaa hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo wakiilo ka socday Urur Goboleedka IGAD, sigaar ah waxaa shirka diirada lagu saaray sidii looga taageeri lahaa dhanka shaqo abuurka iyo nolal maalmeedka dadka barakacyaasha ah.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka mudane Axmed Xuseen Cilmi oo daah furay madasha ayaa xusay in shirka ay kasoo bixi doonaan qodobo dhaxal-gal u noqon doona qaxootiga, barakacayaasha, soo laabtayaasha iyo bulshada martida loo yahay, iyada oo diiradda lasaari doono Kobcinta xirfadaha iyo shaqo abuurka dadka nugul.

Mohamed Kaarshe oo ah wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa carabaabay in IGAD ay ka go’an tahay sidii dowladda Soomaaliyeed loogu garab siin lahaa shaqo abuurka, isaga oo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ku ammaanay sida ay ahmiyad weyn u siiyeen dhinacyada Xalalka waara ee Barakacyaasha.

Hadafka guud ee shirkaan ayaa daarnaa sidii loo xoojin lahaa wacyi galinta, dib u eegista balanqaadyadii horay loo sameeyay, taageerada dowladda Soomaaliyeed siinayso shaqo abuurka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ka shaqeenaya xalalka waara Barakacyaasha, Qaxootiga, Barakacayaasha, soo laabtayaasha iyo bulshada martida loo yahay.

 

 

Dab khasaare hantiyeed geystay oo xalay ka kacay suuq ku yaala Hargeysa

0

Dab xoogan oo ka kacay suuqa Idaacadda ee sinta bari ku haya Radio Hargeysa ayay ciidamada dabdamisku la tacaalayeen tan iyo xalay, kaas oo geystay khasaare hantiyadeed oo xooggan.

Ciidanka dabdamiska ayaa goor dambe oo xalay ah ku guuleystay inay damiyaan dabkan ka jacay Suuqa Idaacadda sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, iyadoo aanan wali faah-faahin buuxda laga bixin khasaare rasmiga ah ee uu geystay dabka.

Madaxweynaha maamulka Somaaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro,ayaa goor-dhow gaaray goobahii ganacsi ee uu waxyeelada xooggan xalay u geystay dabka, isagoo warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta tan iyo xalay ku sugnaa halkaas.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala qoraal uu soo dhigay Bartiisa Fecboka ayuu Alle uga baryay gancsatada ku hanti beeshay dabka badal kheer qaba.

“Ilaaheey badal khayr leh ha siiyo muwaadiniinta ku xoolo beelay Dabkii xalay qabsaday Suuqa Gobonimo ee Magaalada Hargaysa, xanuunka ayaan llaqaybsanaynaa”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka

Qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegay in si fudud loo damin karay dabka balse la waayay waddooyinkii la marin lahaa gaadiidka Dab damiska, taasoo keentay in Dabka uu sii faafo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Ismaaciil Siciid Aw-muuse mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar, kadib soo-jeedintii Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha dardargelinta iyo horumarinta kaabayaasha Dekadaha Dalka, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Cali Guudlaawe” Olole weyn ayaa u galeynaa in ay Jowhar noqoto caasimad wax walba u dhan yihiin

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Maamulka Gobalka Shabeellada Dhexe iyo kan degmada Jowhar.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta caasimada Jowhar waxaana lagu gorfeeyay bilicda, dib u soo celinta kaabayaasha dhaqaallaha, dib u dhiska, isku-xirka shacabka iyo Dowladda iyo sidii loogu wacyigelin lahaa Dowlad-wanaaga.

Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay masuuliyiinta kuwaas oo ku aadan shaqooyinka ay iminka hayaan iyo caqabadaha jiro.

“Olole weyn ayaan u qaadeynaa Jowhar waa lagama maarmaan inay noqoto caasimad ay wax walba u dhan yihiin, toddobaadyada soo socda isbeddel weyn oo amniga, bilicda, dhismaha, Waddooyinka iyo Adeegyada Bulshada ayaad ku arki doontaan haddii uu Alle idmo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray Maamulka Gobalka iyo kan Degmada Jowhar in la hirgeliyo qoddobadii shirka lagu gaaray.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐥𝐚 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐪𝐭𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐞𝐞𝐧𝐧𝐚 𝐥𝐚-𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐚𝐧 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐚

0

Muqdisho.(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in hirgelinta Hoteelka iyo Moolka casriga ah ee uu maanta dhagax-dhigay uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana la gaaray waqtigii dalkeenna la maalgashan lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in mashruucan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku fooggan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa uuna xusay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP) ay kamid yihiin hirgalinta maalgashiga, fududeynta howlaha ganacsiga, iyada oo dowladdu sameysay Shuruucdii loo mari lahaa horumarinta dhinacyda faa’iiddada u leh dalka iyo dadka.

“Waxaa farxad ii ah in aaan maanta joogno dhagax-dhigga mashruuc weyn oo muhiimad gaar ah u leh bulshada, gaar ahaan horumarinta dhaqaale, shaqo abuurka iyo bilic soo celinta caasimadda, lana jaanqaadaya suuqyada adduunka, tan oo ah tallaabo wax-ku ool ah in shirkadaha caalamiga ah ay maalgashi ku sameeyaan dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey doorka ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo maalgashiyada kala duwan ee dalkeenna u horseedaya horumarka, isaga oo dhiirigeliyey in laga faa’iideysto fursadaha maalgashi ee dalkeena ka jira, kuwaas oo horseedyada in dalku uu gaaro isku filnaansho dhan walba ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga & Barakacaayasha Qaran iyo Madaxa IOM ee Soomaaliya oo kulmay

0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka mudane Axmed Xuseen Cilmi oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka hay’adda Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa maanta xafiiska NCRI ku qaabilay Madaxa Hay’adda IOM Soomaaliya Mudane Manuel Marques Pereira iyo kuxigeenkiisa Marwo Murima Prestage.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada Hay’adood iyo sidii loo mideyn lahaa dadaalada lagu yareeynayo waxyaabaha abuura Barakaca iyo Tahriibka sida, collaadaha, isbadalka cimilada iyo saboolnimada.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa Madaxda IOM ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan garab istaagga dadka Soomaaliyeed ee danyarta ah iyo Qaxootiga ku sugan gudaha dalkeena.

 

Hamas oo sii deysay maxaabiis iyo Israel oo laga sugayo 183 ruux

0

Maamulka Xamaas ayaa ilaa hadda sii daayey laba ka mid ah saddex maxbuus oo Israa’iili ah,kuwaas oo ku wareejiyay hey’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah.

Saddexda maxbuus ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ofer Kalderon, Keith Siegel iyo Yarden Bibas,waxaana 2 lagu dhiibay Koonfurta Gaza,halka kan sadexaad la tilmaamay in isna lagu dhiibi doono Woqootiga Gaza.

Warar ayaa sheegay in maanta galinka dambe la sii deyn doono 183 maxbuus oo falastiiniyiin ah ,kuwaas oo in muddo ah ku jiray xabsiyada Israel.

Is-dhaafsiga maxaabiista ayaa imaanaya xilli ciidamada Israa’iil ay sii wadaan howlgallada militari ee ay ka wadaan Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday xeryaha qaxootiga ee Jenin , Tulkarem iyo goobaha gabbaadka u ah bulshooyinka Falastiiniyiinta.

Howlgalada Israel ee u dambeeyay waxaa lagu dilay in ka badan labaatan qof laga soo bilaabo todobaadkii hore.

Dhinaca kale,Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 50 Falastiiniyiin ah oo u baahan daaweyn dhanka dibadda ah loo ogolaan doono inay ka baxaan Qaza iyaga oo sii maraya marinka Rafah ee dhaca Masar.

Madaxweynaha Namibia oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya u fadhin doona dalkaas

0

Madaxweynaha Dalka Namibia Dr.Nangolo Mbumba ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Ambassador Maxamed Isaaq Ibraahim oo JFS u fadhin doono dalkaas.

Munaasabad Kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada dalkaasi ayuu Danjire Maxamed Isaaq warqadaha ku guddoonsiiyay madaxweynaha dalkaas.

Danjire Maxamed waxa uu sidoo kale gaarsiiyay salaan uu ka waday Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.