Home Blog Page 1652

Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa soo saarista lacago cusub

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudan Xasan Cali khayre  ayaa  kormeer  shaqo ku tagay  Bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta si uu hubiyo  qaabka ay  ugu adeegaan bulshadda.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa maamulka  Bankiga dhexe ee Soomaaliya  kala hadlay  soo saarista  lacag cusub oo dalku yeesho , tayeynta  shillinka Soomaaliga iyo qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo dhibaatadda  dhaqaale ee ka dhalan karta  adeegsiga lacagaha  been abuurka ah  ah.

Sidoo kale intii uu kormeerkiisa ku jiray Ra’iisul Wasaaraha wuxuu tagay Wasaaradda  Batroolka iyo Macdanta halkaasi oo warbixin kaga dhageystay mas’uuliyiinta wasaaradda taasi oo ku saabsan sida ay u socdaan howlaha wasaaradda.

Dhinaca kale Ra’iisul Xasan Cali Khayre ayaa   qeyb kamid ah   waqtiisa shaqadda siiyey in uu  muwadininta Sooomaaliyeed  uga jawaabo  talooyin  iyo tusaalooyin  ay ku soo diren Email  loogu talagalay   in dadka Soomaaliyeed ay ugu soo diraan talooyinkooda.

Mudane Xasan Cali khayre ayaa dadkii u soo diray fariimaha  si caadi ah ugu jawaabayey isla markaana u sheegayey in Dowladdu ay ku shaqaynayso  Aragtidooda wanaagsan.

Wasaaradda Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Aqoonyahanada Soomaaliyeed

0

Kulan wadatashi ah oo u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii ay Wasaaradda u dhageeysan laheeyd talooyinka Aqoonyahanada ee ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Aqoonyahnada ay kaalin weyn uga banaantahay ka qaybqaadashada Geedi-socodka.

“Aqoonyahanada waa indhaha iyo maskaxda bulshada, waxaa Geedi-socodka idinkaga banaan kaalin ballaaran oo ay tahay in aad buuxisaan; Wasaaraddu waxa ay mar walba diyaar u tahay in ay idiin dhageeysato” ayuu yiri AVV Cabdi Xoosh.

Sidoo kale Wasiirka isaga oo ka hadlayay muuhimadda ay leeyihiin kulamada wadatashiga ayuu yiri “Kulamada noocan oo kale ah waxa ay muhiim u yihiin in Geedi-socodka uu noqdo mid ka qaybgalkiisu loo dhanyahay oo daah-furnaan ku saleeysan; Waa labadaa mabd’a waxa ay Wasaaradda ku shaqeyneyso”.

Ugu damabeyn, Mudane Xoosh ayaa ka codsaday Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kulanka ka soo qaybgalay in ay marwalba talooyinkooda la wadaagaan Wasaaradda.

—–DHAMAAD—–

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sagootiyay Safiirka Sweden oo muddo xileedkiisa shaqo ay ka idlaatay”

0

 Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa munaasabad saagootin ah loogu qabtay Safiirkii dalka Sweden Mr. Mikael Lindvall oo muddo gaaraysa 5 sano ka shaqaynaayey dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiisha Madaxtooyada ayaa Safiirka qado sharaf kula qaatay Aqalka Madaxtooyada.

“Dawladda Soomaaliya waxay uga mahad-celinaysaa Safiir Mikael Lidvall kaalinta mugga lahayd ee uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal intii uu hayey xilka Safiirnimo. Sidoo kale, dadaaladii ay ku bixisay Safaaraddu hawlaha gargaarka iyo arrimaha bulashada.” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar.

Safiirka Dalka Sweden Mr. Mikael Lindvall ayaa sheegay sida uu ugu faraxsanyahay wada shaqayntii iyo garab istaaggii uu ka helay Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed muddadii uu ka shaqaynaayey Safaaradda Dalkiisa, sidoo kale waxa uu ka warbixiyey qaar ka mid ah Mashaariicda dhawaan ay fulin doonto Safaraaddu. “Waxaan la bilaabaynaa Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka ah mashruuc cusub oo lagu tayeynaayo Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka kaasoo Dowladda Sweden ay ku maalgalindoonto lacag gaaraysa 8.5 Malyan oo Doolar”.

Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa guddoonsiiyey Safiir Mikael Lidvall walxo ka mid ah Agabka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed




Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Urrurada Bulshada Rayidka ah.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan hal mar bishiiba la qabto la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, kaasoo looga hadlo isbadelka dalka iyo sida shacabka Soomalaiyeed ay uga qayb qaadan karaan horumarka iyo xasillinta amniga Caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ka soo qayb galayaasha kulanka inuu ugu yeeray sidii uu ugala tashan lahaa xaaladda uu dalka ku jiro iyo sida ugu habboon ee horumar lagu gaarsiin karo dalka, maadaama bulshadda Soomaaliyeed la’aantood aan la soo gaareen meesha maanta ay joogto dawladnimadu.

“Waxan idinka codsanayaa inaad si dhow ula shaqeysaan dawladdiina si meesha looga saaro cidda aan ku farxsaneyn qaranimadeena iyo kuwa caadeystay dhiigga shacabkeenna qiimaha badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Qaar kamid ah ka soo qeyb galayaasha kulanka ayaa soo jeediyey in la dardargaliyo sugidda amniga Muqdisho, si loo furo waddooyinka xiran oo shacabku ay dhib ku qabaan xiliyada ay marayaan, sidoo kalena waxay cadeeyeen in amni daradu ay saameyn ku yeelatay Ganacsiga iyo isku socodka dadka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa tilmaamay in shacabka Soomaliyeed ay ku adag tahay aaminaada madaxdooda, taasina waxay meesha ka saartay wada shaqeynta dawladda iyo shacabka,haddana loo baahan yahay sidii aan u heli lahayn kalsoonida shacabka.

DHAMMAAD

Ra’isulwasaare ku-xigeenka oo xariga ka jaray mashruuca balaarinta Dhageysiga Radio Muqdisho

0

Si  kor loogu qaado wacyi galinta bulshadda ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo kaashanaysa Qaramada Midoobey waxa ay ku guuleysatay inay hawada geliso FM 5.000 oo Waad ah kaasoo cod baahiyaha Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya gaarsiinaya si toos shanta Gobol Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiiro, Xildhibaanno, Mas’uuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Benaadir iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa xafladda daahfurka mashruuca balaarinta Raadiyaha Qaranka..

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay in sare u qaadidda tayada Idaacada ay muhiim u tahay bulshada, waxaana uu intaa ku daray in tallaabadan ay xoojineyso in bulshada Soomaaliyeed ay gaarto siyaasadda dowladda.

Wasiirkii hore ee warfaafinta C/qaadir Xuseen Maxamed Jahaweyn ayaa bogaadiyay horumarka Radio Muqdisho iyo Warbaahinta Qaranka .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusf Al-cadaala iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis waxa ay si wadajir u sheegeen in balaarinta dhegeysiga  Radio Muqdisho ay muhiim u tahay la dagaallanka afkaarta qaldan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow waxa uu tilmaamay in Wasaaradda ay kordhinayso howlaha kor loogu qaadayo wacyi gelinta bulshada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo daah furay mashruuca balaarinta Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda waxa uu  ku tilmaamay tallaabo hore oo loo qaaday .

1951 dii ayaa la aas aasay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda waa uu door ku lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya kaddib burburkii Soomaaliya iyo waqtigan lagu guda jiro dib u soo kabashada dowladnimada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhagax dhigay dayactirka Buundada Degmada Qoryooley

0

Buundada Degmada Qoryooley waxa ay muhiim u tahay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha  qeybo ka mid ah gobolada dalka waxaana ka muuqda bur bur xoog leh  buundada ma helin wax dayac tir ah sanado badan.

Maleeshiyada shabaab ayaaa dhowr jeer isku dayay in ay jaraan buundada si isku socodka gaadidka iyo dadweynaha ay u istaagan hasa ahaate maamulka degmada iyo dadka shacabka ah oo isgarbsanaya ayaa ka hortagay.

Guddomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa dhagax dhigay buundada Degmada Qoryooley  waxaana ku sugnaa goobta dhagax dhigista  Maamulka Degmada iyo masuuliyin ka tirsan maamulka gobolka shabellaha hoose.

Gudoomiye ku xigeenka  Amniga Degmada Qoryooley ayaa shegay in buundada ay dhisanthay sanado badan  burburka  ku yimidna ay sababtay in ay istaagan isku socodka gadidka iyo dadweynaha.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Ibraaahim Aadan Cali Najax ayaa Markii uu dhagax dhigay kadib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in buundada  aysan in mudda helin dayactir maamulka gobolka shabellaha hoose uu bilaabayo dayactirka buundadan isagoo  maamulada Degmooyinka Gobolka Shabellah Hooose ugu baqay in ay nabada iyo isdhaxgalka  bulshada ay ka shaqeyan.

Gudoomiyaha Gobglka Shabellaha Hoose iyo masuuliyinti la socotay ayaa kormeeray biya xireen ku yaala Degmada Qoryoley iyadoo maamulka degmada Qoryooley  Gudoomiyaha  Gobolka warbixin ka siiyen sida uu  u shaqeyo biya xirenka  maamulka gobolka ayaa degmada qoryooley waxa uu ka hirgelinayaa  leerarka ku shaqeya cadceeda si xiliyada habeenki u u shaqeyo ganacsiga iyo isku socodka dadka.

Haweeneydii ugu horeysay ee duuliye ka noqoto Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

0

Asli Xasan Nuur  Cabaade waa mid ka mid ah mawaadiniin taariikhda Soomaaliya ka dhex muuqda had iyo jeerna lagu xasuusto in astaan ku dayasho mudan ay u tahay Qaranka maanta ayay ku soo laabatay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana si diiran u soo dhaweeyay haweenka qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Asli Xasan waxa ay noqotay taariikhda gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ah oo diyaarad duulisay waxaana ay xubin fir fircoon ka ahayd duuliyaashii ciidanka cirka Soomaaliya bur burkii dowladii milatariga ka dibna Asli waxaa ay ololeeye u ahayd nabad iyo isu keenida bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed marwo Batuulo Axmed Gabale ayaa ka hadashay soo dhaweynta ay maanta u sameeyeen Asli Cabaade.

Asli Xasan Nuur  ayaa si qiiro ku jirto ugu mahad celisay dhamaan bulshada ka qayb qaadatay soo dhaweynteeda.

Bishii September 1976dii ayay Asli Xasan Nuur kicisay Diyaaradii ugu horeysay oo nuuceedu ahaa sasna 150 in ay duuliye noqotana waxaa ay u gashay dadaal aad u balaaran Asli waxaa ay ku soo kortay Xerada Ciidammada Cirka ee Afasyooni kaliya qooskeeda asli xubno ka tirsan ayaa asli ku wehliyay ciidanka xoogga sida Caasho Xasan Maxamed Xasan iyo Maxamuud  sidoo kale labada waalid ee Asli waxaa ay ka mid ahaayeen ciidammada  mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa ay ku nooleed gobolka texas ee dalka mareykanka waxaana ay asli wali diyaar u tahay in ay u shaqeyso Qaranka oo ay soo saarto duuliyaal cusub.

R/Wasaaraha Soomaaliya oo maanta dadweyne kula kulmay degmada Boondheere

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka duulaya qorshaha xukuumadda eek u aadan u adeegista shacabka  ayaa galabta  tagay mid kamid ah maqaayadaha kuyaala degmada Boondheere ee magaalada halkaasi oo uu kula kulmay dadweyne kaladuwan.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya   ayaa  shacbkii uu lakulmay weydiinayay aragtida ay ka qabaan waxqabadka Dowladda,isagoo sidoo kale dhageystay warbixino ku aadan talooyin ay u soo jeediyeen Dowladda.

“Qaar kamid ah dadweynihii uu lakulmay ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri” waan ku faraxsanahay booqashadaada mudane ra’iisul Wasaare, ma filaynin waana ku soo dhaweyneynaa, waxaan ka codsanaynaa xukuumadda in ay si hufan ugu adeegto shacabka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Cali khayre ayaa kormeer kadis ah ku tagay  wasaardaha  Cadaaladda , iyo Awqaafta iyo arimaha diinta isagoo u kuurgalayay haubak ay u socdaan howlaha shaqo ee Wasaaradahaasi ay u hayaan bulshada.

Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa ra’iisul Wasaaraha u soo bandhigay sharciyo ay diyaarisay Wasaaradda kuwaasi oo kamid ah shuruucda ay Xukuumaddu u gudbinayso Baarlamaanka Soomaaliya.

Muwadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay qeybo ka mid ah Dalka Koofur Afrika

0

Falalkan Weerka ah ee lagu dilay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysanayey dalka koofurka afrika ayaa ka kala dhacay labo magaalo oo ku kala yaal dalka Koofur Afrika , waxaana 24kii  Saac ee u danbeysay lagu dilay dalka Koofur afrika Labo Muwaadin oo Soomaali ah.

Weerarka Koowaad ayaa Waxaa lagu dilay AUN Nuur Cismaan Nuur oo ka mid ahaa ganacsataddii goobaha Ganacsiga ku lahaa agagaarka Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur afrika.

Sidoo kale Magaalo ku dhaw xadka Koofur Afrika iyo dalka Musanbiig  ayaa lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayey Maxamed Xuseen Gacal oo noqonayo Muwaadinki labaad ee Soomaali ah oo 24 saac gudahood lagu dilo Koofur Afrika.

Bangiga aduunka oo kordhinaya lacagtii uu ku kabi jiray mushaaraadka shaqaalaha dowladda

0

Muqdisho, 19, July, 2017….Wasiiru dowlaha W. Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdullahi Sheikh Cali Qalocow ayaa shir la yeeshay wafdi uu hogaaminayo wakiilka Soomaaliya ee u qaabilsan Bangiga Aduunka, waxayna ka wada hadleen dar dargalinta howlaha shaqo uu Bangigu ka hayo Soomaaliya.

Shirkaan oo daba socday shirar hore ayaa lagu falanqeeyey kordhinta lacagta ay ku kabaan mushaaraadka shaqaalaha oo ahayd $ 700,000 kun bihsii, ayaa hada Bangiga Aduunku go’aamiyey in laga dhigo $ 1,700,000 oo dollar bishii, laga bilaabo bishaan aan ku guda jirno.

Kabidda mushaarka shaqaalaha rayidka ah ayaa waxaa ayaa waxaa ku xiran fulinta shuruudo ay isla qaateen Bangiga Aduunka iyo dowladda Soomaaliya taas oo ah in lagu socdo nidaamkii Hagaajinta Maamulka iyo Maaliyadda (PFM) oo soo bilowday sanadkii 2013-kii, waxaana bil kasta si wada jir ah laysula eegayaa waxa ka qabsoomay shuruudahaas, oo hadii la fulin waayo ay dhici karto in ay hakato.

Bangiga Aduunka ayaa ka wada mashaariic kala duwan dalka kuwaas oo badankooda hoos yimaadaan wasaaradda maaliyada, mashariicda ayaa isugu jirta dib u habaynta shaqaalaha dowladda, dayactir iyo dhisida xarumaha dowaladda, kabida mushaaraadka oo ay ka fa’iidysanayaan maamul goboleedyada, iyo kor u qaadida tayada Hay’adaha dakhliga  ee Dowladda iyo kuwo kale oo badan.