Wasaaradda Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Aqoonyahanada Soomaaliyeed

Date:

Kulan wadatashi ah oo u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii ay Wasaaradda u dhageeysan laheeyd talooyinka Aqoonyahanada ee ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Aqoonyahnada ay kaalin weyn uga banaantahay ka qaybqaadashada Geedi-socodka.

โ€œAqoonyahanada waa indhaha iyo maskaxda bulshada, waxaa Geedi-socodka idinkaga banaan kaalin ballaaran oo ay tahay in aad buuxisaan; Wasaaraddu waxa ay mar walba diyaar u tahay in ay idiin dhageeysatoโ€ ayuu yiri AVV Cabdi Xoosh.

Sidoo kale Wasiirka isaga oo ka hadlayay muuhimadda ay leeyihiin kulamada wadatashiga ayuu yiri โ€œKulamada noocan oo kale ah waxa ay muhiim u yihiin in Geedi-socodka uu noqdo mid ka qaybgalkiisu loo dhanyahay oo daah-furnaan ku saleeysan; Waa labadaa mabdโ€™a waxa ay Wasaaradda ku shaqeyneysoโ€.

Ugu damabeyn, Mudane Xoosh ayaa ka codsaday Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kulanka ka soo qaybgalay in ay marwalba talooyinkooda la wadaagaan Wasaaradda.

โ€”โ€“DHAMAADโ€”โ€“

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale