Home Blog Page 1651

Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay Gobolka Sanaag

0

Dagaalkan oo u dhexeeya maleeshiyo beeleed ayaa dib uga soo cusboonaday degmada Ceel-Afweyne ee gobolka Sanaag kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay Lix qof ayaa ku geeriyootay  18-kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi oo shalay ilaa fiidnimadii xalay ka socoday halkaasi”sida uu sheegey guddoomiyaha maamulka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkaasi uu salka ku hayo muran ka dhashey dhul daaqsimeed, waxaana uu daba socda dagaal sanadkii la soo dhaafay gudihiisa uu halkaasi ku dhexmaray labadan beelood ee wada dega degmadaasi Ceel-Afweyne.

Waxaa soconaya dadaalo lagu joojinayo dagaaladaasi,waxaana ka qeybqadanaya maamulka gobolka kan degmada, culimaa’udiin iyo qeybaha bulshada.

Dagaalkaasi ayaa saameeyey isu socodka iyo nolosha bulshada, waxaana jira barakac farabadan oo ay sameynayaan dadka deegaanka.

Madaxweyne Farmaajo “Waa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojiyo dagaalka ka socda Xeraale ”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka kataagan agagaarka deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in colaaddaan ay tahay arrin foolxun, nasiib darro ah oo aan loo dulqaadan karin in ay sii socoto.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo colaadan,waxa uuna intaas raaciyey in deeganadaas loo dirayo guddi soo baara sababaha keenay dagaalkaas iyo dhibaatada ka dhalatay.

Madaxwaynaha oo ka hadlayey tallaabooyinka deg-dega ah ee ay dowladdu qaadayso ayaa yiri “ Dowladda indhaha kama fiirsaneeyso, umana dulqaadan doonto in ay colaadda sii socoto, dadkeenna aan waxba galabsanna lagu sii dhibaateeyo. Deegaanka colaaddu ka dhacday waxaan u dirayaa guddi xaqiiqo raadin ah kuwaas oo soo baara sababaha dhabta ah ee kiciyay colaadda.”

Madaxwayne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan eheladii iyo qarabaadii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu laayey dagalaaka ka dhacay deeganaadaas.

Guddoonka Golaha shacabka oo warbixin ka dhageystay guddiyada joogtada ah

0

Kulankii  6-aad  ee guddiga joogtada ee Golaha shacabka JFS ayaa waxaa shir guddoominayay  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ waxaana ajendaha kulanka uu ahaa isxog-wareysi ku saabsan hagidda iyo isku dubaridka howlaha gudiyada Golaha Shacabka.

Waxaa kulankaasi ka soo qeybgalay  guddoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudey iyo xubnaha guddiyada joogtada ah.

kulanka  intii uu socday ayaa guddoomiyaasha guddiyada Golaha Shacabka waxa ay ka warbixiyeen guddi walba kulamadiisi ugu dambeeyay iyo waxa u qabsoomay.

Xog-haye ku-xigeenka Golaha Shacabka Maxamed C/llaahi Ciyow ayaa kulanka kadib warbaahinta qaranka u faah faahiyaay waxyaabihii ka soo baxay.

“Kulanka ay isugu yimaadeen guddiyada joogatda ah ajabdihiisa wuxuu ahaa  isxog-wareysi ku saabsan hagidda iyo isku dubaridka howlaha gudiyada Golaha Shacabka,”waxaana la isku dhaafsaday aragti ku aadan sida loo wajihi karo dardargelinta howlaha horyaala guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka.

Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala howlo badan oo ay kamid yihiin sharciyo dhowr ah oo XFS ay u soo gudibisay golaha shacbka.

Natiijada Imtaxaanadkii shahaadiga ee Dowladda oo la shaaciyay

0

Ku dhawaad  16,000 (lix iyo toban kun) oo ardey oo ka mid ah ardayda sanadkan u fadhiisatay Imtixaanka shahaadiga ee Wasaaradda Waxbarashada ay ka qaaday ardayda dugsiyada sare ee dalka ayaa la sheegay inay ku baaseen  Imtaxaanka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanka ku baastay ku dhawaad 16,000 oo arday,

“Tirida imitixaanka ku baastay sanadkan waa 15, 356 arday, 5,094 ay gabdho yihiin halka 10,262 ay wiilal yihiin” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Waxbarashada  Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in uu qorshaha imtixaanka ee sanadka uu ahaa inay u  fariistaan  ilaa iyo 23,000 (saddex iyo labaatan kun) oo ardey  laakiin waxaa  imtaxaanka ka qeybgalay  oo u suurta gashay , 18,239 (sideed iyo toban kun, labo boqol, sodon iyo sagaal) ardey,

“23,000 waxa ay ahayd intii is diiwaangelisay, balse waxaa sanadkan imtixaanka u fadhiistay 18,239 arday, inta kale waa ay u suurta geli weysay inay imtixaanka galaan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Soomaaliya.

Tabanka ardey  ee  kaalimaha hore ka galay Imtaaxnka shahaadiga ee sanadkan ayaa waxaa Dowladda Soamaaliya siisay deeqo waxbarasho oo dalka dibadiis ah  sida uu sheegay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khader)

“Tobanka arday ee ugu sareysay waxa ay dowladda siineysaa deeqo waxbarasho oo dibadda ah, oo weliba u cuntama, tikidkiisa iyo noloshiisa dowladda ayaa qabta Insha Allah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Liiska tobanka hore

Dood cilmiyeed ku saabsan doorka dhalinyarada oo ka dhacay Degmada Dharkeynley

0

Dood cilmyeedkan waxaa soo qabanqaabiyey dhallinyarada G/Benaadir, waxaana soo buux dhaafiyey dhallinyaro aad u fara badan oo ka kala timid afarta Degmo ee Galbeedka Muqdisho ee kala ah Dharkeynley oo ah martigeliyaha kulankan, Wadajir, Kaxda iyo Deyniile.

Dood cilmiyeedkan waxaa kasoo qeybgalay guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Mudane C/raxmaan Siid cali xuseen, guddoomiyaha dhalinyarada G/Benaadir Mudane C/kaafi Maxamuud Makaraan iyo dhallinyarada heer gobol, guddoomiayayaasha dhallinyarada afarta degmo iyo bahda saxaafadda.

Ugu horreyn, waxaa kulanka ka hadlay guddmiyaha dhallinyarada Degmada Dharkeynley C/casiis Xuseen Maxamed oo mahadcelin kadib sheegay in dhallinyarada ay tahay awood dhan kastaa loo isticmaali karo, wuxuuna ku muujiyey hab suugaaneed.

Guddoomiyaha dhalinyarada Gobolka Benaadir  C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ay ku dhacdo dhallinyarada, loona baahanyahay in dhallinyaradu u istaagaan amniga iyo horumarka dalka, sidoo kale wuxuu sheegay dhallinyarada maanta kulankan fadhisa inuu ka imaanayo maslaxaddii dalka lagu hagaajin lahaa, wuxuuna ku dhiirigeliyey iney lagama maarmaan tahay in ay wadashaqeeyaan dhallinyarada iyo hey’adaha amniga.

Guddoomiye Makaraan ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhallinyarada iney iska dhaafaan tahriibka ayna ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka heysta maanta.

Guddoomiyaah degmada Dharkeynley Mudane C/raxmaan Siid Cali Xuseen ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu martigeliyo kulankan, uuna dhallinyarada gacan ka siinayo iney u adeegaan dalkooda iyo dadkooda.

Ugu dambeyn dood cilmiyeedkan waxaa kooxo loo sameeyay dhallinyaradii kasoo qeybgashay waxaana la weydiiyey su’aalaad dhallinyarada ku saabsan, waxaana kasoo baxay jawaabo xal u noqon kara dhibaatooyinka dhalinyarada heyta maanta.

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimaha amniga, hindise sharciyeedyada, waxqabadka wasaaradaa Gargaarka iyo arrimo kale

0

Muqdisho, 20 July 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, hindise sharciyeedyada, waxqabadka wasaaradda Gargaarka iyo arrimo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiirada Amniga, Difaaca iyo Taliyeyaasha Booliiska iyo Nabad-Sugida ka codsaday inay warbixin ka siiyaan golaha xaalada amniga. Howlgallada xasilinta amniga iyo howlgalka militariga ayaa si wanaagsan u socda dalka. Deegaanka Kuunyo-Barrow ee Jubbaland ayaa12kii ilaa iyo 15kii July lagu dilay ilaa 90 maleeshiyaadka argagaxisda ah. Warbixino faahfaahsan ka dib Golaha Wasiiradu waxey u mahadceliyeen hay’adaha amniga kuna dhiirigeliyeen inay sii laba-laabaan horumarka ballaaran ee xasilinta amniga, waxeyna si gaar ah ugu mahadceliyeen shacabka Soomaaliyeed doorkooda xasilinta dalka oo muhiim u ahaa horumarka ballaaran ee laga sameeyey dhanka amniga.

Golaha Wasiiradu waxey u mahadceliyeen Maamulka iyo shacabka Jubbaland sidii hagar-la’aanta aheyd oo ay u soo dhoweeyeen kulankii usbuucii hore ee ka dhacay Kismaayo.

Golahu waxey warbixin ka dhageysteen guddi heer wasiiro ah oo loo saaray hindise sharciyeedka Jinsiyadaha, dood dheer ka dibna waxaa la isla gartay muhiimada sharcigan uu u leeyahay dalka gaar ahaan doorashooyinka. Sharcigan ayaa dhowraya xaquuqda muwaadinka, midnimada, wadajirka iyo ka hortaga faquuqa. Waxaana laga codsaday wasiirada inay waxii talo iyo fikir ah soo gudbiyaan sida ugu dhaqsiyada badan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada soo dhameystirka hindise-sharciyeedyada muhiimka u ah dawlad wanaagga, iyadoo laga duulayo khudbadii Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaarahu waxuu faray dhammaan wasiirada inay sida ugu dhaqsiyada badan u soo gudbiyaan hindise-sharciyeedyada si loogu gudbiyo baarlamaanka.

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisey safar shaqo oo ay ku tagtey Roma iyo Geneva oo ay sheegtay in labada shirba ay muhiim u ahaayeen dalka Soomaaliya. Wasaarada Gargaarka ayaa waday wadatashi lagu diyaarinayey siyaasadda gargaarka oo si fiican u qabsoomay. Sidoo kale Wasaaradu waxey soo bandhigtay waxqabadkii wasaaradda oo iyadoo kaashaneysa hay’adaha gargaarka lagu guuleystay in la xakameeyo in dalka macluul ka dilaacdo iyo ka hortag laga sameeyey faafka cudurada dilaaga ah, welina waxaa la wadaa dadaal weyn.

Wasiirka Gaadiidka ayaa golaha wasiirada ku wargeliyey in qiimeyntii ay dawlada Kenya ka sameysey nidaamka garoonka diyaaradaha ee Aden Adde inay soo gudbiyeen in garoonka uu u dhamestiranyahay dhammaan shuruudihii airport caalami ah laga rabey. Sidoo kale Hay’ada Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa ku guuleysatay in qalabkii lagu hagayey diyaaradaha la keenay oo lagu rakibey xarunta hay’ada ay ku leedahay garoonka diyaaaradaha ee Aden Adde.

DHAMMAAD

Maleeshiyada Al-Shabaab oo badeeco ganacsi ku gubey duledka degmada Waajid ee gobolka Bokool.

0

Wararka ka imaanaya gobolka Bokool ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan argigixisada Alshabaab ay gubeen badeeco u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed taasi oo loo waday degmada Waajid ee gobolka Bokool.

Badeecadan ganacsi oo ay debka qabad siiyeen koxda Shabaab ayaa laga keeney magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaana loo wadey deegaanada gobolka Bokool.

Wariyaha warbaahinta qaranka ee gobolka Bokool Max’ed Xasan C/raxmaan ayaa ku soo waramaya in falkaasi uu ka dhacay deegaanka Doon-Fuul oo qayaas ahaantii 25 ilaa 30 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bokool.

Argigixisada Shabaab ayaa jir dil u geystay mid kamid ah dadkii la socoday badeecadaasi agancsi oo saarneyd kareetooyin kaasi oo weli gacanta ugu jira maleeshiaydaasi Shabaab, waxaana halkaasi ka baxsaday ganacsatadii kale oo la socotay.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xiriir kala sameysay maamulka gobolka iyo saraakiisha balse, weli wax war ah kama helin.

Qaar kamid ah dalalkii xayiraadda saaray Qadar oo raadinaya xal diplomaasiyadeed

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Diplomaasiyiin ka kala socda Sucuudiga, Imaaraatka, Baxrayn iyo Masar ay warfidiyeenka ugu sheegeen xarunta Qaramada Midoobay in ay haatan doonayaan in Qatar fuliso lix qodob oo oo waaweyn.

Waxaa kamid ah Qodobada la dagaalanka argagixisada iyo xag jirka iyo in ay joojiso talaabooyinka carinta iyo kicinta ah oo ay waddo Dowladda Qadar.

Danjiraha Sucuudiga u fadhiya Qaramada Midoobay, Cabdullah al-Mucallimi, ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibadda ee dalalkoodu lixdan qodob ee cusub isku raaceen markii ay ku shireen Qaahira 5 July.

Ilaa iyo haatan majiraan wax jawaab ah oo ay bixisay Xukuumadda Doha oo ku aadan warkaasi ka soo baxay diplomaasiyiintaasi, balse waa ay beenisay in ay taageerto argigixisada.

Kadib shir jaraaid oo  ay ku qabteen magalaad Newyork , Diblomaasiyiinta ka socday afarta dal waxay warbixinta ay ku sheegeen in ay doonayaan in xal diolomaasiyadeed lagu dhameeyo dhibaatadasi taagan.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo ka hadlay diidmada lacagaha shillin Soomaaliga

0

Mas’uuliyiinta sare ee dowlada goboleedka Galmudug ayaa war ka soo saaray dhibaatooyinka ka taagan lacagaha shillin Soomaaliga ah, abaaraha iyo dagaalo ka soo cusboonaaday deegaannada maamulka, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato sidii wax looga qaban lahaa arrimahaasi.

Shirjaraa’id uu ku qabtay magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah Galmudug Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa waxaa uu kaga hadlay dhibaatooyinka ka dhashey isticmaalka lacagaha shillin Soomaaliga ah oo deegaanada Galmudug laga diiday iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

“Shirkan jaraa’id waxaan u qabtay in aan ka jawaabno xaaladaha kataagan deegaanada Galmudug,waxaan ka codsanaynaa dadka qurba joogta ah iyo ganacsatada in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha, iyo in laga wada shaqeeyo xal u helista diidmada lacagaha shilin Soomaaliga ah, sidooo kale waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanada Galmudug”ayuu yiri Madaxweyen kuxigeenka Galmudug.

Hadalkani ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa imaanaya, ayadoo muddooyinkii ugu dambeyeey deeganaad Galmudug ay ka taagnaayeen xaalado adag kadib markii ganacsatadu ay diideen in ay qaatana lacagaha shillin Soomaaliga ah.

Suuqyada magaalaad Gaalkacyo iyo deegaano kale oo katirsan Galmudug ayaa laga diiday qaadashada lacagaha shillin Soomaaliga ah taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha bulshada.

Dhallinyaro la baray xirfado ay ku shaqeystaan

0

Iyadoo ay ka socanayaan magaalada Gaalkacyo barnaamijyo ku aadan la dagaallanka shaqa la’aanta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta ku dhawaad boqol iyo lixdan dhallinyara ah loogu soo gaba a gabeeyay magaalada tababar si lacag la aan ah loogu barayay xirfado kala duwan oo ay ku shaqeeysan karaan, kuna maareeyn karaan dhaqaalaha ay ka helaan nolashooda, maadaama ay jiraan kumanaan dhallinyaraha oo ku nool Gobalka Mudug isla markaana ay heysato shaqa la’aan inteeda badan loo tirinayo in ay ka dhalatay aqoon la’aanta dhallinyarada ka heysta xirfadihii  ay ku shaqeeysan lahaayeen.

Tababarkaan oo ay fulintiisa iska kaashanayeen dugsiga tababarka xirfadaha ee Mudug iyo hay’adaha SOSDA iyo Daryeel oo iyagu afartii sano ee u danbeeysay door weyn ka qaatay in in kabadan kun dhallinyara ah isla markaana isugu jira wiilal iyo gabdho ay si lacag la’aan ah uga saacidaan barida xirfado kala duwan oo ay ku shaqeysan karaan, kuwaasi oo qaarkood xiligaan ku mareeya nolashooda xirfado ay bareen  ayaa xirtaankiisii waxaa kasoo qeyb galay  masuuliyiin ka tirsan kuwa Maamulka degnmada Gaalkacyo, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha SOSDA iyo Daryeel, waalidiin iyo marti sharaf kale

Ugu horeyna waxaa munaasabada xiritaanka  ka hadlay Maamulaha xarunta tababarka xirfadaha ee Mudug Maxamed Daahir Aadan ayaa sheegay in boqal konton iyo lix arday oo dhalinyara ah, isla markaana si lacag la aan ah ay u bareen muddo lix bilood ah xirfado ay ka mid yihiin korantada, makaanikada, kumbuyuutarka, solar system-ka iyo luuqadda English-ka ay maanta ka qalin jabinayaan Xarunta Tababarka Xirfadaha ee Mudug ayna yihiin Dufcadii lixaad ee ka baxda xaruntaasi intii ay shaqeynaysay

Sidoo kale waxaa madasha xiritaanka tababarkaan ka hadlaya C/laahi Macalin oo ku hadlayay magaca Hay adda Daryeel waxaaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in wixii ay muddo ay ku taamayeen ay mira dhaleen, isagoo xusay in ujeeddada laga leeyahay barnaamijyadaan ay yihiin kuwa ku aadan in la helo dhallinyaro leh xirfado ay ku shaqeysan karaan.

Ugu danbeyna duqa degmada Gaalkacyo ayaa halkaasi shahaadooyin ku guddoonsiiyay dhalinyaradii tababarka dhameystay, isagoo u mahad celiyay Hay’adaha barnaamijkaan iska kaashaday.