Home Blog Page 1650

Nabadoono ku baaqay in la joojiyo dagaalka Xeraale

0

Nabadoonada Gobolka Galgaduud ee bartahmaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in la jojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanka Xeraale ee Goblkaas , nabadoon Cadceed Shiiqdoon oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa waxaa uu tilmaamay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo Colaada Xeraale.

Waxaa uu  sheegay nabadoon cadceed inaan loo dulqaadan Karin dhibaatada Xeraale taasoo ay  Dad ku dhinteen kuwa kalena dhaacmeen kuwana ku barakaceen.

Dowlada Federaalka Soomaaliya,Odoyaasha dhaqanka,waxgaradka iyo Aqoon yahanada ayaa waxaa ay si wada jida u dalbadeen in la joojiyo Colaada Magaalada Xeraale.

Madaxweyne Cosoble “Waxaan Hirgalineynaa Garoomo Casri Ah Oo Kubadda Cagta Ah”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Cali Cabdullahi Cosoble iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulka ayaa ka qeyb galay
islamarkaana daawaday Ciyaar aad u xiisa badneyd oo dhex mareysay Kooxaha Kubada Cagta ee Waaberi iyo Raadeerka oo ah laba kooxood oo
kala matalayay laba xaafadood oo ku yaala Magaalada Beledweyne, waxaana garoonka ciyaarta ay ka socotay oo ku yaala Magaalada
Beledweyne u soo daawasho tagay Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid Xaafadaha Magaalada.

Dr  Cali Cabdullahi Cosoble ayaa koobka guddoonsiiyay Kabtanka Kooxda Kubadda cagta ee Raadeerka oo ah kooxda qaaday horyaalka Magaalada
Beledweyne, iyadoo kaga adkaatay 2-3 Kooxda Waaberi, waxaana tartankani oo waayihii dambe socday wada ciyaaray 20-kooxood oo kala
matalayay xaafadaha Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Cali Cabdullahi Cosoble Oo halkaasi kula hadlay Ciyaartoyda iyo Dadweynihii u soo daawasho
tagay Ciyaartaa ayaa sheegay In uu ka faraxsanyahay in uu kala soo qeyb galo ciyaartaasi Finalka eheyd, waxaana uu ku tilmaamay tartanada
noocaan oo kale in ay qeyb ka yihiin barnaamijyada isdhex galka bulshada, ayna dar dar galin doonaan misana ay horumarin doonaan
Sportiga.

Madaxweyne Cosoble oo sii hadlay ayaa sheegay garoonka lagu ciyaarayay in ay horumarin doonaan oo garoon casri ah ay ka dhigi doonaan oo
darjiimo, iyo roog Coos ah lagu qurxin doono, waxaana uu xusay in ciyaartoyda Hirshabelle tababaro lagu horumarinayo isportiga u sameyn
doonaan mishaaraadna ay heli doonaan si loo dhiira galiyo Dhalinyarada Kubada Cagta ah, waxaana uu u hambalyeeyay kooxdii Koobkaasi hantisay
ee Raadeerka.

Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Dalka Koofur Africa

0

Wafdi ka socday Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Feradaalka Soomaaliya iyo qaar a mid ah kuwa maamul goboleedyada oo maalmahan tabar u joogay dalka South Africa ayaa booqday safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Koonfur Afrika.

Wafdigaan oo ka goobnaa afar xubnood ayaa booqashada ay safaaradda ku yimaadeen waxaa ku wehlinayay macalimiinta siinaya tababarka muddada bisha ahayd oo ay u joogayaan dalka South Africa.

Waxaa ay booqdeen qeybaha kala duwan ee xafiisyada safaarada Soomaaliya ay ku leedahay South Africa sida ay u shaqeyso, waxaana kadib kulan gaar ah la yeeshay safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa Dr Jamaal Maxamed Barrow oo kula dardaarmay in waxyaabaha ay barteen ay si wanaagsan uga faa’iideystaan marka ay dalka ku laabtaana ay khibradooda ay wax ugu qabtaan bulshada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah dhalinyarada halkaan tabbabarka u timid oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin booqashada ay ku tegeen xarunta Safaaradda, ayna diyaar u yihiin in marka uu siminaarka u dhamaado ay bulshadooda u adeegaan.

Mid ka mid mid ah macalimiinta tababarka siinayay ardaydaan ayaa sido kale la hadlay warbaahinta Qaranka waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay tababaro siiyaan  shaqaale ka socda dowladda Soomaaliya.

Tan iyo markii la furay Safaaradda Soomaaliya waxaa dalka Koofur Africa imaanayay shaqaale ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaar oo halkaan ku qaatay tababaro dhinacyo kala duwan ah.

 

Abduqaadir Axad Dhaqane

Pretoria-South Africa.

Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida oo lagu soo bandhigay magaalada Pretoria

0

Kulanka oo uu soo abaabulay Xafiiska Hidaha iyo Dhaqanka Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Africa, ayna ka soo qeyb galeen Madax ka socoto Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee K/Afrika, Madax matalayaysay Hay”dda Q.M ee UNDP, Safaaradaha Mareykanka, Sweden, Sudan, Koofurta Kuuriya, aqoonyahano ka socday qaar ka mid ah Jaamacaha Dalka, Ganacsto, waxgarad iyo kooxda Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee Johannseburg ayaa lagu qabtay magaalada Pretoria.

U Qaabilsanaha Safaarada Soomaaliya ee dhanka Hidaha iyo dhaqanka Cabdi Xalane Hirsi ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu yahay sidii bulshada loo turi lahaa waxyaabaha u gaarka ah dhaqanka Soomaalida.

“Dhaqanke Soomaaliyeed ee maanta aduunka meel walba yaala in dadkaas ay dhaqankeeena bartaan, sida uu u shaqeeyo, in dadkaan iska socda aysan aheyn qaxooti kali ah, fariintaan ayaan rabnay aduunka in aan tusno oo ah dhaqankaas Soomaaliyeed laga gado sida ay tahay Soomaaliyadii shalay Soomaaliyada maanta iyo Soomaaliyada bari” ayuu yiri Cabdi Xalane.

Sidoo kale xafladda waxaa lagu soo bandhigay taariikh-da siyaasadda, dhaqanka, dhaqaalaha, ganacsiga Soomaalida kheyraadka uu leeyahay dalka berri iyo bad iyo waliba cayaaraha iyo hidaha dhaqanka ay Soomaalida qaniga ku yihiin, waxaa sido kale goobta lagu soo bandhigay 9-ka Madaxweyne ee soo martay Soomaaliya 57-dii sano ee lasoo dhaafay.

Dr Ezekiel Moraka ku xigeenka Hogaanka Jaamacadda Tshwane University of Technology oo kulanka ka hadlay waxaa uu sheegay in kulankaan la isugu yimid ay ku arkeen dhaqanka Soomaalida ay qaniga ku tahay sida uu ahaa waqtigii hore maanta sida uu yahay iyo sida uu noqon doono Mustaqbalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka South Africa Dr Jamaal Barrow oo kulanka soo gaba gabeeyay ayaa ka hadlay taariikh-da dadka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Hadii aad rabto in aad aragto Soomaaliya waxaad fiirisaa Jaaliyadda Soomaalida halkaan joogta, waxaa ay u bareereen dhibka halkaan ka jira waxa ay abuurteen ganacsiyada yaryar kuwaa oo ay meel wanaagsan kaga jiraan ayaga oo qaxooti ah” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrika.

Marka kulanka uusoo dhamaaday kadib ayaa ii suuragashay in aan dareenkooda waydiiyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiintii kasoo qeybgashay iyo waliba Ardayda Soomaalida ee dalkaan wax ka barata.

Kulankaan ayaa kusoo idlaadau jawi aad u wanaagsan, waxaana safaarada ay balan qaaday in la joogteyn doono bandhigyada noocaan oo kale ah si Caalamka loogu muujiyo Soomaaliya in ay tahay dal madax banaan oo ka mid ah dalalka Qaaradda africa ugu kheyraadka badan.

Abdullahi Maxamuud Amiin “C/laahi Qorshe”

Johannesburg-South Africa.

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo gaaray Kismaayo

0

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano.

Intaa kadib, waxaa wafdiga loo galbiyay madaxtooyada Jubbaland oo ay salaan ugu tageen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Jubbaland ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayay.

“Waxa aan idinkaga mahadcelinayaa sida Soomaalinimada leh ee aad noogu soo dhaweeyseen Kismaayo, waa wax ay can ku tahay Jubbaland” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, wafdiga ayaa maalmaha soo socda shirar ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la geli doona Madaxweynaha, Wasaaradda Dastuurka, iyo Ururada Bulshada Rayidka ee Jubbaland.

—–DHAMAAD—–

    

Natiijada Imtixaanka Qaran ee Qaybta Goballada Dalke (Akhriso)

0

Waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa Natiijada Imtixaanka Qaran ee dugsiyada sare oo ay dawladda Soomaaliya ka qaaday 20-ka bishii May ee sannadka.

Goballada Dalka

AFGOOYE Xalane SHEEKH MOHAMED MACALLIN Kismaayo JOWHAR Guri ceel GARBAHAREY Gaalkacayo Dhuuso mareeb CUMAR BINU KHADAB Cadaado 2 CADAADO 01 Caabud waaq BUUNDAWEYN Bulo Barde baydhabo02 Baydhaba – 1 BALCAD Baardheere Axmed Warsame

Wasaaradda Amniga oo Faahfaahin ka bixisay Qarax ay Fashiliyeen laamaha Amaanku

0

Wasaaradda  Amniga Xukumada Soomaaliya  ayaa  Faahfaahin  ka  bixisay Gaari  lasoo  buuxshay Waxyaabaha  Qarxa ay  Ciidamada Nabad sugida  iyo Sirdoonka  Qaranka Soomaaliyeed  ay ku qabteen Duleedka Magaalada Muqdishu kasoo ay  doonaayeen  inay Malayshiyaadka Argagixisada Al shabaab ku waxyeeleeyaan  Shacabka Soomaliyeed.

Afhayeenka Wasaadda Amniga Soomaaliya Ahmed Carab oo la hadlay Radio Muqdishu Codka Jahmuuriyada  ayaa sheegay inay Ciidamada Amaanka Soomaaliyeed ku  guulaysteen in  Gacanta  ku  dhigo Gaarigaan oo  aan  wali  Qarxin Xili ay Malayshiyadu ay Qarsheynaayeen inay  dhibaateeyaan  Shacabka soomaliyed balse ay  ka  hortageen Ciidamada Amaanka  Soomaaliya.

Afhayeenka  ayaa  tilmaamay inay  Ciidamadu ku daba jiraan  sidi  Gacantaloogu soo dhigi lahaa dhagar qabihii  waday gaarigaan la doonayay in lagu qal-qal galiyo Amaanka Caasimada Soomaaliya ee  muqdishu.

Guddomiye ku xigeenka G/ Shacabka oo baaq u diray dhinacayada ku Dagaalamaya Xeraale

0

Guddoomiye  ku xigeenka  labaad  ee  Golaha  Shacabka Soomaaliya  Mahad  Cabdalle Cawad  ayaa  ku  baaqay  in  la  joojiyo  Dagaalka Deegaanka Xeraalee  ee  Gobolka Galguduud, waxaanua   tilmaamay  inaan  loo  dulqaadan  karin  Dagaalka uu  ku  daadanaayo Dhiiga Dadka walaalaha ah.

Mahad  Cabdalle Cawad Guddoomiye ku  xigeenka  labaad  ee  Golaha Shacabka  ayaa sheegay in colaada ka soo cusboonaatay Xeraale ay aad uga xuntahay dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale Guddoomiye ku xigeenku uu baaq u diray dhinacyad halkaasi ku dagaalamaya isagoo ugu baaqay in si deg deg ah ay ku joojiyaan dirirta.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa wuxuu sababay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegayaa inay geeriyoodeen ilaa iyo 10-qof sidoo kalana ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Galmudug oo ku baaqday in la joojiyo Dagaalka Xeraale

0

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay aad iyo aad uga xuntahay dagaalada maantay kasoo
cusboonaaday magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud. Waqtigaan oo shacabka ku nool
deegaanada Galmudug ay la liitaan abaaro ba’an oo dad iyo duunyaba halakeeyey in loogu daro
dagaal sokeeye ma ahan mid loo baahan yahay, waana wax ummadda Soomaaliyeed ka gudubtay
loomana baahna in waqtigaan lasoo nooleeyo.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada isku haya Magaalada Xeraale inay joojiyaan
xabadda si shuruud la’aan ah, wixii dhexdoodaana ay ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad, waa
laga baxay waqtigii qori wax lagu xalin jiray, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa dadka kale ee
kabaxsan deegaanka Xeraale oo hurinaya colaadda kana qeyb qaadanaya dagaalka in ay faraha
kala baxaan una daayaan xalinta khilaafka dadka u dhashay deegaanka. Xabbadi Xal Noqon
Weydey.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamkaba inay nagala
qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka ka bilowday Xeraale, deegaanada Galmudug uma
baahna in dhiig Soomaaliyeed lagu daadsho si fudud oo ujeedo la’aan ah.

 

Dhammaad