Home Blog Page 1649

Awaamiir cusub oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya

0

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo ka hadlay shir saxaafadeed si wadajir ah ugu qabtay isaga iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliiska ayaa sheegay in go’aan ay ka soo saareen golaha wasiirada Soomaaliya in taageero dhaqaale la siiyo kooxda Al-shabaab.

Wasiir Ducaale ayaa xusay in ay dambi tahay nooca kasta oo taageero la siinayo kooxda argagaxisada sida ganacsi, siyaasad, qarinta, la xiriirka, niyad u dhisid iyo wixii lamid ah la joojiyay cidii lagu helo ay dambiile u aqoonsan doonto dowladda Soomaaliya.

Dhageyso codka wasiirka.

120331_001

Taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhankiisa sheegay in dhaqaale kala duwan ay urruada argagaxisada sida Al-shabaab soo galaan kuwaas oo loogu yeero magacyo kala duwan; sida taakuleyn, Zakawaad, ganaax iyo kuwo kale.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lacagahaas laga qaado cid kasta oo ay dhaqaale ku tuhmaan, waxaana uu tilmaamay in ay ka war hayaan in dadka Soomaaliyeed si joogto ah caga jugleyn ugu hayaan Al-shabaab.

“Waxaan ka war qabnaa baadaas ka sakow, in ganacsato iyo maal qabeeno Soomaaliyeed ilaa xad ku qanacsan fekirka Al-shabaab in ay jiraan, ganacsato iyo dadka kale oo hanti leh in ay si sahlan u taakuleeyaan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Dhageyso taliyaha NISA C/laahi Sanbaloolshe.

120331_001

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Janaraal C/xakiim Daahir Saciid Saacid ayaa shirka jaraa’id ka sheegay in laamaha amniga ee dalka ay diyaar u yihiin cidii awaamiirtan jabisa in ay sharciga hor geeyaan.

Janaraalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan in ay Al-shabaab ku garab siiyaan dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.

Dhageyso taliyaha booliiska oo arintaas ka hadlaya.

120331_001

Ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka oo lakulmay Hobalada Waaberi

0

Mudane Mahdi Max’ed Guuleed Qadar ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiirada maaliyaddda warfaafinta iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ayaa booqasho kormeerey xarunta fanaaniinta Hobolada Waaberi ee magaalaad Muqdisho.

Hobalada qaranka Waabari ayaa waxaa ay soo bandhigeen suugan ka tarjumaysa ahmiyadda ay leedahay wadaniyadda,  sugidda amniga,la dagaalanka musuqa  iyo qabyaalada oo aywaddo Xuukumadda.

Maareyaha Golaha  murtida iyo madadaalada Abwaan Cabdi Dhuux ayaa sheegay in kormeerka uu xarunta kmg ay ku shaqeeyaan uu ku yimid ra’iisul wasaare kuxigeenka ay tahay mid dhiiro gelinaysa howlahoodi shaqo.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Cabdiraxmaan Sh Yuusuf Al-Cadaala ayaa tilmayay in Dowr  muuqda ay ka qaateen Hobalada jiheynta dadka Somaaliyeed islamarkaana ugu baaqay Dowladda in ay ka faa”iideysato kaalinta Hobolada Waaberi ay ka qaadan karaan wacyigelinta bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisiow) Ayaa sheegay in fanaaniinta ay wadaan wacyigelin  ku saabsan hortaminta barnaamijka Dowladda , waxaa uu sidoo kale ku booriayay in ay sii wadaan howlaha ay u hayaan bulshada.

Ugu dambeyn ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda  Mudane Mahdi Maxamed Guuled(Qadar )ayaa  balan qaaday in Dowlada Federaalka  ay si dhow ah ay ugu  warqabto fanananiinta isagoo  Hobalada u jeediyay in ay labo jibaaran hagidda dadka bulshada Soomaaliyeed.

Talaabadan ayaa waxaa ay qeyb ka tahay wacyagalinta Bulshada Soomaaliyeed ee dhinac fanka iyo suuganta si bulshada Soomaaliyeed looga wacyageliyo  dhibaatada ay leedahay qabyaalada musuq maasuqa,iyo fikiradaha qaldan ee kooxda nabad diidka Shabaab.

In kabadan 100 maxaabiis ah oo laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho

0

Ku dhawaad 120 maxaabiis ah oo in muddo ah kujiray xabsiga dalka Itoobiya ayaa maanta laga soo dejiyaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo u badan dhalinyaro.

Waxaa ku soo dhaweeyey  garoonak diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale kuwaasi oo sheegey in talaabo wanaagsan ay tahay siideynta maxaabiistaasi oo ay sii dyasay Dowladda Itoobiya.

Markii ay ka soo degeen garoonak diyaaraha magaalada Muqdisho, waxaa shir jaraa’id wada qabtay Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaalidiin Mustaf Cumar

kaasi oo sheeegey in siidaynta maxaabiistani ay qeyb ka tahay xoojinta xiriiraka wanaagsan ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Danjire Kamaalidiin Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya ” maxaabiistani waxay ahaayeen qaar kood kuwo lagu xukumayy 20 sano oo xarig ah, siideynttodana waxay muujinaysaa wadashaqeynta ka dhaxeysa labada dal”

Max’ed Cali Nuur oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ayaa sina uga mahadceliayay Dowladda Itoobiya sida ay wanaagsan oo maxaabiistaasi ay u soo deysay, isagoo bogaadiyay xiriirka ka dhexeya labada dal.

Dhawaan ayaa dalka Itoobiya waxaa booqasho ku tagay ra”iisal wasaaraha Soomaaliyaxiligaasi oo Dowladda Itoobiya ay wefdiga ra”iisulwasaaraha ku wareejisay mas’uuliyadda maxaabiistaasi.

Wasaaradda waxbarashada oo dugsi ka furtay Cadale

0

Wasaaradda waxbarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa degmada Cadale ee gobolka Shabeela dhexe waxaa ay ka hirgalisay dugsi hoose iyo dhexe kasoo ay wax ka baran doonaan carruurta Soomaaliyeed ee ku nool degmadaasi.

Iskuulka oo ka kooban dugsi hoose iyo dhexe isla markaana si lacag la’aan ah wax loogu bari doono caruurta degaanka ayaa laga hirgaliyay magaalada Cadale ee gobolka Sh/dhexe oo aan hore u laheyn goobo waxbaarsho tan iyo bur burkii dowladii dhexe,waxaana dhismaha dugsigan iska kaashaday Midowga Yurub iyo hay’adda ADRA oo ka shaqeysa horumarinta waxbarashada oo gacan ka helaya wasaaraaradda waxbarashada dowladda federaalka ah.

Waxaana  munaasabadda furitaanka dugsiga ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Waxbaarshada dowlad goboleedka Hirshabelle,gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Sh/dhexe maamulka degmada Cadale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool halkaasi.

Guddoomiyaha degmada Cadale Muxudiin Suudi Macalin oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dadka ku nool degmada ay si weyn uga faa’iideysna doonaan iskuulka loo furay  oo ah mid si lacag la’aan ah wax looga baranayo.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdulaahi Abuukar Sheikh ayaa xusay in horumarinta iyo dhiirigelinta waxbaasrhada ay qeyb tahay waxyaabaha uu mudnanata siinayo maamulka Hirshabelle.

Wasiir ku xigeenkii hore ee Xanaanada Xoolaha oo baaq u diray dhinacyada ku dagaalamay Xeraale

0

Wasiir ku  xigeenkii  hore Wasaaradda Xanaadada  Xoolaha marna  ahaa Xildhimaan ka tirsanaa Golaha  Shacabka Soomaaliya C/naasir Gaarane oo wareysi gaara siiyay Radio Muqdishu Codka Jahmuuriyadda  Soomaliya ayaa sheegay inay tahay mid laga xumaado Dagaalada ka dhacay magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud kuwaa soo u dhaxeeya beelo wada daga Xeraale.

C/naasir Gaarane ayaa tilmaamay in looga baahan yahay dhinacaya dirirtu u dhaxayso inay qaataan nabada iyo deganaashaha Xeraale ayna ku didaalaan in xal laga gaaro colaada sababtay dhimashada iyo  dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Wuxuu ugu baaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka galmudug Inay ka qeyb qaataan sidii loo damin lahaa colaada deegaanka Xeraale ee gobolka galgaduud taasoo dhalisay dhimasho,dhaawac iyo barakac.

Waxaa uu hadalkiisa ku daray inaan loo dulqaadan karin inay gobolada kasoo cusboonaadaan Dagaalo ay dad ay  ku dhintaan maadaama Dalku u ku tilaabsaday horumar la taaban karo oo ku aadan Dowladanimada.

Danjiraha Britain ee Soomaaliya oo booqday xarunta dhaqanka ee Harggeysa oo lagu qabtay Bandhiga caalamiga ah ee buugaagta

0

Danjiraha Ingiriiska David Concar oo galabta ka hadlay xarunta dhaqanka ee Harggeysa International Book fair, xaflad loogu dabaal dagayo dhaqanka Soomaalida, hidaha iyo fikradaha,Danjire Concar ayaa sheegay in UK ay tahay deeq bixiyaha ugu weyn ee caalamiga ah ee Somaliland,  waxaana taageerada soo jireenka ah ee UK siiso  Somaliland abuuray qurbojoogta iyo xidhiidhka taariikhiga ah.

Danjire Concar sidoo kale wuxuu iftiimiyey in fursadda doorashada November ee madaxweynaha ay ka dhigantahay in ay Somaliland dib u xaqiijiso ‘sumcadeedii dhinaca dimuquraadiyada’ iyadoo ku qabanaysa wakhtigii loo qoondeeyey si cadaalad ah, loo dhanyahay, taasoo keenaysa in natiijada doorashada ay aqbalaan dadka reer Somaliland.

Waxa uu sheegay in saxafiyiintu ay ka ciyaareen door muhiim ah dimuquraadiyad kasta, dhiirigaliyeenna dood siyaasadeed iyo ixtiraamka xoriyadda warbaahinta.

Danjiruhu Wuxuu walaac ka muujiyey abaaraha mandaqadda.

“ Waa xaq” ayuu yirii in la xasuusto abaarta daran ee joogtada ah ee ku abuurtay dhibaatada dadka reer Somaliland. Si loo caawiyo dadka ay abaartu Saamaynta xoogan ku yeelatay, UK waxay kordhisay gargaarka degdega ah in ka badan $200 m.

Taageeradan ayaa illaa hadda waxa wax ka tartay helitaanka biyo nadiifa iyo cunto illaa 1 milyan oo qof, iyo daryeel caafimaad oo degdeg ah Inka badan nus malyuun qof, oo ay ku jiraan tobanaan kun oo reer Somaliland ah. ‘Wakhti dhawna waxaan soo arki doonaa waxqabadkan’.

Danjiruhu waxa kale oo uu  la kulmay wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sa’ad shire’ Inta uu booqashadiisa ku guda jiro Danjiruhu waxa kale oo uu la kulmi doonaa madaxweyne, Axmed Mohamed Silanyo,  Musharaxiinta xisbiyada siyaasadda iyo aqoonyahanadii ka qalin jabiyey barnaamujka deeqda waxbarasho ee ay UK bixiso (Chevening Scholarship Program).

Britain  waxay taageeraysay diyaargarawga dhinaca farsamada ee doorashooyinka Somaliland, oo ay ku jiraan, dhamaystirka geedi socod loo dhanyahay ee diwaangalinta codbixiyayaasha.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyey qaraar ku saabsan muddada xil haynta xubnaha golahaasi

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey qaraar ku saabsan muddada xil heynta xubnaha golaha shacabka oo ah ilaa 2020-ka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale kulankooda kaga hadlay buuxinta kuraasta banaanaata, iyadoo uu shir gudoominayey kulanka baarlamaanka guddoomiyaha golaha shacabka Prof Maxamed Sheakh Cismaan Jawaari.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo ku guuleysatay qorshe Sacuudiga loogu dhoofinayo 1 Milyan iyo boqol neef oo ari ah

0

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Sheakh Nuur Maxamed Xasan oo wareysi siiyey warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso daryelka iyo hubinta caafimaadka xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in kahor inta aan la aadin Xajka wasaaraddu ay qorsheysay hal milyan iyo  boqol neef oo ari ah in loo dhoofiyo dalka Sacuudiga, taasina ay qeyb ka tahay dadaalada ay sameysay wasaaradda.

Madaxweynaha Jubbaland oo lakulmay wefdi uu hogaaminayo wasiirka dastuurka Soomaaliya

0

Wasaaradda arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa dastuurka dalka, iyadoo lala tashanayo maamulada iyo qeybaha bulshada.

Wefdi ka socoda wasaaradda arrimaha dastuurka oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradaasi mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo mas”uuliyiin kale ayaa wada kulamo wadatashi ah oo ku saabsan sida loo wajihi karo dib u eegista dastuurka dalka.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee magaalada Kismaayo Aadan Max’ed Salaad ayaa ku soo waramayaa” in wefdigan ay  lakulmeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe ayagoo kawad hadlay sidii maamulka Jubbaland uu bulshada ugu wacyigelin lahaa kaalinta ay ku leeyihiin in aragtidooda ay ka dhiibtaan.

Wefdiga aya sidoo kale waxaa lagu wadaa in ay la kulmaan xildhibaanada baarlamanka mamaulkaasi, si talooyin ku aadan habka ugu wanaagsan oo loo wajihi karo dib u eegista dastuurka, ayagoo intaasi kadib ay lakulmaan ururada bulshada.

Kulamadaan ayaa daba socda kulamo kale oo lagu qabtay qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in ugu dambeyn la gaarsiyo bulshada Soomaaliyeed in fursad ay u helaan ka qeyb galka afti loo qaado dastuurka dalka oo dadalkiisa ay waddo Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo dhiiragelinaysa waxbarashada dhalinyarada

0

Ra’isal Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladd Soomaaliya ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dhameystirka manhajka Waxbarasho ee dalka.

Waxa uu sheegay in dowladdu ay ka hortageyso fikradaha qaldan ee laga bixinayo Waxbarashada Dalka isla markaana aysan aqbali doonin in si qaldan loo sii isticmaalo.

Waxa uu tilmaamay in ay dhiira gelinayaan waxbarashada dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay xooga saari doonaan sidii waxbarasho mideysan oo tayo leh loo heli lahaa.

Wasaarada Waxbarashada ee Xukuumada Soomaliya ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee dhameystirka manhajka Waxbarasho ee dalka iyo sharciyada u gaarka ah waxbarashada.