Home Blog Page 164

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

0

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka Mareykanka, waxaana ku dhintay tobaneeyo qof oo ay ku jiraan carruur, halka ay jiraan qaar kale oo weli la la’yahay.

Kooxaha samatabbixinta ayaa ku howlan baadigoobka dad u badan carruur oo la la’yahay, iyagoo isticmaalaya diyaarado helicopter ah, doomo, iyo diyaarado aan duuliye lahayn si ay u raadiyaan dadka badbaaday, kuwa ku ku go’doonsan dhulka iyo dadka meydadka ah.

waxyeelada ugu badan ayaa la sheegay in ay gaartay xero lagu magacaabo Camp Mystic oo u dhow wabiga Kerr County,halkaasi oo ay ku jireen gabdho Masiixiyiin ah.

Ugu yaraan 50 qof ayaa dhimatay ilaa hadda, halka 27 gabdhood oo ku jiray hal xero weli la la’yahay. Maamulka ma aysan sheegin tirada guud ee dadka la la’yahay marka laga reebo carruurta ku sugneyd xerafaasi.

Saacadihii hore ee 4-tii bishaan daadad ayaa ku soo rogmaday meel qiyaastii 112km galbeed ka xigta San Antonio,kuwaas oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo buux-dhaafiyay webiga Guadalupe,kadibna sababay fatahaad gaartay dhul baaxad leh,waayna qaadeen dad nool,guryo iyo gaadiid.

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada (Social Media Policy).

Kulanka oo socon doono mudo laba maalmood ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha Warfaafinta Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, SSC-Khaatumo & Gobolka Banaadir, madaxda xafiisyadda warbaahinta ee xafiisyadda DFS, wakiilo kasocda Warbaahinta Madaxa Banaan, Gollaha Madaxa Banaan ee Warbaahinta iyo Dadka Caanka ka ah Baraha Bulshada (social media).

Agaasimaha Istaraatiijiyadda Warbaahinta mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay ujeedka kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Warbaahinta ‘’maaraynta khataraha isticmaalka qaldan ee baraha bulshada’’ iyo Ajendihiisa, isagoo kusoo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska mudane Cabdilaahi Xayir Ducaale oo kalmada soo dhawaynta ka jeediyay madasha ayaa si kooban faahfaahin ka bixiyay ujeeddooyinka kulanka, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo siyaasad mideysan oo lagu wajahayo khataraha ka dhasha isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa kula dardaarmay ka qeybgalayaasha in kulanka ay uga faa’iideystaan sidii loo dhisi lahaa hannaan siyaasadeed oo suurtagelinaya in baraha bulshada loo adeegsado si waxtar u leh bulshada, loogana hortago wararka khatarta ah sjda xagjirnimada, been abuurka, iyo marin-habaabinta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Cali Xoosh ayaa magacaabay guddi ka kooban sideed ruux oo ka shaqeyn doono howlaha dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in guddigaan guddoomiye iyo ku xigeen looga kala dhigay Dr. Axmednuur Maxamed iyo Cabdinasiir Xaaji Maxamed.

Sidoo kale, xubnaha guddiga ayaa noqon doona Axmed Shire Axmed, Carafaat Cali Maxamed, Axmed Yuusuf Maxamuud, Rufaci Maxamed Salaad, Maxamuud Siciid Nuur iyo Fadumo Cabdi Cali.

Guddigaan ayaa si gaar ah ka shaqeyn doono Talo-bixin iyo fududeyn ku saabsan dhamaystirka maamulka. Isku xirka hay’adaha federaalka iyo kuwa deegaanka. Talabixinta dhismaha hay’adaha maamulka deegaanka. Soo diyaarin warbixino joogto ah oo lagu wargeliyo Wasaaradda.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in mudada Guddigu ayaa noqon doonaa ilaa laga dhamaystirayo maamulka Dawlad Goboleedka SSC-Khatumo.

“Guddigu si toos ah ayuu ula xisaabtami doonaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, iyagoo soo gudbin doona warbixinno bille ah oo muujinaya horumarka howlaha” ayaa lagu yiri qoraalka magacaabista.

Hoos ka akhriso Wareegtada

 

 

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

0

Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Toddobaadka Xorriyadda ee soo agaasimay munaasabadihii waaweynaa ee dalka ka dhacay ayaa galabta qabtay xaflad ay ku abaal-mariyeen xubnihii sida tooska ah uga qeyb qaatay munaasabadihii iyo dabaal-degyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Warbaahinta Qaranka, Warbaauhinta gaarka loo leeyahay, Dhallinyaradii dabaal-degga uga qeyb qaadatay baraha bulshada, Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo xubno kale oo ka qeyb qaatay munaasabadihii toddobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhalinyaradii abaal-marinta la guddoonsiiyey iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay munaasabadihii dhacay uga mahadceliyey doorkooda, iyagoo kula dardaarmay in midnimada, nabadda iyo gobanimada umadda Soomaliyeed ay adkeeyaan.

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Isu Duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Gargaarka Xafiiska Soomaaliya Mudane George Conway.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta iyo Gargaarka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo laga Dhisaayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku-meel Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Munaasabada Dhagax-Dhiga Madaxweynaha waxaa kala Qeybgalay Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed Marwo Zahra Cusmaan Axmed, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdulaahi Cali Watiin iyo Mas’uuliyiin kale.

Xarunta Maanta uu Dhagax dhigay Madaxweyne Laftagareen ayaa ka kooban qeybo kala duwan iyadoona noqon doonta mid lagu Tababaro Maclimiinta Koonfur Galbeed.

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Tamarta iyo mas’uuliyiin ka socda shirkad laga leeyahay Dalka Norway oo Baydhabo usoo gaaray Horumarinta Korontada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Wafdiga ka socday Dowladda Norway la wadaagay qorshaha ballaaran ee maamulka Koonfur Galbeed ku dooneyso in lagu horumariyo adeegyada tamarta iyo Haqabtirka Bahiyaha Koronto ee haysta Bulshada.

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

0

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka Gumarre oo hoostaga degmada Moqokori, halkaas oo lagu jebiyey, lagana saaray cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in firxadka Khawaarijta ay u sii baacsanayaan dhanka deegaanka Ceel-qooxle, isla markaana goobihii lagu dagaalamay ay daadsan yihiin meydadka Khawaarijtii saakay lagu ekeeyey weerarka.

Howlgalka oo weli socda wixii kasoo kordha kala soco Warbaahinta Qaranka.

Wasiir Fiqi oo hambalyeeyey doorka difaaca dalka ee dhalinyaradda Soomaaliyeed

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin fiqi oo ka hadlay Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen Golaha Dhalinyarada Qaranka iyo dhallinyarada Caasimada, looguna ducaynayay halyeeyadii u dhintay xornimada dalkeenna ayaa ku dhawaaqay in qorshaha Wasaaradda gaashaandhiga ay ku jirto asaaska qorshaha Daryeelka Agoonta Ciidanka qaranka taas oo lagu bixin doono waxbarashadooda.

Wasiirka oo ka hadlayey dagaalka lagu jiro kooxaha Khawaarijta ayaa si weyn ugu hambalyeeyey doorka dhalinyaradda Soomaaliyeed ka qaateen dib u xoraynta deegaanada khawaarijta laga xoreeyey” dhalinyaradda Soomaaliyeed waxay laf dhabar u yihiin dagaalka ka dhanka ah khawaarijta,waxay ka dagaalamayaan furimaha dagaalka iyagoo ilaalinya sharafta dalkooda.”ayuu yiri wasiir Fiqi.

Dhinaca kale wasiirka ayaa ganacsatada uga digay in ay lacag baad ah ku bixiyaan telefono u soo dirtay Khawaarijtu” Dowladdu way dadaashay waxay xirtay koontooyin Bangi,qofkii lagu qabto isagoo khawaarijta lacag siinaya waxa la geyn doonaa Maxkamad” ayuu yiri wasiir Fiqi,

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa South Africa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kula kulmay magaalada Pretoria, dhiggiisa, Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ronald Ozzy Lamola, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga.

Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay dhowr arrimood oo muhiim ah, sida isku-duwidda iyo wadatashiga arrimaha fagaarayaasha caalamiga, diyaarinta heshiisyada is-afgaradka labada dal ay qorsheynayaan inay wada saxiixdaan oo uu ku jiro heshiis u dhexeyn doona labada dal oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha shuruudaha dal-ku-galka. Wadahadalka ayaa sidoo kale diiradda lagu saarray fududaynta isku socodka dadka, dib u furidda ergada diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika ay ku lahaan jirtay Caasimadda Muqdisho iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgeshiga iyo amniga.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carabaabay tixgelinta uu u haayo Dowladda iyo Dadka Koonfur Afrika ku martigelinta dalkooda jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u weyn oo ka qeyb-qaadatay si firfircooni leh dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha, isaga oo caddeeyay saaxiibtinimada soo jireenka ah ee labada dal.

Dhankiisa, Wasiir Lamola ayaa markale ku celiyay in Koonfur Afrika ay si sugan oo cad ay u garab taagan tahay midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo horumarinta hindiseyaal wax ku ool ah oo labada dal faa’iido u leh.

Soomaaliya waxa ay Koonfur Afrika la leedahay xiriir saaxiibtimo qoto-dheer, iyadoo ay ku suntantahay taageerrada xooggan ee siyaasdeed iyo mid diblomaasiyadeed ay u fidisay halgankii Koonfur Afrika ee ka dhanka ahaa xukunkii midab-takoorka.