Wasiir Fiqi oo hambalyeeyey doorka difaaca dalka ee dhalinyaradda Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin fiqi oo ka hadlay Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen Golaha Dhalinyarada Qaranka iyo dhallinyarada Caasimada, looguna ducaynayay halyeeyadii u dhintay xornimada dalkeenna ayaa ku dhawaaqay in qorshaha Wasaaradda gaashaandhiga ay ku jirto asaaska qorshaha Daryeelka Agoonta Ciidanka qaranka taas oo lagu bixin doono waxbarashadooda.

Wasiirka oo ka hadlayey dagaalka lagu jiro kooxaha Khawaarijta ayaa si weyn ugu hambalyeeyey doorka dhalinyaradda Soomaaliyeed ka qaateen dib u xoraynta deegaanada khawaarijta laga xoreeyeyโ€ dhalinyaradda Soomaaliyeed waxay laf dhabar u yihiin dagaalka ka dhanka ah khawaarijta,waxay ka dagaalamayaan furimaha dagaalka iyagoo ilaalinya sharafta dalkooda.โ€ayuu yiri wasiir Fiqi.

Dhinaca kale wasiirka ayaa ganacsatada uga digay in ay lacag baad ah ku bixiyaan telefono u soo dirtay Khawaarijtuโ€ Dowladdu way dadaashay waxay xirtay koontooyin Bangi,qofkii lagu qabto isagoo khawaarijta lacag siinaya waxa la geyn doonaa Maxkamadโ€ ayuu yiri wasiir Fiqi,

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...