Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Cali Xoosh ayaa magacaabay guddi ka kooban sideed ruux oo ka shaqeyn doono howlaha dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in guddigaan guddoomiye iyo ku xigeen looga kala dhigay Dr. Axmednuur Maxamed iyo Cabdinasiir Xaaji Maxamed.

Sidoo kale, xubnaha guddiga ayaa noqon doona Axmed Shire Axmed, Carafaat Cali Maxamed, Axmed Yuusuf Maxamuud, Rufaci Maxamed Salaad, Maxamuud Siciid Nuur iyo Fadumo Cabdi Cali.

Guddigaan ayaa si gaar ah ka shaqeyn doono Talo-bixin iyo fududeyn ku saabsan dhamaystirka maamulka. Isku xirka hayโ€™adaha federaalka iyo kuwa deegaanka. Talabixinta dhismaha hayโ€™adaha maamulka deegaanka. Soo diyaarin warbixino joogto ah oo lagu wargeliyo Wasaaradda.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in mudada Guddigu ayaa noqon doonaa ilaa laga dhamaystirayo maamulka Dawlad Goboleedka SSC-Khatumo.

โ€œGuddigu si toos ah ayuu ula xisaabtami doonaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, iyagoo soo gudbin doona warbixinno bille ah oo muujinaya horumarka howlahaโ€ ayaa lagu yiri qoraalka magacaabista.

Hoos ka akhriso Wareegtada

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...