Home Blog Page 163

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka bini’aadantinimo

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga gargaarka bini’aadantinimo, gaar ahaan sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay ee ku sugan gobollada Waqooyi ee dalka. Labada mas’uul waxay isla garteen baahida degdegga ah ee loo qabo in wax laga qabto xaaladaha abaarta, iyagoo muhimad gaar ah siiyey in laga hortago saameynta ay abaartu ku leedahay nolasha bulshada, iyadoo la qorsheynayo in ceelal biyoodyo laga hirgeliyo deegaannada sida joogtada ah abaartu ugu soo noqnoqoto.

Sidoo kale, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa safiirka la wadaagay qorshe safar rasmi ah oo uu dhowaan ku tagi doono Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono hay’adaha gargaarka iyo gurmadka degdegga ah ee dalkaasi. Ujeeddada safarkaasi waa xoojinta xiriirka labada dhinac iyo u ololeynta in la kordhiyo kaalmada tooska ah ee la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee nugul.

Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo is-garabsi.

Dhankiisa, Safiir Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa ballan qaaday in Dowladda Imaaraadku ay si buuxda uga shaqeyn doonto qodobadii laga wada hadlay, isla markaana ay dhawaan Soomaaliya soo gaarsiin doonaan shixnad gargaar ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen xaaladaha bini’aadantinimo.

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

0

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi , Xilli ay Soomaaliya ka qayb geli doonta dhawaan ciyaaraha jaamacadda Carabta ee ka dhici doona Doha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka qeybgalka Soomaaliya ee ciyaaraha jaamacadda Carabta oo dhawaan lagu qaban doono magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa dhanka kale la wadaagay safiirka muhiimadda ay Soomaaliya siineyso horumarinta kaabayaasha isboortiga iyo taageerada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa tilmaamay ahmiyada ay cilaaqaadka ka dhaxeeya labada waddan ee Soamaaliya iyo Qatar u leedahay horumarinta dhallinyarada iyo Isboortiga iyo sida ay Qatar kaga go’an tahay garab siinta Kaabayaasha Ciyaarah iyo Horumarinta Dhallinyaradaba.

Wasiir Maxamed ayaa u mahadceliyay dowladda Qatar kaalinta ay ka qaadato taageerada dhanka horumarka dhallinyarada iyo isboortiga, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu horseedi karo fursado cusub oo horumarineed.

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay danjiraha dalka Sudan u fadhiya Soomaaliya Mudane Cabdulraxmaan Khaliil Afandi. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashi ee dhex mari kara caasimadaha Muqdisho iyo Khartoum.

Kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay khibrad-wadaagga labada dal si gaar ah caasimadaha oo duruufo isku mid ah la kulmay wax badanna iska kaashan kara dhanka dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha aasaasiga ah.

Guddoomiye Muungaab ayaa ka sheekeeyay sida ay shacabka Soomaaliyeed abaalka weyn ugu haayaan dalka iyo dadka Sudan oo xiriir soojireena wadaaga, asigoona u rajeeyay walaalaha reer Sudan in ay si dhaqso ah uga soo kabtaan xaaladaha colaadeed ee dalkooda saameeyay.

Safiirka ayaa ka mahadnaqay soo-dhawaynta loo sameeyay, wuxuuna Duqa Magaalada la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda Jaaliyadda Sudan ee Muqdisho, arrintaas oo uu Guddoomiye Muungaab ballanqaaday in uu taageerayo dadaal kasta oo khuseeya jaaliyadda iyo isdhexgalkooda iyo khibrad-wadaagga ay la yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad wada-shaqeyn oo ku saabsan horumarinta warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska dalka.

Heshiiskan iskaashi waxaa dhinaca Wasaaradda u saxiixay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, halka Jaamacadda Muqdisho uu u saxiixay Guddoomiyaha Jaamacadda, Dr. Ibrahim Mohamed Mursal.

Munaasabadda saxiixa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, iyo guddiyo matalayay labada dhinac oo si wadajir ah uga shaqeeyay diyaarinta heshiiskan is-afgaradka ah.

Ujeeddada iskaashigan waa in la xoojiyo cilmi-wadaagga, tababarrada xirfadeed, iyo horumarinta aqoonta la xiriirta warbaahinta, suugaanta dhaqanka, iyo kobcinta dalxiiska, si loo taageero himilooyinka horumarineed ee dowladda iyo kor u qaadista tayada warbaahinta Soomaaliyeed.

 

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka oo xoogga lagu saarayo wax ka qabashada iyo ka hortagga dembiyada Haweenka laga galo.

Munaasabadda ayaa waxa goobjoog ka ahaa sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda iyo Haweenka gobolka Banaadir.

Ciidanka Qaranka oo ka hortegay weerar naf la caari ah oo khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga Moqokori

0

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa ka hortegay weerar naf la caari ah oo Khawaarijtu ay maanta ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Dagaal culus ayaa weli ka socda aagga deegaanka Gumare, saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay jebiyeen Khawaarijta, oo firxadkooda ay sii baacsanayaan.

Khasaare culus oo dagaalka weli socda lagu gaarsiiyey Khawaarijta ayaa jira, meydadka maleeshiyaad lasoo qalday ee argagixisada ayaa daadsan goobaha dagaalka, waxaana socda tira koobka baqtiga Khawaarijta.

Wixii ka soo kordha howlgalka oo weli socda kala soco Warbaahinta Qaranka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHOWEEYEY DALKA MASAR

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu ku tegay safar shaqo.

Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda, taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab.

Munaasabad lagu abaal-marinayo Saraakiishii ka qeyb qaatay sugidda Amniga todobaad xorriyadda oo lagu qabtay Muqdisho

0

Guddoomiyaha guddiga qaranka ee qaban-qaabada toddobadda xorriyadda, ahna Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo madaxd kale ayaa caawa Akadeemiyada Booliska ee Jeneraal Kaahiye uga qeyb galay xaflad loogu mahadceliyey, laguna abaal-mariyey Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo garab istaagga bulshada, intii ay socdeen munaasabadihii toddobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood

0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta safar siyaasadeed ku tagay magaalada Laascaanood, xarunta SSC-khaatumo

Ujeeddada safarka ayaa ahayd inuu ka qeybqaato dadaallada lagu midaynayo Gobolada Sool iyo Sanaag.

Wafdiga waxa qaybka Sanater Saynab ismaaciil, Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno oo door muhiim ah ka qaadanaya dib-u-dhiska iyo is-afgaradka siyaasadeed ee deegaanka.

 

Dhismaha wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed oo xariga laga jaray

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa si rasmi ah u Daah-furay dhismaha cusub wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed taasi oo loogu talagalay in lagu hormariyo adeegyada Caafimaadka ee bulshada Koonfur Galbeed

Munaasabadda xarig-jarka ayaa ka dhacday Xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka waxaan ka qeybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibadda, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka dalka, Goliyaasha kala duwan Dowladda Koonfur Galbeed oo ugu Wasiirka Caafimaadka Koonfur Galbeed iyo dadweyne fara badan.

Dhismahan cusub ee loo dhisay qaab casri ah ayaa ka kooban qaybo kala duwan iyadoona loogu talagalay in lagu xoojiyo adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah, Laguna horumariyo xarumaha daaweynta iyo daryeelka bukaanada.