Home Blog Page 163

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO DAAHFURAY MASHRUUCA GOLE-KAAB.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay furitaanka mashruuca Gole-Kaab oo isku xiri doona Golaha Shacabka iyo bulshada rayidka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo si rasmi ah u daahfuray mashruucan ayaa marka hore bogaadiyay ururada bulshada rayidka oo soo qaban qaabiyay iyo dhinacyada ka taageeraya ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay in ururada bulshada rayidka laga qeyb geliyo kulamada Golaha Shacabka si ay goobjoog ugu ahaadaan shuruucda uu Golaha ka doodayo maadaama Golaha Shacabka uu matalo shacabka Soomaaliyeed.

Furitaanka Mashruuca Gole-Kaab waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka iyo safiir kuxigeenka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

GUDDIGA HEER WASIIR EE MAAREYNTA ISTICMAALKA KHALDAN EE BARAHA BULSHADA OO KULAN YEESHAY

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Heer ee Wasiir ee Ka Hortagga Isticmaal Xumada Baraha Bulshada.

Shirkan ayaa daba jooga sidii loo fulin lahaa qaraarkii ka soo baxay Golaha Wasiirrada bishii hore ee la xiriiray maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada oo dadka qaar ay u adeegsadaan kicinta, hurinta colaadaha iyo arrimo kale oo anshaxa ka baxsan.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adaha kala duwan ee garsoorka ay ka go’an tahay in iyadoo la dhowrayo xoriyadda fikirka, haddana bulshada laga ilaaliyo wax kasta oo khatar gelinaya amniga, wadajirka, anshaxa wanaagsan iyo dhaqanka ay ummadda leedahay.

Shirkan ayaa lagu go’aamiyay in si degdeg ah loo guda galo fulinta qodobadii ku xusnaa qaraarka Golaha Wasiirrada ee maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo daah furay Mashruuca Ugbaad oo lagu horumarinayo beeraha

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac,ayaa maanta daah furay Mashruuca Ugbaad oo ah barnaamij lagu horumarinayo beeraha si ay ugu adkeystaan isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyadoo la ansixiyay 24-kii Oktoobar 2024 intii lagu jiray kulankii 40-aad ee Guddiga Sanduuqa Caalamiga ah ee Cimilada (GCF) oo ka dhacay Songdo, Koonfur Kuuriya.

Mashruucan waxa uu ujeedkiisu yahay xoojinta adkeysiga bulshooyinka iyo nidaamyada beeraha si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada, iyadoo la kaashanaayo dadaalada dib u habaynta dhulka si loo yareeyo saameynta taban ee cimilada. waxaana ka faa’iideysan doono ku dhawaad 2 milyan oo qof, wuxuuna taageeri doonaa dib u soo celinta iyo maareynta waarta ee dhul wax soosaar leh.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ah Wasiirro ka tirsan xukuumadda , safiirro iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Xanaanad Xoolaha oo kulan la qaatay kaaliyaha Agaasimaha Guud ee FAO

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa kulan la qaatay kaaliyaha Agaasimaha Guud ee FAO ahna wakiilka Afrika

Dr. Abebe Haile-Gabriel, oo uu wehliyo wakiilka FAO ee Soomaaliya, Etienne Peterschmitt.

Labada masuul waxay ka wada hadleen muhiimadda xoolaha ay u leeyihiin dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka, horumarinta sharciyada iyo siyaasadaha dhirta iyo daaqa iyo sidii loo maareyn lahaa saameynta isbeddelka cimilada.

Ugu dambeyn Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen wuxuu adkeeyey sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay in horumar muuqda la gaarsiiyo bulshada xoolo dhaqatada iyo reer-guuraaga iyo sidoo kale ka gungaarida hindisaha dib-u-dhireynta iyo soo noolaynta dhul-daaqsimaadkii burburay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay iskaashi wadaagga Siihayaha Safaaradda Norway

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Boqortooyada Norway ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Carsten Carlsen, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashiga labada dal ee saaxiibada ah.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay kor u qaadidda xiriirka labo dhinaclaha iyo ballaarinta wax wadaag ku suntan danaha labada dal, iyadoo diiradda la saarayo u saldhigidda iskaashi muddo fog ah oo nacfi wadaag leh.

Madaxweyne Laftagareen oo saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada

0

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdıcasııs Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada oo ay diyaarisay Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed.

Hindise Sharciyeedkan ayaa ah Xoojinta Iskaashi ku Salaysan Ilaalinta Gargaarka iyo Isla Xisaabtan Qaabka Cusub ee Maaraynta Gargaarka iyo Gaarsiinta Gargaarka Dadkii loogu talagalay.

Munaasabadda Saxiixa Hindise Sharciyeedka waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiiro ka tirsan Xukuumada Koonfur Galbeed oo uu kamid yahay Wasiirka Gargaarka, mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Hay’addaha Caalamiga ah, iyo kuwa maxalliga ah. oo uu kamid yahay ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulamay madax ka socotay Dowladdaha Kuwait Emaraatka iyo Mauritania

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo hoggaaminaya waftiga dowladda Soomaaliya ee dalka Kuwait kaga qeyb-galaya meertada 6-aad ee shirka Arab Regional Platform for DRR oo looga hadlayo yareynta khataraha musiibooyinka ayaa kulan hor-u-dhac u ah furitaanka shirka la yeeshay madax iyo wufuud ka kala socota Dowladdaha Kuwait, Emaraatka, Mauritania, madaxa Hay’adda UNDRR iyo madaxa Hay’adda WMO.

Kulankaan hor-u-dhaca u ah shirka madal-goboleedka Lixaad ee Carabta ee yaraynta khatarta musiibooyinka oo labadii sanaba mar qabsooba ayaa diiradda lagu saaray bixinta digniinaha halis wadareedka iyo maalgalinta kaabayaasha u adkaysta, iyadoo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA uu madasha la wadaagay waxqabadka Hay’adda ee la xariira EW4ALL iyo xaaladda bani’aadannimo ee dalka.

Shirkaan waxaa soo qaban-qaabiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee yareynta khataraha musiibooyinka (UNDRR) iyo Jaamacadda Carabta wuxuuna berri si rasmi ah uga furmi doonaa caasimadda dalka Kuwait, halka la soo gaba-gabayn doono 12-ka bishaan February, markaas oo la soo saari doono kharaar wax ku ool ah oo ku wajahan yareynta khataraha iyo dhisidda adkaysiga bulshada.

Duqa Muqdisho oo kulan dhiirigalin ah Aqalka Dowladda Hoose ugu sameeyay mid kamid ah dhallinyarada hal abuurka leh

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan soo dhaweyn iyo dhiiragalin ah Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu sameeyay Asad Xaajiyow oo kamid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee hal abuurka leh islamarkaana si adag oo geesinimo leh uga gudbay fal gurcan oo ay u geesteen Khawaarijta.

Asad Xaajiyow ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir sida sare ee uu ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa iyo dhiiragalintiisa, islamarkaana dardaaranka guddoomiyaha ay wax weyn kusii kordhin doonto sii wadida hal abuurnimadiisa iyo kaalinta uu kaga jiro bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa bilad sharaf gaar ah gudoonsiiyay Asad Xaajiyow, isaga oo ku dhiiragaliyay adkeysigiisa iyo sida uu tusaalaha ugu yahay in Khawaarijta aysan hor istaagi karin horumarka Bulshada.

 

 

Wasiirrada Beeraha iyo Deegaanka oo kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Cuntada ee Malco Foods

0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada mudane, Bashiir Maxamed Jaamac ,ayaa kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Cuntada ee Malco Foods.

Kormeerkan ayaa lagu eegayey sida xaruntu u shaqeyso, gaar ahaan habka kaydinta iyo maaraynta cuntada. Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Malco Foods, iyagoo uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen Wasaaradda ka go’naanshiyaha wadashaqeynta Wasaaradda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, Malco ayaa in mudo ah ka shaqeyneeysay ilaalinta tayada iyo kaydka cuntada.

Intii uu socday kormeerka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray doorka muhiimka ah ee xaruntu ka qaadan karto xasilinta sugnaanta cuntada iyo wax soosaarka dalka. Wasiirka Maareeye ayaa xusay in iskaashi dhow loo baahanyahay si loo horumariyo nidaamka keydka cuntada, halka Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada uu carabka ku adkeyay muhiimada ay leedahay ilaalinta deegaanka iyo la jaanqaadka isbeddelka cimilada.

Ugu dambeyn, booqashadan ayaa qayb ka ah dadaalada ay dowladda Soomaaliya ku doonayso in la xoojiyo sugnaanta cuntada iyo horumarinta wax soosaarka gudaha.

 

Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Talyaaniga oo xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka oo dib udhis iyo casriyayn lagu sameeyay

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Peir Mario Docco Coppi ayaa maanta xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka, kadib markii lagu sameeyay dib u casriyayn iyo qalabayn.

Howshaan dib u casriyaynta ah ee lagu sameeyay qayb ka mid ah Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa qayb ah howlaha sanadkaan lagu hormarinayo qaybo badan oo ka mid ah Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa tilmaamay in dib u casriyaynta lagu sameeyay Studiyaasha Wararka iyo Barnaamijyada ee TV-ga Qaranka ay qayb wayn ka qaadan doonaan howlaha muhiimka ah ee Warbaahinta Qaranka ay u hayso ummadda Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga sida ay uga qayb qaateen horumarinta Warbaahinta Qaranka.

“Maanta waxaan u joognaa xafladda xarig-jarka dib u casriyeynta Studiyaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Wafaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga, barnaamijkaan wuxuu qeyb ka yahay horumarinta Warbaahinta Qaranka,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac.

Sidoo kale Wasiir Daa’uud Aways Jaamac ayaa sheegay in mashruucaan uu hor dhac u yahay dib u casriyeyn xoog leh oo lagu sameyn doono Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo hadda howshoodu socoto.

Safiirka Tanyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Peir Mario Docco Coppi ayaa sheegay in dib u habaynta lagu sameeyay qaybaha ugu muhiimsan TV-ga qaranka ay tahay talaabo wax ku ool ah oo horay loo qaaday, asagoo xusay in Dolwadda Talyaaniga ay mar kasta garab taagantahay Dowladda Soomaaliya, si gaar ahna Wasaaradda Warfaafinta ay kala dhaxayso wadashaqayn balaaran.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Somalia Mudane Peir Mario Docco Coppi ayaa Shahaado Sharaf mahadcelin ah gudoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeennada sida wadajirka ah uga soo shaqeeyay hirgelinta dib u casriyaynta Studio-yaasha Telefeshinka Qaranka.