Home Blog Page 1637

Baladwayne oo laga hirgaliyay kaamam dadka lagu quudiyo

0

Muqdishi-(SONNA)- Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Maxamed Axmed Food Cadde ayaa sheegay in kaamam dadka abaarta saameysay lagu quudiyo ay ka hirgeliyeen magaalada Beladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii uu tilmaamay inay jireen dad u dhintay abaarta darteed.

Guddoomiyaha oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qoysas badan oo abaartu saamaysay ay soo gaareen Baladwayne, waxaana uu intaa ku daray in magaalada ay ka hirgaliyeen xarumo dadka soo barakacay lagu quudiyo oo ay ku siiyaan cunto bisil, maadaama ay xaalado adag oo xagga nolosha ah ay ku suganyihiin qoysaska barakacayaasha ah.

Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Maxamed Axmed Food Cadde ayaa tilmaamay in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay xalay degmada ku dileen Nabadoon caan ah, isagoo intaa ku daray inay ku raad joogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisow.

Jawaahir Baarqab “Haweenku waxay gacan weyn ka qaadan doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab”

0

Muqdisho-(SONNA)- Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan go’aannada dowladda ee ku aadan ciribtirka Al-Shabaab, la dagaallanka musuq maasuqa iyo faqriga, ayna diyaar u yihiin inay doorkooda ka qaataan kaalinta uga aadan arrintaan

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in haweenku ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan kaalinta uga aadan sidii dalka oo dhan looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Marwo Jawaahir waxay xustay inay soo dhaweynayaan kormeerka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu ku tegayo xarumaha hay’adaha dowladda, si uu ugu kuurgalo hanaanka shaqo ee hay’adaha dowladda, waxayna ay ku tilmaamtay inay tahay tallaabo ku dayasho mudan.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaa haweenka Soomaaliyeed ka codsatay inay la shaqeeyaan laamaha amniga ee dowladda, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Shir Looga Hadlayey Tayeeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho, 19, April 2017——Shir uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha Dowladda ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho, waxaana shirka ka soo qayb galay dhamaan wasiirada iyo wakiilo ka kala socday Hay’adaha ka fa’iidaysanaya Mashruuca Tayeeynta Hay’adaha dowlada (Capacity Injection Program CIP) oo uu maalgaliyo Bangiga Aduunka.

Ugu horayntii Isku duwaha Mashruuca Maxmed Farax ayaa ka warbixiyey heerarka kala duwan ee uu soo maray iyo sida looga fa’iisaydatay mudadii uu jiray iyo mustaqbalka sida looga fa’iidaysan karo.

“Waxaa kulankaan u jeedkiisu yahay inaan la wadaagno Hay’adaha ka fa’idaysta mashruuca warbixina kasiino halka uu ka soo bilowday, hadafka laga leeyhaya iyo doorka ay ku leeyihiin dhinacyada ka soo qayb galay. Waxyaalaha Mashruucaan qabanayo waxaa ka mid ah tayeenta shaqaalaha iyo awood dhisida hay’daha dowladda ee lafdhabarka u ah shaqoyinka maalinlaha ah, xoojinta iyo tageerida dhinacyada asaasiga u ah ka shaqeynsiitna nidaamka dowlaiga si loogu istaajiyo qaab wax qabad leh oo la wada dhan yahay, lehna isla xisaabtan qeybaha dowladda ee heer federal” ayuu yiri Maxamed Faarah.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Cabdullahi Xaamud ayaa la hadlay saxaafada shirka kadib isagooona sheegy in madaama ay dhalatay xukuumad cusub ay lagama maarmaan tahay in xog laga siiyo wasiiradda halka u marayo iyo qaybaha ay ku leeyihiin mashruucaan.

“Waxaan u mahadcelinayaa hay’adaha dowaldda ee ka soo qaybgalay kulanka xog siinta hay’adaha uu khuseeyo mashruucaan, waxaana dowaldda kala shaqeeya Bangiga Aduunka, waxaana mashruuca qaybtiisa hore laga hirgaliyey qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, Waxaan u qabanay shirkaan inaan ogaano meesha u baahan tayaynta” ayuu yiri Wasiir Xaamud.

Mashruucaan ayaa waxaa ka fa’iidaysata Xafiiska Madaxweynaha, Xafiisaka Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka, Gudiga Shaqaalaha Rayidka iyo Bangiga Dhexe, waxa kale oo mashruucaan ka fa’iidaysta qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka.

Mashruucaan ayaa wuxuu salka ku hayaa isbadalkii dhacay Augst 2012 oo Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladii KMG ahayd, waxaana shirkii Brusseles ee 2013-kii la isla qaatay in la hirgaliyo mashaariic ay dowladda Soomaaliya garwadeen ka tahay, waxaana barnaamijkaan laga taakuleyaa sanduuqa loo yaqaan Somali Multi Partner Fund (SMPF) iyadoo deeqdaasna la soo marsiiyo Bangiga Aduunka.

—-DHAMMAAD—-

Jawaahir Baarqab “Haweenku waxay gacan weyn ka qaadan doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab”

0

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan go’aannada dowladda ee ku aadan ciribtirka Al-Shabaab, la dagaallanka musuq maasuqa iyo faqriga, ayna diyaar u yihiin inay doorkooda ka qaataan kaalinta uga aadan arrintan.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in haweenku ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan kaalinta uga aadan sidii dalka oo dhan looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Jawaahir Baarqab ayaa xustay inay soo dhaweynayaan kormeerka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu ku tegayo xarumaha hay’adaha dowladda, si uu ugu kuurgalo hanaanka shaqo ee halkaasi ka socda, waxaana ay ku tilmaamtay inay tahay tallaabo ku dayasho mudan.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaa haweenka Soomaaliyeed ka codsatay inay la shaqeeyaan laamaha amniga ee dowladda, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka oo dhiirigelineysa Bandhigga TEDxMogadishu 2017

0

Mogadishu (SONNA) – Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Hay’ada TEDxMogadishu ayaa soo dhoweeyey isla markaasna dhiirigeliyey Bandhiga TEDxMogadishu oo maalinta Khamiista 20ka April 2017 laguna qaban doono Muqdisho, Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “TEDxMogadishu waxey ku ammaananyihiin doorkooda ay bulshada ku gaarsiinayaan horumarka dalka ka jira oo ay marwalba ku soo bandhigaan sawiro, barnaamijyo, farshaxan, sawir gacmeed iyo sida ay marwalba uga shaqeeyaan isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Federaalku waxey aad u soo dhoweyneysaa Bandhiga TEDxMogadishu ee sanadkan oo ay mowduuc uga dhigeen Iskaa Wax U Qabso si bulshada loogu dhiirigeliyo inay dalkooda dhistaan.”

Caasimadda Muqdisho ayaa ah mid dib u soo bilicday oo bulshada Soomaaliyeed ay ku muujiyeen sida ay wax u qabsan karaan, oo dhalinyarada, ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshadu ay maalin walba door ka qaataan quruxda iyo bilicda Muqdisho iyo gobollada kale.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Soomaalidu waa dad ku fiican ganacsiga, is-dhexgalka, is-kaalmeynta iyo gancsi-wadaaga oo keentay in shacabku ay dalkooda dib u dhistaan. Waxaana farxad ah in TEDxMogadishu ay sanadkan 2017 mowduuca ay xusheen uu noqday Iskaa Wax U Qabso oo Soomaalida taariikh weyn ku leh, ahaana mashruucii dalka lagu soo dhisay oo ay bulshadu si hagar la’aan ah uga wada qeybqaateen. Maantana waxaa la joogaa waqtigii dib loo soo nooleyn lahaa barnaamijkaas Iskaa Wax U Qabso.”

Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa si toos (live) ah u soo tabin doona bandhiga TEDxMogadishu, Khamiista 20ka April 2017, iyadoo qof walbana laga codsanayo inuu kaalin ka qaato sidii quruxda iyo horumarka dalka ka jira loo gaarsiin lahaa caalamka si fikirka laga qabo Soomaaliya loo saxo. Soomaaliya Soomaali baa iska leh, sidaas daraadeed qof kale kuuma qabanayo howshaada oo ah soo celinta sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha
media@moi.gov.so ama sidiqfaarax@gmail.com

 

(Qormo) Musuqa mawjad hadda shidan: Fasiraad & falan-qayn !

0

Madaxda dawladda Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa tilmaamay in Musuqa uu Qatar ku yahay jiritaanka iyo dawlad wanaaga ayna adag tahay in hay’adaha dawlada lala xisaabtamo haddii aan loola dagaalamin Musuqa, wuxuu kamid yahay seddex waxyaabood oo dawlada Cusubi ka go’an tahay in ay la dagaalanto sida Al-Shabaab, Musuq-maasuqa iyo Faqriga.

Musuq wuu jiraa iyo ma jiro ma ahan waxa la’isku hayo ee si baahsan buu u jiraa waxaana daraasado dhawr ah oo la sameeyey baa kaalimaha hore ee dawladaha uga musuqa badan baan uga jirnaa, waxaa sidaas ku qiray khudbadihiisa  oo uu bishan April jeediyey madaxweyne Farmajo.

Bile C/raxmaan Tubey, waa arday darajada labaad, Maamulka iyo maareynta ku diyaarinaya jaamacad ku taalo Columbus ee dalka Mareykanka, wuxuuna aaminsan yahay in Musuqa uu la dagay dalkan, wuxuuna ku talinayaa in la dhisi hay’ado la dagaalamo.

“Soomaliya musuqa ka jira wuxuu ku milmay jirka beni’aadamka, dhiiga iyo lafaha ayuu galay, adeeg kasta oo nolosha ayuu saameeyey, waxaan qabaa in hay’ad dawli oo gaar ah loo sameeyo kana hortagta ama la dagaalanka Musuq-maasuqa, waana in sidoo kale la dhisaa hay’ado dhanka sharciga iyo ciidamo fuliyo arrintaasi”, Bile ayaa sidaa yiri.

Hay’add dawladeed, mid ganacsi ama shaqsiba waxa ay aad uga celceliyaan in ay wax ka qabanayaan meelaha ay ka liitaan(Weakness) halka kuwa kalena ay qariyaan.

“Dawladda waxa ay ku cel-celinaysa in ay wax ka qabanaysa Musuqa ama amaanka oo ah meelaha culayska uu ka haysto, shirkadaha waaweyn ee ganacsiga waxa ay kuu sheegayaan in wax ka qabanayaa daryeelka macaamiisha ama xiriirka dadweynaha waa halka laga haysto, halka garoob ay isku kaa sheegto in ay gabar tahay iyadoo ku celcelisa in ay gabar tahay, waxaana ay qarinaysaa garoobnimada oo u aragta ceeb, waa meelaha ay ka liitaan dhamaan”, Waxaa sidaas dood ku falan-qaynay aniga nin aan saaxiibo nahay oo u dhaq-dhaqaaqa nabbadda iy hurumarinta adeegyada bulshada oo la yiraahdo Maxamed Maxamuud Ducaale.

Madaxda dawladaha Africa badidooda ayaa afarta sano ama waxa ka badan ee ay hayaan xafiiska madaxtinimo ay fursadaha shaqo iyo xilba ay siiyaan kuwa qabiilka la ah ama qaraabada ah halka marka la bedelo uu isna dhaqankaas oo kale uu ku kacayo kan kale ee ka dambeeyo uuna soo urur-sanayo kuwa ku haybta la ah ama xisbiga ah.

Soomaaliya waxa uu musuqa ka galay adeegyada dawladda guud ahaan, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, korontada, isgaar-siinta iyo cuntada, waxaana isku larmay adeegyada danta guud iyo danta gaar ahaaneed iyadoo mudnaanta la siiyo tan gaarka oo leh faa’ido shaqsiyadeed(Musuq).

Mas’uul hayo xil qaran baa isbedelo ku samaynayo meesha loo magacaabay, iyadoo uu u danaynayo qabiilkiisa ama dadka saaxiibadiisa ah ee ay shaqada isku fahmi karaan uuna meesha ka cayrinayo kuwa uu u arko in aysan meesha ku haboonayn, balse layaabka waa inuu yiraahdo in uu “Musuqa la dagaalamayo”, marka waxaad isleedahay musuqa hadba sida loo fasirto miyaa?

Musuqa waa hab aan caadalad ahayn oo mas’uulka dawladeed uu u adeegsado awooda si xun oo faa’ido shaqsi ku jirta, laaluush, wax is daba marin, lacag lunsi.Musuqa wuxuu dadka qaar ka weeciyaa in waxa ay xaqa u leeyihiin u maraan hab aan sharci ahayn.

Si loo helo document-safar sida passport, adeeg caafimaad, waxbarasho ama arrimo kale waxaa la maraya wadda aan ahayn middii sharciga ahayd, mararka qaar weji garasho iyo laaluush badan ayaa lagu helaya haddii kale maalmo badan ayaa lagu lu go’a oo erayga ‘Beri’ oo isaga ma dhamaato ah baa loo adeegsadaa dadkii mudnaa in loo adeego.

Geba-gebo

Waxaa war wanagaasan oo lagu farxo ah in dawlada Soomaaliya si aan looga baran dawladihii iyada ka horeeyey ay ugaga hadlayso wax ka qabashada Musuq-maasuqa, waxaase iga talo ah in arrinkaasi ficil loo bedelo oo afka baarkiisa uusan noqon si albaaba badan oo dadweynaha ka xiran maanto oo uu beri uga furmo.

In guddi iyo hay’ad la dagaalama loo yeelo kuwaas oo aan la laalushi Karin, In wacyi gelin joogta ah kuna saabsan ololaha Musuqa lagu cirib tirayo la kordhiyo ayna wasaarada Warfaafinta iyo Hunuuninta Dadweynaha Hormuud ka noqoto. Waxan filaayo in laga gun gaari doona haddii loo guntada arrintan si wadajir ah oo niyad san loo wajaho.

By Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

Tifaftiraha Wakaalada SONNA Qaybta English-ka

E-mail: Blackcobra33@hotmail.com  

Dowladda Federaalka oo dhiirigelineysa Bandhigga TEDxMogadishu 2017

0

Mogadishu, 19 April 2017 – Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Hay’ada TEDxMogadishu ayaa soo dhoweeyey isla markaasna dhiirigeliyey Bandhiga TEDxMogadishu oo maalinta Khamiista 20ka April 2017 laguna qaban doono Muqdisho, Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “TEDxMogadishu waxey ku ammaananyihiin doorkooda ay bulshada ku gaarsiinayaan horumarka dalka ka jira oo ay marwalba ku soo bandhigaan sawiro, barnaamijyo, farshaxan, sawir gacmeed iyo sida ay marwalba uga shaqeeyaan isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Federaalku waxey aad u soo dhoweyneysaa Bandhiga TEDxMogadishu ee sanadkan oo ay mowduuc uga dhigeen Iskaa Wax U Qabso si bulshada loogu dhiirigeliyo inay dalkooda dhistaan.”

Caasimadda Muqdisho ayaa ah mid dib u soo bilicday oo bulshada Soomaaliyeed ay ku muujiyeen sida ay wax u qabsan karaan, oo dhalinyarada, ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshadu ay maalin walba door ka qaataan quruxda iyo bilicda Muqdisho iyo gobollada kale.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Soomaalidu waa dad ku fiican ganacsiga, is-dhexgalka, is-kaalmeynta iyo gancsi-wadaaga oo keentay in shacabku ay dalkooda dib u dhistaan. Waxaana farxad ah in TEDxMogadishu ay sanadkan 2017 mowduuca ay xusheen uu noqday Iskaa Wax U Qabso oo Soomaalida taariikh weyn ku leh, ahaana mashruucii dalka lagu soo dhisay oo ay bulshadu si hagar la’aan ah uga wada qeybqaateen. Maantana waxaa la joogaa waqtigii dib loo soo nooleyn lahaa barnaamijkaas Iskaa Wax U Qabso.”

Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa si toos (live) ah u soo tabin doona bandhiga TEDxMogadishu, Khamiista 20ka April 2017, iyadoo qof walbana laga codsanayo inuu kaalin ka qaato sidii quruxda iyo horumarka dalka ka jira loo gaarsiin lahaa caalamka si fikirka laga qabo Soomaaliya loo saxo. Soomaaliya Soomaali baa iska leh, sidaas daraadeed qof kale kuuma qabanayo howshaada oo ah soo celinta sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha
media@moi.gov.so ama sidiqfaarax@gmail.com

Kulan looga hadlayay Tayaynta hay'adaha Dowladda oo lagu qabtay Muqdisho+ Sawirro

0

Muqdisho-(SONNA)- Kulanka oo looga hadlayey Mashruuca Tayeynta hay’adaha dowladda oo uu maal galinayo Bankiga Aduunka waxaa ka qayb galay wasiiro katirsan xukuumadda Federaalka ah, agaasimayaal, madaxda guddiga shaqaalaha rayidka xubno matalayey Bankiga dhexe iyo masuuliyiin ka socday xafiiska  ra’iisul wasaaraha.

Mashruuca oo isku dabaridkiisu uu leeyahay xafiiska Wasiirka koowaad ayaa dhinacyada ka qayb galay lala wadaagay xog ku saabsan halka uu ka soo bilowday mashruuca Tayaynta Hay’adaha dowladda, hadafka laga leeyahay iyo doorka ay ku yeelanayaan dhinacyada ka qayb galay kulanka.

Wasiiru- dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdullahi Xaamud ayaa warbaahinta u sheegay in kulankaN uu yahay wargalin iyo xog la wadaagis wasiirada cusub oo door ku leh mashruuca tayaynta hay’adaha dowladda.

Hadafka ugu wayn ee mashruuca tayaynta Hay’adaha dowladda ayaa ku salaysan sare u qaadista iyo horumarinta howlaha ay hayaan hay’adaha dowladda , sida uu mar kale sheegay Mudane Cabdullaahi Xaamud wasiiru dowlaha xafiiska Raiisul wasaaraha.

Dowladda Soomaaliya oo xiligan ku howlan dar dar galinta howlaha qaranka ayaa wada qorshayaal kaalin ka qaadanaya dhismaha iyo sare u qaadista shaqada hay’adaha dowladda.

Kulan looga hadlaayey Tayeynta Hay’addaha Dowlada oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

0

Kulanka oo looga hadlayey Mashruuca Tayeynta hay’adaha dowladda oo uu maal galinayo Bankiga Aduunka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka ah, Agaasimeyaal, Madaxda Guddiga Shaqaalaha Rayidka xubno matalayey Bankiga Dhexe iyo masuuliyiin ka socday xafiiska  Ra’iisul wasaaraha.

Mashruuca oo isku dabaridkiisu uu leeyahay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinacyada ka qeyb galay lala wadaagay xog ku saabsan halka uu kasoo bilowday mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda, hadafka laga leeyahay iyo doorka ay ku yeelanayaan dhinacyada ka qeyb galay kulanka.

Wasiiru Dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdullahi Xaamud ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka uu yahay wargalin iyo xog la wadaagis Wasiirada cusub oo door ku leh mashruuca tayeynta Hay’adaha Dowladda.

Hadafka ugu weyn ee mashruuca tayeynta Hay’adaha dowladda ayaa ku saleysan Sare u qaadista iyo horumarinta howlaha ay hayaan Hey’adaha Dowladda , sida uu mar kale sheegay Mudane Cabdullaahi Xaamud Wasiiru Dowlaha xafiiska Raiisul Wasaaraha.

Dowladda Soomaaliya oo xiligan ku howlan dar dar galinta howlaha qaranka ayaa wada qorshayaal kaalin ka qaadanaya dhismaha iyo sare u qaadista shaqada hay’adaha dowladda.

Kulan looga hadlaayey tayeyta Waxbarashada Dalka oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay

0

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa  tayeynta waxbarashada Dalka ayaa waxaa  Magaaladda Muqdisho ay ku yeeshay  Wasaaradda Waxbarashada  iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ah iyo Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad Goboleeedyada,waxaana kulanka soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada , Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ah.

Kulanka ayaa qeybtiisa hore looga hadlay kulamo wada tashi oo horey wasaarada waxbarashada ee dowladda Soomaaliya ay ugu  qabatay qeybaha waxbarashada ee Dowladda Goboleedyada ,waxaana wasiirada waxbarashada ee Dowlad Goboleedyada ay ka hadleen aragtidooda kulankan iyo sida ay la tahay in waxbarashada dalka lagu horumarin karo.

Wasiiru Dowlada Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud C/lle ‘’Jaabiri iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay horumarinta waxbarashada dalka islamarkaana looga baahanyahay Dowladda Goboleedyada in ay ku dadaalaan horumarinta waxbarashada deegaanadooda.

Wasiirka Arimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid ‘’Juxa’’ ayaa kula dardaarmay Madaxda waxbarashada ee Dowlada Dhexe iyo Dowlad goboleedyada in la sameeyo Xarumo dowladeed,iyadoo laga tala gelinaayo Daladaha waxbarashada maadaamaa ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarinta waxbarashada ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in ujeedka uu yahay in ubadka Soomaaliyeed uu helo waxbarasho tayeysan.