Yuusuf Garaad “15 Maxaabiis dheeri ah ayaan dedaal ugu jirnaa inaan Hindiya kala soo wareegno”

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa noo sheegay hadalladaan, isaga oo ku sugan dalka Hindiya

15 Maxbuus oo ka mid ah 118 – ka Maxbuus ee Soomaalida ah ee ku xiran magaalada Mumbai oo aan hadda joogo ayaa Maxkamad la soo taagay.

15 – ka maanta Maxkamadda la soo taagay waxaa lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah.

Waxay hore u xirnaayeen min 6 sano iyo bar.  Markaa xukunka maanta macnihiisu wuxuu yahay in ay xabsigooda ay ka hartay 6 bilood oo keliya.

Waxaa kale oo lagu xukumay ganaax aan badneyn.

Heshiiska shalay ay galeen Soomaaliya iyo India wuxuu qorayaa in aan maxaabbiista xabsigooda ay ka hartay 6 bilood wax ka yar aanuu saameyneyn heshiisku.

Aniga iyo wafdigeyga iyo safaaradda oo kaashaneyna Qareenka maxaabbiista oo ay dhalashadiisu Indian tahay, waxaan ka shaqeyneynaa tabtii ay ku suurta geli lahayd in 15-kan maxbuus ay ka mid noqdaan kuwa dalka lagu soo celin doono.

Kooxda xigta ee Maxaabbiista ah waxaa xukunku ku dhici doonaa maalinta Sabtida ah.

Xabsiga oo maanta aan soo booqannay, wixii aan kale kulannay qormo kale ayaan ku soo gudbin doonaa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...