Home Blog Page 1636

Ardayda Jaamacadda SIU oo ka hadlay xaalufinta dhirta iyo dhibaatada ka dhalan karta

0

Munaasabad lagu xusayay Maalinta todobaadka Dhirta Soomaaliyeed kaasi oo looga hadlayay dhibaatada ay u leedahay  xaalufinta dhirta deegaanka oo ay soo qaban qaabiyeen  ardayda kuliyadda beeraha ee Jaamacadda  SIU  ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadda SIU ardayda wax ka barata Jaamacadda  aqoonyahanno, Waalidiin,  Xildibaanno iyo marti sharaf kale.

Inta ay munaasabada socotay ayaa ardayda kuliyadda beeraha ee Jaamacadda SIU  waxa ay goobta  ku soo bandhigeen dhibaatada  ay leedahay xaalufinta  dhirta iyo sidii loo joojin lahaa.

Fowsiya Aadan Maxamed oo ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadda  SIU gaar ahaan kuliyadda beeraha ayaa tilmaamtay in xaalufinta dhirta ay keeni karto nabaad guur.

Madaxa Maammulka iyo maaliyada ee Jaamacada SIU Suheyb Cilmi Dhuxulow oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in maalinta xaalufinta dhirta Soomaliyeed ay u leedahay bulshada Soomaaliyeed  qiima weyn isla markaana looga baahanyahay bulshadu in ay ka qeyb qaataan joojinta xaalufinta dhirta.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi ayaa kula dardaarmay bulshada Soomaaliyeed in ay  meel ugu soo wada jeestaan sidii loo joojin lahaa xaalufinta  dhirta.

Wasiirkii hore ee beeraha Ahna Gudiga  Abaaraha  Qaranka Maxamed  Cabdi Baafe ayaa  ka hadlay  dhoorka ay ka qaadan karto dhirta horumarinta deegaanka,  wuxuuna  ku booriyay  bulshada Soomaaliyeed in ay door  muuqda ka qaataan  joojinta xaalufinta dhirta.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo booqday deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka J/Hoose

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku tagay deeganka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo mudo kahor laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa socdaal dhinaca dhulka ah ku tagay deeganka oo ay dagan yihiin ciidamada qalabka sida waxaana  Kismaayo ay u jirtaa 45 KM.

Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyay xayndaabka Xerada milateri ee ay ciidamadu halkaas ku leeyahiin, waxaana uu warbixino ka dhagaystay Saraakiisha iyo hogaanka ciidanka ee halkaas ku sugnaa, isagoo kulan gaar ah oo lagaga hadlayay abaabulka hawlgalka Jubbaland lagaga xoraynayo Al-Shabaab uu la yeeshay Saraakiisha waxaana intaas kadibna ku dhiiri galiyay in ay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha gaar ahaan in ay caawiyaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool deeganka maadama ay dhibaatadii Argagixisada ka dulqaadeen.

Dhamaan ciidamada dowlada ayuu madaxweynahu sheegay in xuquuq lama taabtan ah ay leeyahiin maadama ay naftooda u hurayaan sidii ay amaan ugu seexan lahayeen hooyooyinka iyo caruurta Soomaaliyeed.

Mushaarka iyo daryeelka ciidanka ayuu xusay madaxweynahu in ay xooga saareen mudadii u danbaysay isla markana askari walba oo ka tirsan darawiishta uu helo mushaar joogto ah intaasna laga sii kordhin doono.

Madaxweynaha Jubbaland  ayaa sheegay in farqiga ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab u dhexeeya uu yahay in ay Shabaab doorteen dhibaataynta dadka aan waxba galabsan halka ciidamadu ay biyaha iyo daawada la daba joogan oo ay kaalmaynayaan.

Ciidamada tababaradu ay u socdaan marka ay dhamaystaan layliga askarinimo ayuu xusay madaxweynahu in la bilaabayo hawlgalkii ugu danbeeyay oo Al-Shabaab lagaga xoraynayo gobolka marka hawshaas ay fushana ay ku dadaali doonan sidii Soomaalida kale gacan looga siin lahaa dabar jarka Argagixisada.

Wasiirka warfaafinta oo la kulmay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

0

Wasiirka warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay   Safiirka Imaaradka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Cusman, iyadoo kulanka looga hadlay sidii Imaaraadka Carabta ugu qeyb qaadan lahaa tayeynta warbaahinta qaranka.

Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha, ayaa danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta ugu mahadceliyay ololihii dhaqaale loogu aruurinayay dadka Soomaaliyeed oo Jimcihii laga bilaabay dalkaas.

Eng. Yariisow wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale ka codsaday dowladda Imaaraadka in wasaaradda warfaafinta ay ka caawiso dhanka qalabka iyo tayeynta shaqaalaha warbaahinta qaranka.

Ololahan dhaqaale aruurinta ah ayaa si toos ah loogala socday Telefishinada iyo Idaacadaha dalkaas, iyadoo ololahan uu amray Madaxweynaha dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, Shaikh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan.

Wasiirka warfaafinta iyo danjiraha Isutaga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa waxaa ay kormeereen keydka hadalka ee Radio Muqdisho.

CHAN CUP: Soomaaliya oo maanta la ciyaareeyso Suudaanta Koonfureed

0

Xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya ee kubbadda cagta, ayaa ku sugan waddanka Jabuuti, iyagoo halkaas kula dheelli doonno dhiggooda Suudaanta Koonfureed, waxanna ay ku kulmayaan koobka Chan-ka ee laga dheello qaaradda Afrika.

Soomaaliya, ayaa gurigeeda ahaan waxa ay ku ciyaari doontaa Jabuuti, iyadoo lugta labbaad ay ka dhici doonto 30-ka bishan magaalada Jubba ee xarunta Suudaanta Koonfureed.

Ciyaartooyda Soomaaliyeed ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxa ay tababar ku qaadanayeen garoonka Jamaacaddaha ee ku yaallo degmada Hodan, waxanna ay tababarkaasi ugu diyaar garoobayeen tartankan.

4:00 (Galabnimo), ayuu bilaabban doonnaa kullanka waxaanna laga daawan doonnaa TV-ga dalka Jabuuti ee RTD.

Shaxda la sii saaddaalinaayo:

Mustaf Maxamed Yuusuf,C/qaadir C/Raxman Daandii,Ciise C/qaadir Ibaarhim, Idiris Amiin Cali,Xasan Cali Rooble,Mahad Muxidiin Xaaji,Cabaas Amiin Maxe’d,Daa’uud C/llahi Tubaal,Cadaani Barre Ciise,Bile Muxidiin Buraale,C/Shakur Maxamud Max’ed (Aalla).

Xulka qaranka ayaa laga filayaa natiijo wanaagsan oo kala yimaado tartankan.

Hey’adda WFP oo raashiin nafaqeysan keentay Muqdisho

0

Hey’adda qaramada midoobey u qaabilsan cunada ee WFP ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho ay ka dejisay diyaarad xamuul ah oo sida  raashiin nafaqeysan oo loogu talagalay dadka abaartu saameysay, cunadan nafaqada leh ayaa ah  buskut-ka soo celiya durba nafaqada kuwaas oo lagu quudin doono 31,000 oo ruux muddo sadex beri ah.

Xamuulkan ayaa lagu keeney diyaarad nuuceedu yahay, Boeing 747 oo ay ku tabarucday shirkadda  UPS Foundation oo fadhigeedu yahay Dubai,  waxaana kamid ah gargaarka WFP ay keentay dalka dawo oo ay u soo wakiilatay hey’adda kale ee ay bah wadaagta yihiin ee WHO.

“Jawabtan deg dega ah waxaa ay taageero muhiim u tahay qoysaska abaaruhu saameeyeen ee ku nool Soomaaliya ,”  waxaa sidaa sheegtay wakiilka WFP ahna gaasimaha xafiiska Khaliijka Abdallah Alwardat. Isagoo intaa ku daray “ Diyaaraddan xamuulka ah waxaa ay tusaale u tahay hey’adda WFP  iyo hey’adaha kale in si wadajir ah u gaaraan dadka u baahan caawimaada.”

WFP ayaa sidoo kale, sheegtay in cunada ay muhiim u tahay  dadka nugul gaar ahaan carruurta kuwaas oo ka barabaxay deegaanadii ay deganaayeen mana heli karaan raashiin iyo aqabka wax lagu karsado.

Sida qaramada midoobay laga soo xigtay qisastii, nus kamid ah tirada dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan  330,000 oo carruur ah ay heysato nafaqa daro, waxayna u baahan yihiin kaalmo deg deg ah.

Hey’adda cuntada u qaabilsan qaramada midoobay ee WFP ayaa xustay in maalmaha soo socda ay keeni doonto noocyo kale oo  ah raashiinka nafaqeysan ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed oo la kulmay naafada Qaranka

0

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed mudane; Maxamed Sheekh Cusmaan Aaden (Jawaari) ayaa kulan la qaatay xubno ka mid ah ururka naafada Qaranka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay Muqdisho.

Xubnahan kulanka la qaatay Afhayeenka golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay u soo bandhigeen dhibaatooyinka gaarka u ah iyaga ee ay doonayaan inay Dowladda dhexe wax ka qabato.

Mr;Salaad ayaa intaa ku daray in Dowladda ay ugu fadhiyaan in ay sameyso sharci qeexaya xuquuqda ay Dalka ku leeyihiin Dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Guddoomiyaha golaha naafada Soomaaliyeed Sayid Cali C/laahi Salaad, ayaa  sheegay inay Dowladda dhexe ka rabaan in dastuurka lagu daro qodobo caddeynaya daryeelka ay leeyihiin Dadka naafada ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in laga shaqeyn doono dib u soo nooleynta wakaaladdii qaabilsaneyd daryeelka Dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Mudane Jawaari, ayaa ballan qaaday in golaha naafadda laga qeybgelin doono dib u eegista dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, si ay u helaan xuquuqdooda.

Ma jiro tira koob rasmi ah oo qeexaya tirada Dadka Soomaaliyeed ee qaba baayihaha gaarka ah, waxaana xusid mudan in Dadka lixaadkoodu dhiman yahay ay qudhooda kala duwan yihiin dhan kasta.

Lacago loo uruurinaayo dadka ay saameyeen abaaraha oo ka socda Dalka Imaaraadka Carabta

0

Madaxda hey’adaha samofalka ee ka dhhisan dalka Imaaraadka Carabta ayaa bilaabay olole gargaar oo dadka ku nool dalkaasi ay kaga qeybqaadanayaan soo uruurinta lacago gaaraya shan boqol oo milyan oo Dirham oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay dhibatadu ka soo gaartay abaaraha.

Ololahaan oo ay hoggaaminayaan Madaxa Golaha sare ee Hey’adda Samofalka Cajmaan ee dalka Imaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin C/lla Al-nuceymi iyo ururka Bisha Cas ,waxaa si tasmi ah uu uga bilowday magaalooyinka uu ka kooban yahay dalka Imaaraadka Carabta,iyadoo dadka ganacsatada ah,kuwa caadiga ah ,maalqabeenada iyo shaqaalaha dowladda laga qaadayo adeegyada dhaqaale ee ay bixin karaan .

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay fulinta amar todobaadkii hore ka soo baxay madaxweynaha Imaaraadka Carabta sheekh khalifa bin Zayid Aala nahyaan, kaas oo sheegaya in la uruuriyo lacago kaalmo ah oo lagu gargaarayo  dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay ka qeybqadaneyso ololahaasi dadka Soomaaliyeed loogu ururuurinaayo lacago kaalmooyin ah oo wax loogu qabto dadka la ildaran abaaraha eek u kala firirsan gobolada dalka,waxayna madaxda Imaaraadka ay xuseen in ay abbaal weyn u hayaan dadka Soomaaliyeed oo sanadihii lixdameedyadii iyo todobaatameeyadii gurmad u fidiyay dadka Imaaraadka

Madaxa Golaha saree e Hey’adda Samofalka dalka Imaraadka ayaa qiray in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmooyin dhaqaale loogu diri doono dadka Soomaaliyeed,iyadoo laga duulayo saaxiibtinimada qotoda dheer ee u dhaxeysa labada dal.

Maalinimadii shalay masaajidda iyo goobaha ganacsi ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa ka bilowday ururinta lacago gurmad ah oo loo qorsheeyay dadka la ildaran abaaraha

Askari saakay lagu fuliyay xukun dil ah

0

Abaaro 09:00 subaxnimo waxay Maxkamada Dar 1aad Ciidamada Qalabka Sida Ufariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiigle Ex-A/le Bol. Axmad Cabdi Maadeey 28 jir ah Ina Khadiijo Kuusoow ku dhashay Bu,aale ka tirsanaa Saldhiga Boliiska Degmada Afgooye, kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey in  uu dilay Marxuum la oran jiray Maxamed Cali Cabdalla , Tr. 05/01/2016 dilkaas oo ka dhacay degmadda Afgooye, waxayna ku Xukuntay Diyadii Marxuumka .

Waxaa rafcaan ka qaatay   Xukunka Maxkamadda D.1’aad C.Q. Sida Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Taariikhdu markii ay ahayd 30/07/2016 waxayMaxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida U fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiigle Ex-A/le Bol. Axmad Cabdi Maadeey waxayna ku Xukuntay Dil Toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum Maxamad Cali Cabdalla.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 22/04/2017 waxaa lagu fuliyay Xukunkii dilka ahaa.”

WABILLAAHI TOW-FIIQ.

Dowladda UK oo ku dhawaaqday taageero cusub oo adkeynta amniga ah

0

Hanaanka amniga qaranka ayaa si tartiib tartiib ah u awoodi doona in uu la wareego mas’uuliyadda ammaanka dalka.

Dowladda UK ayaa sheegtay in kaalin weyn ka qaadan doonto soo celinta nabadda iyo xasiloonida, iyadoo 21 milyan oo Bound ay ku bixin doono Soomaaliya.

Tani ayaa qaabi doonta taageeradii horey jirtay ee UK ay bixineysay Soomaaliya, waxaana kamid ah in dalka ay yimaadeen tababariyaal ka socoda  Britain, kuwaas oo tababari doono ciidanka Soomaaliya iyo kuwo AMISOM si ay ugu shaqeeyaan xasilinta iyo la dagaalanka kooxaha arga-gaxisada.

Amniga ayaa kamid ah ajendiyaasha ugu waa weyn oo lagu soo qaadi doono shirka 11 bisha May ee sanadkan ka furmi doona magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaas oo ay ka qeybgali doonaan madaxda dalka, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo mataliyaal ka socda dalalka iyo hey’adaha taageera Soomaaliya si dalka ugu socdo waddadii uu ku gaari lahaa nabada iyo barwaaqo sanadka 2020.

Warkan qoraalka ah oo ka soo baxay dowladda UK ayaa waxaa sidoo kale, lagu sheegay in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan amniga, dib u qaabeynta siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta arimaha bulshada si loo xaqiijiyo dhismaha iyo horumarka ay Soomaaliya sameysay shantii sano ee u dambeeyay.

Shirka London, ayaa sidoo kale waxaa looga hadli doonaa arimaha gargaarka oo tiro badan oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin cuno, iyadoo  la sameyn doono jawaab celin caalami ah oo ku aadan abaarta ka jirta dalka isla markaana la sii wadi doono dadaalada loogu hortagayo macluul ku baahda dalka.

Ciidamada Xoogga oo toogtay nin dhawaan dil u geystay askari ka tirsan AMISOM

0

Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta howlgallo ay ka sameyeen duleedka Bari ee magaalada Buulo burde ee gobolka Hiiraan, waxa ay toogasho ku dileen nin dhawaan dil u geystay askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan ciidamada Jabuuti.

Ninka ay ciidamada toogteen ayaa isku dayay in uu iska caabiyo ciidamada oo doonayay inay nolosha ku soo qabtaan, waxaana ciidamada u suurta gashay inay goobta ku toogtaan, kaasi oo meydkiisa la keenay magaalada Buulo burde iyo qorigii uu ka dishay askarii ka tirsanaa AMISOM.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 21aad Maxamed Cabdiqaadir Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleystaan inay toogtaan ninkii ka dambeeyay falka dilka ah, waxana uu intaa ku daray in maalinta beri ah ay Maxkamadda soo taagi doonaan mid kale oo falkaasi lagu tuhmayo.

“Falka dilka ah ee Askariga AMISOM waxaa la geystay Arbacadii, waxaana jirtay in magaalada ay soo gaareen wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi kale oo dhanka Beledweyne ka socday, runtii Maxkamadda ayaa go’aamisay in la soo qabto saddex nin oo kiiska loo heysto, labo ka mid ah waa ay baxsadeen, halka mid kale la qabtay, labada baxsatay mid ka mid ah ayay ciidamada ka daba tageen oo ay toogteen markii uu diiday in uu isu dhiibo, meydkiisa magaalada ayaa la keenay iyo qorigii uu ka dishay Askariga Jabuutiyaanka ah” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Qeybta 21aad.

Ninka ay ciidamada toogteen ayaa ka mid ahaa ciidamada balse si hoose ula shaqeynayay argagixisada Al-Shabaab, taasi oo keentay in uu geysto falkaasi dilka ah, balse ciidamada xoogga ayaa soo afjaray arrintaasi