Mogadishu, 09 April 2017 – H.E. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), the Minister for Information of the Federal Government of Somalia has today suspended the Director General and the Director of Finance of the Ministry of Information on grounds of misconduct and corruption allegations.
Eng. Yarisow who has officially taken the office of the Ministry of Information of the Federal Government of Somalia on the 2nd of April 2017, has started reviewing and observing the handover documents, and as well did facts finding investigation with the staff in the Ministry. The Minister has found out that there are many serious complaints and allegations, which are indicating that there is misconduct and wider corruption of which the Director General and the Director of Finance of the Ministry of Information were responsible for.
Therefore, the Minister for Information has suspended the Director General and the Director of Finance in the Ministry of Information, so that the concerned agencies can do their official investigations based on these immense charges.
The Federal Government of Somalia is giving higher priority to the fighting against corruption. “We are zero tolerance to either poor governance or corruption, this will be the first step to implement good governance with accountability and transparency, so as to serve well the Somali people” said Engineer Yarisow. This is a message to the entire employees in the Ministry, and whoever is found subject to misconduct and corruption, will be automatically submitted to the concerned agencies.
Corruption is what has kept this country backwards, and the responsibilities that we hold with our people tells us that, we should lead the people with high moral, integrity and be a role model, so as to strengthen and assure the confidence of the Somali nationals.
Therefore, it is very significant, for the Director General and the Director of Finance to have lawyers to defend them from the massive corruption allegations. During the period of the investigation both officials have the right to receive their rights.
ENDS
Minister of Information has suspended the Director General & the Director of Finance based on corruption allegations
Maraykanka Oo Weli Wada Dib Usoo Celinta Soomaalida Ku Nool Dalkaas
Muqdisho(SONNA)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka maraykanka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda maraykanka ay waddo qorshe dalkeeda ay uga musaafuriyo Soomaali gaaraysa 4’000″ afar boqol oo kun oo ruux”.
Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Maraykanka ay waddo qorshayaal dalkeeda ay uga soo celineyso dadka Soomaaliyeed ee mudda ku noolaa dalkaas.
“Waxaa jira dad hadda ku sugan goobaha laga diiwaan geliyo dadka la musaafurinayo oo gaaraya 300 oo soomaali ah kuwaas oo sugaya in dalkooda dib loogu soo celiyo waxaa kaloo jira howlgalkii ugu dambeeyay ee hay’adaha Socdaalka in lagu soo qabtay dad gaarayay 80 ruux oo uu ku jiro nin Soomaali ah” Ayuu yiri Safiir Axmed Ciise Cawad .
Dowladda Maraykanka ayaa horay u diiday in dalkeeda ay ku noolaadaan dad ka soo jeeda 6 wadan oo soomaaliya Qayb ka ahayd waxaana xilligaas wixii ka dambeeyay dalka dib loogu soo celiayay soomaali muddo ku nooleyd maraykanka.
Roobab lagu diirsadey oo ka da’ay deegaanno hoos yimaada Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Muqdisho(SONNA)-Roobabkan ayaa shalay ilaa xalay ka da’ay deegaanka koongo oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo saameeyay qoysaska dantayar ee deegaankaas iyo deegaannada kale ee ku dhow ku nool.
Sahro Xuseen oo ka mid ah dadka Tuulada koongo oo la hadashaywarbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in Roobabku ay saameeyeen dadka ku nool Guryaha ka sameysan Bacaha iyo xooshadaha isla markaana roobku uu watay dabeylo xooggan.
“ Roobkii shalay iyo xalay noo da’ay waxa uu saameeyay qoysaskeenna, guryaheennii waxaa ka biibay jiinkadihii saarnaa kaddib dabeylo xoogga uu watay roobka oo saameeyay, banaanka ayaan hadda jiifnaa waxaan u baahannahay caawimaad” ayay tiri Sahro oo ka mid ah dadka tuulada gongo.
Inkastoo muddo la sugayay roobabkaan uuna ku soo aaday xilli abaaro xooggan ay kajirtu dalka ayaa hadana waxa uu saameeyay dadka Danta yar ee ku nool Guryaha aanan awoodin in ay iska Celiyaan Dabeylaha uu roobku wato.
Mareykanka oo sheegay in maraakiib dagaal uu geynayo Gacanka Kuuriya
Madaxda ciidamada Mareykanka ayaa amar ku bixiyay in maraakiib dagaal oo koox ah ay u dhaqaaqaan dhanka gacanka Kuuriya kadib walaac soo kordhaya oo la xiriira horumarinta gantaalada tijaabada ah ee ka imaanaya Woqooyiga Kuuriya.
Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Pacific ayaa ku macneeyay in daadgureynta maraakiibta dagaal ee galbeedka Pacific,ay tahay tallaabo loo qaaday si miyir ak oo lagu ilaalinayo danaha gobolka.
Madaxweynaha Mareykanka Mr.Trump,ayaa sheegay in diyaargarowga ay sameynayaan ay tahay mid ku kooban iyaga,isla markaana ay doonayaan in ay kula macaamilaan halista hubka niyuklerka ee dhinaca W/Kuuriya.
Maraakiibta dagaal ee la geynayo gacanka Pacific ayaa isigu jira kuwo xambaara diyaaradaha,nuuca laga rido gantaalaha Kuruuska,kuwa burburiya gantaalada iyo maraakiib kale oo caawiyaal
Wasiirka Warfaafinta oo shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka arrimo la xiriira eedeymo musuqmaasuq ah
Muqdisho, 09 April 2017 – HE Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta arrimo la xiriira eedeymo maamul xumo iyo musuqmaasuq.
Eng. Yarisow oo la wareegey xilka Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya taariikhdu markii ay aheyd 02 April 2017, ayaa bilaabay inuu dib u eegis iyo u kuurgelid ku sameeyo dokumentigii xil-wareejinta isla markaasna uu xog-wareysiyo la sameeyey shaqaalaha Wasaarada, waxaana u soo baxday inay jiraan cabashooyin fara badan iyo eedeymo cul-culus oo tilmaamaya inuu jiro maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan oo ay mas’uul ka yihiin Agaasimayaasha shaqada laga fariisiyey.
Sidaas daraadeed, Wasiirka Warfaafinta waxuu shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta si hay’adaha ay khuseyso ay u sameeyaan baaritaan rasmi ah oo la xiriira eedeymahaas cul-culus.
Dowladda Federaalka waxey ahmiyad gaar ah siineysaa la dagaalanka musuqmaasuqa. Eng. Yarisow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Uma dulqaadaneyno maamul xumo iyo musuqmaasuq toona, talaabadana waa bilow la doonayo in lagu hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. Fariintan waa mid ku socota dhammaan shaqaalaha wasaarada oo cidii lagu helo maamul xumo iyo musuqmaasaq waxaa loo gudbinayaa hay’adaha ay khuseyso. Musuqmaasuq waa waxa dalkan dib u dhigay, mas’uuliyadana waxey na fareysaa inaan ummada u horseedno maamul wanaag oo aan tusaale u noqono, si loo sii xoojiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.”
Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in Agaasimayaasha shaqo ka fariisinta lagu sameeyey ay qabsadaan qareen ka difaaca eedeymaha cul-culus ee musuqmaasuqa ah. Mudada ay baaristu socotana waxey xaq u leeyihiin waxii xaquuq ah ee uu sharcigu qabo.
DHAMAAD
Maraykanka Oo Weli Wada Dib Usoo Celinta Soomaalida Ku Nool Dalkaas
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka maraykanka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda maraykanka ay waddo qorshe dalkeeda ay uga musaafurineyso Soomaali gaaraysa 4’000″ afar kun oo ruux oo soomaali ah.
Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Maraykanka ay waddo qorshayaal dalkeeda ay uga soo celineyso dadka Soomaaliyeed ee mudda ku noolaa dalkaas.
“Waxaa jira dad hadda ku sugan goobaha laga diiwaan geliyo dadka la musaafurinayo oo gaaraya 300 oo soomaali ah kuwaas oo sugaya in dalkooda dib loogu soo celiyo waxaa kaloo jira howlgalkii ugu dambeeyay ee hay’adaha Socdaalka in lagu soo qabtay dad gaarayay 80 ruux oo uu ku jiro nin Soomaali ah” Ayuu yiri Safiir Axmed Ciise Cawad .
Dowladda Maraykanka ayaa horay u diiday in dalkeeda ay ku noolaadaan dad ka soo jeeda 6 wadan oo soomaaliya Qayb ka ahayd waxaana xilligaas wixii ka dambeeyay dalka dib loogu soo celiayay Soomaali muddo ku nooleyd maraykanka.
Roobab dadka iyo Duunyada ay ku diirsadeen oo ka da’ay deegaanno hoos yimaada Gobolka Shabeellaha Dhexe
Roobabkan ayaa shalay ilaa xalay ka da’ay deegaanka gongo oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo saameeyay qoysaska dantayar ee deegaankaas iyo deegaannada kale ee ku dhow ku nool.
Sahro Xuseen oo ka mid ah dadka Tuulada Gongo oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in Roobabk ay saameeyeen dadka ku nool Guryaha ka sameysan Bacaha iyo xooshadaha isla markaana roobku uu watay dabeylo xooggan.
“ Roobkii shalay iyo xalay noo da’ay waxa uu saameeyay qoysaskeenna, guryaheennii waxaa ka biibay jiinkadihii saarnaa kaddib dabeylo xoogga uu watay roobka oo saameeyay, banaanka ayaan hadda jiifnaa waxaan u baahannahay caawimaad” ayay tiri Sahro oo ka mid ah dadka tuulada gongo.
Inkastoo muddo la sugayay roobabkaan uuna ku soo aaday xilli abaaro xooggan uu dalku ka jiro ayaa hadana waxa uu saameeyay dadka Danta yar ee ku nool Guryaha aanan awoodin in ay iska Celiyaan Dabeylaha uu roobku wato.
Wefdi ay Hoggaaminayso Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo gaaray Beydhabo
wefdi ay hoggaaminayso Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed oo ay kamid yihiin wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hogaaminayey Sheekh Xamed Bin Fahad Al Thani oo ka mid ah qoyska boqortooyadda dalkaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Beydhaba ee Gobolka Baay.
Wafdiga ay hoggaamineyso wasiirka gargaarka iyo maaraynt Musiibooyinka ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxwenaha Dowlad Gobolleedka Koon fur Galbeed Soomaaliya iyagoo kawada hadlay ka shaqaynta sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu sameeyeen ee ku nool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale waxa ay wefdiga gaareen xiryaha dadka Barakacayaasha ah ee ku yaalla duleedka magaalada ee ka mid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen iyagoo kormeeray xaaladda dadkaas.
Dhanka kale waxaa jira deeq dowladda Qadar ay u qeybin doonto qoysaska qaar.
Dadaallo loogu gurmanayo dadka ay abaartu saameysay oo ka socoto dalka Mareykanka
Gobolka Minnesota oo ah Gobolka ugu badan oo ay Soomaalida Maraykanka degan tahay ayaa weli waxaa ka socda dadaallada loogu gurmanayo abaaraha baahsan ee laga soo sheegayo dalka Soomaaliya, hadaba kulan ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen Hey’adaha Hilaac Foundation, Minnesota Community of Africa People with Disablities, Feed my Starving children iyo Hey’adda Matter ayaa waxa ay kusoo bandhigeen ilaa shan kunteenar oo ay ku jiraan Cunto Nafaqo leh oo loogu tala galay in la gaarsiiyo Abaaraha Soomaaliya.
Luul Cali Cismaan oo ah madaxa hey’ada Hilaac Foundation ayaa sheegtay in deeqdani ay si toos ah u gaarsiin doono dadka abaaraha ay samaysay isla markaana ay balan qaaday in ay soo gudbin doonto cadeynta iyo meelaha ay ka qeybineyso Raashiinkani.
Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah culimada ugu caansan Maraykanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay iyaga laga doonayo in ay iscaawiyaan, isagoo ka codsaday dadkii ka soo qeyb galay munaasabadani in ay la baxaan sadaqada oo ay u gurmadaan abaaraha ka jira Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee waxaa sii kordhaya dadaallada Caalamiga ah ee la doonayo in loogu gurmado dadka ay abaaruhu aafeeyeen, waxaana ilaa iyo inta aan ka warqabno dalkani Maraykanka laga diray lacag ku dhaw hal milyan iyo bar doolar
Liban Hussein
Warbahinta Qaranka Minneapolis
La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS oo faah faahin ka bixiyay Dagaalka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo
Mudane Xuseen Macalin oo ah La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa fasiraad ka bixiyey iclaamintii dagaalka ee 6-dii April 2017.
Xuseen oo mar su’aal laga weydiiyey arrinta Xaalad Dagaal ayaa sheegay inaysan haba yaraatee micnahu aheyd Xaalad Deg-deg ah, hase yeeshee uu ku micneeyey inay tahay xaalad lagu xoojinayo ama lagu dar-dargelinayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab. Xuseen ayaa sheegay in tallaabadan ay ku timid ka dib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu horey u ballanqaaday inuu mudnaan gaar ah siin doono arrimaha amniga, isla markaasna ay suurtogashay in dib u habeyn lagu sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada Dalka.
Xuseen oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in Xaalad Dagaal ay micnaheedu tahay diyaar garow dhanka ciidamada ah si ay howlgal ballaaran u qaadaan iyo diyaar garow dhanka shacabka ah oo laga doonayo inay taageeraan oo garab-istaagaan ciidamada xilliga ay dagaalka ku jiraan.
Xuseen ayaa ugu danbeyntii sheegay in micnaha Xaalad Dagaal aysan marnaba la mid aheyn Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency), sababtuna waxey tahay Xaalad Deg-deg ah waa marka khatar weyn ay soo wajahdo dalka, taas oo u baahan in dhammaan hay’adaha Dowliga ah inay ka wada tashtaan oo waxaa jira nidaam loo maro oo ugu danbeyntana Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay hay’ada soo saari karta Xaalada Deg-dega ah si uu Madaxweynahu dekreeto ugu soo saaro.

















