Hogaanka Bulshada Rayidka ee Galmudug oo la doortay

Date:

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Cadaado uga ย qeyb galay doorashada hogaanka ururada bulshada rayidka maamulkaasi.

50 ruux oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka isla markaana matalayey Degmooyinka Galmudug ayaa cod qarsoodiya ย ku kala doortay ilaa 6 musharax oo usoo tartamay Gudoomiyaha iyo labadiis ku xigeen.

Gabagabadii doorashada Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Galmudug iyo ku xigeenadiisa waxaa ku dhawaaqay najiitada caydiid Maxamed Cali oo ka mida xubnaha doorashadaan qaban qabiyey, Waxana Gudoomiye loo doortay Qadar Maxamed Faarax Halka Ku xigeenka 1-aad loo doortay Sagal Mahdi Jamac Gudoomiye Ku xigeenka 2-aad ay ku guuleysatay Nuuriyo C/risaaq.

Qadar Maxamed Faarax Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Galmudug ayaa sheegay inay la shaqeydoonan maamulka sidoo kalena ku farmuuqi doonaan meelaha uu gaabis ka jiro.

Wasiir Dowlaha Armaha Gudaha iyo dowlada Hoose Galmuudg Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay inay ka maamul ahaan soo dhahweynayaan hogaanka bulshada rayidka Galmuudg mumiimna ay u yihiin isdhaxgalka bulshada iyo ka shaqeynta horumarka deegaanka.

markii ugu horeysay ayeey noqoneysaa oo ururada bulshada raydika Galmudug yeeshaan Hogaan ay ku mideysayihiin waxana masโ€™uuliyiintaan la doortay looga fadhiyaa matalaad dhab ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...