Home Blog Page 1620

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo oo gaaray Masar

0

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah gaaray dalka Masar, waxaana garoonka diyaaraha ee magaalada Qaahira ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaas Abdel Fattah El Sisi.

Labada madaxweyne ayaa la filayaa in saacadaha soo socoda kulan yeeshaan isla markaana ka wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dowladood, gobolka iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan ee  Afrika

Booqashadii ugu horeysay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku tago dalka Masar tan iyo markii madaxweynaha jamhuuriyadda loo doortay 8 Fibraayo ee sanadkan.

Madaxweynaha ayaa wefdigiisa waxaa kamid ah wasiirka arimaha dibadda iyo xubno kale oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan madaxtooyada qaranka.

Wasiir Xoosh oo la kulmay Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka

0

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud iyo La-taliyayaal ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta la kulmay Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa waxaa ugu horeeyn Wasiirka iyo Xubnahii la socday soo dhaweeyay Gudoomiyaha Guddiga Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid.

Intaa kadib, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Guddiga uga warbixiyay hawlaha Wasaaradda ay wado.

“Anaga markii aan la wareegnay xilka Wasaaradda waxa aan go’aansanay in aan bilaawno u diyaar garowga Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, waxa aan kulamo wadatashi ah ku qabanay qaar kamid ah dawlad goboleedyada oo aan ku dhageeysaneynay ra’yiga shacabka ee ku aadan Ololaha dib-u-eegista Dastuurka ee dalka ka bilaabmi doona sanadkan” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, AVV Cabdi Xoosh oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay wadashaqayn dhexmarta Wasaaradda iyo Guddiga ay yiri “In aan wadashaqayn idin la yeelanno waa mid lagama maarmaan ah oo aan su’aal la gelin karin oo ay tahay in aan bilawno, diyaar ayaan idiin nahay waqti walba oo aad noo baahataan si aad su’aallo nooga weydiisaan hawlaha socda; farxad wayn bay ii tahay in aan wadashaqayno Guddigan oo xubnaha katirsan badankood aanu nahay asxaab horey u soo wadashaqeysay oo kawada tirsanaa Baarlamankii 9aad” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Gudoomiye Cabdi Qaybdiid ayaa Wasiirka uga mahadceliyay hawlaha ay Wasaaradda qabatay, waxa uuna u ballanqaaday in ay si dhaw u wadashaqayn doonaan si dadka Soomaaliyeed ay u heelaan Dastuur dhameeystiran.

Gebagabadii, Wasaaradda iyo Guddiga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa ku ballamay wadashaqayn.

Gudoomiye Jawaari  oo Muqdisho uga qeyb galay shir ku saabsan Iskaashiga Barlamaanka FS iyo kuwa dowlad goboleedyada

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna kusimaha madaxweynaha JFS ayaa Muqdisho uga qeybgalay shir ku saabsan iskaashiga Baarlamanka FS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Kulanka waxaa looga hadlayaa Sameynta isku duwida iyo iskaashiga Baarlamaanka dhexe iyo Kuwa dowlad goboleedyada.

Hay’adda UNDP ayaa soo qaban qaabisay Kulanka, wuxuuna ka mid yahay mashruuca UNDP ee taakuleynta baarlamaanada.

Maalinkii labaad ayuu socdaa Kulanka, iyadoo maanta ay goob joog yihiin gudoomiyaha golaha shacabka iyo gudoomiyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada

Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda oo ka warbixiyey Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

0

Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda Soomaaliya Cabdi  Canshuur Xasan oo ka qeyb galay barnaamijka waxqabad ee ka baxa warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee dhawaan ay ansixiyeen xildhibaannada Golaha Shacabka haddana horyaalla mudanayaasha Aqalka Sare uu waxbadan ku soo kordhin doono dalka gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Daqliga.

Wasiirka Boostada ayaa sidoo kale sheegay in sharciga Isgaarsiinta Qaranka  markuu dhaqan galo uu abuuri dooni Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka taasoo maamuli doonta dhaqangalka Sharciga Isgaarsiinta.

Sidoo kale Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ka hadlay Xiriirka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya  iyo Shirkadaha Isgaarsiinta iyo doorka ay ku leeyihiin Sharciga Isgaarsiinta Qaranka iyo haddii ay jiraan kulamo ay la yeesheen.

Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda Eng. Cabdi Canshuur Ayaa sheegay in Casharkii laga bartay dhibaatada Go’itaankii Internedka in uu sababay in ay billaabeen qorshayaal looga gudbi karo haddii markale ay dhibaatadaas  oo kale  dhacdo.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga”Wey sii socon doonaan Howlgalada Sh/Hoose”

0

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Cabdullaahi Iimaan Ceynte oo lahadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sii socon doonaan Howlgalada Ciidanka Xoogga ay ka wadaan deegaanadii lagala wareegay Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalada oo shalay Maleeshiyaadka Al-shabaab looga furtay hub kala duwan uu yahay mid aan joogsan doonin ilaa Al-shabaab laga saarayo meelaha wali gobolka Sh/Hoose ay kaga dhuumaaleysanayaan.

Waxa uu intaasi ku daray in maadaama uu gobolka Sh/Hoose yahay meel Istiraatiiji ah lagama maarmaan ay tahay in cadowga aan loo ogolaan in ay kusii nagaadaan, ciidanka xoogga dalkana ay diyaar u yihiin sidii loo cirib tiri lahaa maleeshiyaadkaasi.

Howlgalada socda ayuu ku tilmaamay Cabdullaahi Iimaan Ceynte afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka in ay ka duwan yihiin howlgaladii hore maadaama aaney joogsan doonin inta Argagixisada awoodooda laga wiiqayo.

Ciidamada Ammaanka oo saakay howlgalo ka wada deegaano ka tirsan Sh.Hoose

0

Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo ka wada deegaano katirsan gobolka Sh/Hoose, oo shalay ay kala wareegeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalada si gaar ah uga sameynaya deegaanadii shalay lala wareegay, iyada oo baaritaano gaar ah lagu sameynayo wadooyinka iyo xaafadaha qaar ee daaganadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in deeganada lagala wareegay Al-shabaab loo sameyn doono maamul, maadaama ay yihiin deegaano Istiraatiiji ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in iminka ay socdaan howlgalada ciidamadda xoogga dalka, oo sida uu sheegay lagu xaqiijinayo amaanka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano katirsan Sh/Hoose

0

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Cabdi Cabdulle oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Dalka ay howlgalo ka sameeyeen deegaano katirsan gobolka Sh/Hoose, waxaana uu sheegay in ciidanku ay la wareegeen deegaano horey ay ugu sugnaayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanada ay qabsadeen ciidanka xooga dalka ayaa waxaa kamid ah Bariire, Sabiible, Caanoole, Mareerey iyo tuulooyin kale oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Shabaab.

C/fitaax Xaaji Cabdulle guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegey in ciidamada Dowladda siweyn loogu soo dhaweeyey deegaanadii ay qabsadeen, ayadoo la arkayay dadweyne aad u farabadan oo ku faraxsan howlgaladaasi dib u xoreynta ah.

Deegaanka Bariire ayaa kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaasi, halkaasi o la sheegay in laga taagay calanka Soomaaliyeed, islamarkaana laga dejiyay marada madow ee lagu yaqiinay maleeshiyada Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa ugu baaqey shacabka ka soo jeeda deegaanadaasi in ay dib ugu so laabtaan guryohooda, islamarkaana laga qaaday culeyskii ay ku hayeen kooxaha argagixisada.

Marxuum Dr Maxamed Jaamac oo lagu aasay Gaalkacyo

0

Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalk,  kuwa Puntland, siyaasiyiin, maamulka gobolka, dhaqaatiir u dhashay dalka Talyaaniga, Isimo iyo shacab ka kala yimid deegaanada Puntland ayaa maanta ka qaybgalay Aaaska Marxuum Dr Maxamed Jaamac Salaad oo  lagu aasay Magaalada Galkacyo.

Ugu horayn Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa Raxmad iyo Jano Alle uga baryay Marxuum Dr Maxamed Jaamac Salaad.

Dhinaca Siyaasiyiinta waxaa aaska ka hadlay Cali Cabdi Awaare oo ka hadlay gargaarkii uu marxuumka u fidin jiray bukaanada una tacsiyeeyay Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Xuubsireed oo ku hadlayay afka dowlalada Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Cabdinasir Cismaan  ayaa ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka, waxaana ay Alle uga baryeen in uu ka waraabiyo janadii Fardowso ahayd, ehelka uu Alle ka siiyo samir iyo iimaan.

Hogaanka Bulshada Rayidka ee Galmudug oo la doortay

0

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Cadaado uga  qeyb galay doorashada hogaanka ururada bulshada rayidka maamulkaasi.

50 ruux oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka isla markaana matalayey Degmooyinka Galmudug ayaa cod qarsoodiya  ku kala doortay ilaa 6 musharax oo usoo tartamay Gudoomiyaha iyo labadiis ku xigeen.

Gabagabadii doorashada Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Galmudug iyo ku xigeenadiisa waxaa ku dhawaaqay najiitada caydiid Maxamed Cali oo ka mida xubnaha doorashadaan qaban qabiyey, Waxana Gudoomiye loo doortay Qadar Maxamed Faarax Halka Ku xigeenka 1-aad loo doortay Sagal Mahdi Jamac Gudoomiye Ku xigeenka 2-aad ay ku guuleysatay Nuuriyo C/risaaq.

Qadar Maxamed Faarax Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Galmudug ayaa sheegay inay la shaqeydoonan maamulka sidoo kalena ku farmuuqi doonaan meelaha uu gaabis ka jiro.

Wasiir Dowlaha Armaha Gudaha iyo dowlada Hoose Galmuudg Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay inay ka maamul ahaan soo dhahweynayaan hogaanka bulshada rayidka Galmuudg mumiimna ay u yihiin isdhaxgalka bulshada iyo ka shaqeynta horumarka deegaanka.

markii ugu horeysay ayeey noqoneysaa oo ururada bulshada raydika Galmudug yeeshaan Hogaan ay ku mideysayihiin waxana mas’uuliyiintaan la doortay looga fadhiyaa matalaad dhab ah.