Maleeshiyadaka Al-Shabaab oo 3 Qof ku dishey Dalka Kenya

Date:

Kooxo la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Shabaab ayaa gowrac ku dilay 3 kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Maleli oo kutaala Jaziiradda Lamu ee dalkasi Kenya,iyagoo sidoo kale gubay guryo halkaasi kuyaalay, markii ay weerar ku qaadeen waaberigii saaka.

Guddoomiyaha deegaankaasi Gilbert Kitiyo,ayaa Jariiradda The Daily Nation ee ka soo baxday dalka Kenya u sheegay in 3 qof ay dileen kooxahaasi, balse dadka deegaanka ayaa sheegayaa in ay 4 qof ahaayeen dadka la dilay.

Waxaa goobtaasi gaaray ciidamo iyo saraakiil Booliis ah oo uu maamulka u diray halkaasi, si ay u dabagaalkaan kooxihii falkaasi ka dambeeyey,falka ayaa dhacay xili saacaddu ay ahayd 12:00 ee saqdhii Dhexe ee xalay.

Ragii weerarkaasi fuliyay ayaa ku baxsaday meelaha Keymaha ah ee halkaasi u dhow, sida lagu yaqaano weerarda argagixisadu ay fuliyaan,sida ay sheegayaan saraakiil katirsan Dowladda Kenya.

Kenya weli kama hadlin sababta loo beegsaday dadkaasi iyo waxa ay ahaayeen,balse waxaa la xaqiijiyay qura in 3 qof la dilay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in uu soconaya howlgal ballaaran oo ay wadaan ciidamada ammaanka dalkaasi, kuwaasi oo baadi goob ugu jiray sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kooxaha argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...