Shir looga hadlayay horumarinta Soomaalida Finland kunool oo la soo geba gebeeyey

Date:

Magaalada Turku ee dalka Finland ayaa lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlayay fursadaha ay dadka Somaaliyeed uhaystaan iney ganacsi ka sameystaan dalkan,   waxaana kasoo qeyb galay xubno katirsan dowladda Finland,  jaaliyaddaha Soomaalida dalkan Finland  iyo qurbajoog kale oo ka yimid dalalka kale ee Yurub.

Barnaamijkan oo loogu magac daray Iska Waran ayaa soconayay muddo labo maalin ah, waxaana lagu soo bandhigayay arrimo ay ka mid yihiin qaabka ay Soomaalidu ula qabsatay  nolosha Finland, gaar ahaan dhanka shaqadda iyo waxbarashada.

Sidoo kale Intii uu socday  shirkan waxaa lagu soo bandhigay tirada bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool Finland,kuwaasi oo isugu jira kuwa dalkan qaxooti ahaan kusoo galay iyo kuwa ku dhashay.

C/Shakuur Cali oo ah qaban-qaabiyaha Shirkan iyo guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Turku Sagal Maxamuud Cali ayaa si isku mid ah rajo ugu muujiyay in shirkan uu faa’ido weyn ukeeni doono dadka Soomaaliyeed ee dalka Finland ku nool.

“Runtii Soomaalida faa’ido weyn ayaa ugu jirta arrintani,hadii ay ahaan lahayd dhinacyada waxbarashada,ganacsiga iyo horumarka,waxaan dhiiro gelinaynaa in xoojinta barnaamijkan”, Ayay si isku mid ah u dheheen mas’uuliyiintani.

Xildhibaanada Soomaalida ah ee golaha deegaanka magaalooyinka Turku iyo Helsing oo shirkan ku sugnaa iyo ka qeyb galayaashii kale ee shirkan ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay si fir fircon uga dhex muuqdaan bulshadda laakiin ay muhiim u tahay in la helo ganacsi Soomaaliyeed oo lagu faani karo isla markaana bulshadda shaqo abuur iyo hormar u sameyn kara.

Shirka Iska Waran oo la qabanayo sanadkii labaad ayaa waxaa ugu dambeyn kasoo baxay natiijo wax ku ool ah,  oo faa’ido badan  u leh bulshadda Soomaaliyeed ee kunool dalkan Finland, waxaana sanadka soo socda lagu qaban doonaa magaaladda Helsinki ee caasimadda dalkan Finland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...