Madaxweyne C/weli Gaas”Shacabka Puntland ha ilaashadaan nabadda iyo amnigooda

Date:

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka  Puntland Dr. Cabdiwali Maxmed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo  ayaa safar ugu ambabaxay  dalka Boqortooyada Sucuudiga, Safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ujeedada safarkooda waxaa uu la xiriira sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka  Puntland kula dardaarmay inay Ilaashadaan nabad gelyadooda iyo xasiloonidooda, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamadooda sugaya amaankooda, Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle ka baryey inuu nabad kusoo celiyo, dalka oo nabadana ay dib ugu soo laabtaan.

Weftiga Madaxweynaha oo ka dhoofay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku wehelinaayey safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, iyo Murwadiisa iyo sidoo kale  mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada  Puntland, waxaana Madaxweynaha iyo weftigiisa garoonka diyaarada Boosaaso kusii sagootiyey maamulka gobolka Bari iyo degmada Boosaaso, taliska qeybta gobalka bari iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hor inta aanu safrin lahadlay warbaahinta, ayaa sheegay faah faahin ka bixiyay ujeedka safarkiisa.

“Waxaan  u ambabaxaynaa dalka Sacuudiga oo aniga iyo guddomiyihii Baarlamaanka Puntland iyo ummad kale oo reer Puntland-ah aanu u aadayno gudashada waajibaadka Xajka, Illahay waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo gudashada waajibaadka Xajka dhammaantayo, Insha Alla haddaanu tagnan, waanu soo ducaynaynaa in Illahay dalkayaga nabad noogayeelo, In Illahay horumarka iyo wanaagga noo siyaadiyo, In Illahay wixii dhib ah oo jira naga dulqaaado oo noo fududeeyo’’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlad Goboleedka  Puntland ayaa ummaadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka  Puntland ka dalbaday inay usoo duceeyaan isaga iyo weftigiisa, isla markaana ay soocafiyaan, soona saamaxaan cid kasta oo wax tabanaysa haddii ay jiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...