Guddoomiyaha Aqalka sare oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjire Micheal Keating

Date:

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, waxayna ka wada hadleen arimaha Dastuurka iyo shaqada aqalka sare.

Kulanka labada masuul waxaa goob ka joog ahaa Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo Warbixin ka siiyay Danjiraha sida ay socdaan hawlaha dastuurka.

Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo dardar galinta hawlaha dastuurka, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii uu kaga bixi lahaa ku meel gaarka.

Kulanka ka dib Danjire Micheal Keating, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxay kormeer ku tageen Xafiisyada kala duwan ee aqalka sare, waxaana si gaara uu Danjiraha ugu kuur galay sida ay u socdaan hawlaha Dastuurka.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay in booqasho uu ku yimaado xarunta aqalka sare, wuxuuna sheegay in uu aad ula dhacay qaabka shaqada Dastuurka ay u socoto, isagoona ku baaqay in la xoojiyo si loo dhameystirayo hawlaha harsan ee Dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...