R/Wasaare Khayre oo soo xiray Shir weynaha Qaran ee Xal u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho, August 30, 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shir weyne looga hadlayay Xal-u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya. Waxaana shirkani soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka, iyadoo mudadii saddexda maalin ee soconayay looga doodayay sidii xal maangal ah loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa xiritaanka shirka uga dhawaaqay 1-da bisha agoosto in loo asteeyey maalinta qaxootiga Soomaaliyeed. Isla markaana ay muhiimad gaar ah u leedahay bulshada Soomaaliyeed maadaama ay in badan oo kamid ah ay ka hayaameen dalkooda mudadii colaaddu ay jirtay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in laga fekero xal u helidda mushkiladaha jira oo sababay in dadka Soomaaliyeed ay maciin bidaan dalalka adduunka, wuxuna xusay in Xukuumaddu ay xoogga saari doonto sidii dadka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol wanaagsan oo ay uga maarmi karaan qaxootinimada.

“Xukuumaddu waxay xoojin doonta daryeelka iyo dib-u-dejinta barakacayaasha gudaha, isla markaana waxay xil adag iska saari doonta maareynta habsami u soo noqoshada qaxootiga somaliyeed ee dalka dibeddiisa ku sugnaa mudada ka badan 30ka sano” ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay inaan isku darsano caqliga si aan xal waara ugu helno arinta qaxootiga Soomaaliyeed, xukuumadda iyo madaxda dalkuna ay diyaar u yihiin dadaal walba oo gacan siinaya dadka qaxootiga ah.

“Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse dadka liita u samafalkiisa waxay noo tahay muhiimada koowaad, dalka gudihiisa iyo Dibadiisa Qaxootiga joogana mar kasta waa inaan ka fikirnaa”.ayuu raaciyey R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii kula dar-daarmay bulshada Soomaaliyeed inay is cafiyaan gacana isa siiyaan. Isagoo tilmaamay in qabyaaladdu ay tahay astaanta bur-burka dawladnimada.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...