Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo Maanta Kulan deg deg isugu imaanaya

Date:

Galinka dambe ee Maanta Golaha amaanka ee Qaramada Mdioobay ayaa kulan deg deg isugu imaanaya Magaalada New York ee dalka Mareynkanka.

Kulankan ayaa waxaa looga hadli doonaa Arimaha waqooyiga Kuuriya gaar ahaan waxaa diira lagu saari doonaa Gantaalkii ay dul mariyeen Hawada Japan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzō Abe iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo mudo 40-daqiiqo ah ku wada hadlayay Qadka Telfoonka ayaa si wadajir ah u codsaday kulankan.

Shinzō Abe oo la hadlayay wakaalada wararka France ee AP ayaa sheegay in ujeedada kulanka ay tahay in la kordhiyo Cuna qabateynta Kuuriyada Waqooyi, maadaama ay ku xad gudbeen Hawada Japan, wuxuuna ugu baaqay dowladaha Ruushka iyo Shiinaha inay door weyn ka qaataan in la talaabo laga qaado Xukuumada Pyongyang.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha japan wuxuu sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu ku celceliyay inuu garab taagan yahay Japan, isla markaana ay dhinac kaga soo jeesanayaan Hanjabaada kaga imaaneysa Dowlada waqooyiga Kuuriya.

Waa markii ugu horeysay oo Dalka Japan uu si toos ah u dulmaro Gantaal ay soo ridday Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii ay sare u qaaday tijaabada Gantaalada Ridada dheer.

Todobaadkii hore ayaa Kuuriyada Waqooyi waxaa ay tijaabisay seddax Gantaal, balse waxay militariga Mareykanku ay ku sheegeen in ay ahaayeen kuwo fashilmay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...