Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo Maanta Kulan deg deg isugu imaanaya

Date:

Galinka dambe ee Maanta Golaha amaanka ee Qaramada Mdioobay ayaa kulan deg deg isugu imaanaya Magaalada New York ee dalka Mareynkanka.

Kulankan ayaa waxaa looga hadli doonaa Arimaha waqooyiga Kuuriya gaar ahaan waxaa diira lagu saari doonaa Gantaalkii ay dul mariyeen Hawada Japan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzō Abe iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo mudo 40-daqiiqo ah ku wada hadlayay Qadka Telfoonka ayaa si wadajir ah u codsaday kulankan.

Shinzō Abe oo la hadlayay wakaalada wararka France ee AP ayaa sheegay in ujeedada kulanka ay tahay in la kordhiyo Cuna qabateynta Kuuriyada Waqooyi, maadaama ay ku xad gudbeen Hawada Japan, wuxuuna ugu baaqay dowladaha Ruushka iyo Shiinaha inay door weyn ka qaataan in la talaabo laga qaado Xukuumada Pyongyang.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha japan wuxuu sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu ku celceliyay inuu garab taagan yahay Japan, isla markaana ay dhinac kaga soo jeesanayaan Hanjabaada kaga imaaneysa Dowlada waqooyiga Kuuriya.

Waa markii ugu horeysay oo Dalka Japan uu si toos ah u dulmaro Gantaal ay soo ridday Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii ay sare u qaaday tijaabada Gantaalada Ridada dheer.

Todobaadkii hore ayaa Kuuriyada Waqooyi waxaa ay tijaabisay seddax Gantaal, balse waxay militariga Mareykanku ay ku sheegeen in ay ahaayeen kuwo fashilmay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...